Sign in to follow this  
Liqaye

Danjire Augostin Mhinga oo bilaabay qorshe lagu heshiisiinayo Dowladda KMG ah iyo maamulka Puntland

Recommended Posts

Liqaye   

Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Danjire Augostin Mhinga ayaa bilaabay inuu soo farageliyo khilaafka u dhaxeeya dowladda KMG ah iyo maamulka Puntland, waxaana dadaaladaasi oo Danjire Mhinga soo waday labadii bilood ee la soo dhaafay soo waday isaga dab qaadidda labada dhinac iyo kulamo kala gooni gooni ah oo uu la yeelanayay labada dhinac, iyadoo la filayo dhowaan in meesha laga saaro khilaafka u dhaxeeya Dowladda KMG ah iyo maamul goboleedka Puntland isla markaana dib loo soo celiyo xiriirkii iyo wada shaqeyntii u dhaxeysay.

 

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/raxmaan Xaaji Maxamed (Faroole) oo dalka dib ugu soo laabtay, kaddib socdaalo uu ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Talyaaniga, ayaa mar uu ka hadlayay khilaafka u dhaxeeya Dowladda iyo Puntland waxa uu sheegay in QM ay dadaal ugu jirto sidii ay u heshiisiin lahayn labada dhinac, wuxuuna tilmaamay dhinacooda inay diyaar u yihiin wadahadalo inay la galaan Dowladda KMG ah.

 

"Dhowaan waxaa noo imaanaya Ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Agustin Mhinga oo dadaal ugu jira sidii meesha looga saari lahaa khilaafka u dhaxeeya TFG iyo Puntland" ayuu yiri Madaxweyne Faroole oo sheegay in booqashada ergeyga QM ee Soomaaliya ay kala hadli doonaan dhinacooda waxyaabaha ay ka tabanayaan Dowladda KMG ah.

 

Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin booqashada Danjire Agustin Mhinga uu ku tegayo magaalada Garowe, balse Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in ergeygu imaanayo labada maalin ee soo socta midood, iyadoo dadaalka QM ugu jirto xalinta khilaafyada u dhaxeeya Dowladda iyo Puntland ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay inuu yahay mid gabagabo ah isla markaana ergada labada dhinac ay yeelanayaan wadahadalo fool ka fool ah kaasi oo ay ku wada saxiixanayaan heshiisyo ku saabsan danaha ka wada dhaxeeya

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this