Liqaye Posted March 25, 2011 Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Danjire Augostin Mhinga ayaa bilaabay inuu soo farageliyo khilaafka u dhaxeeya dowladda KMG ah iyo maamulka Puntland, waxaana dadaaladaasi oo Danjire Mhinga soo waday labadii bilood ee la soo dhaafay soo waday isaga dab qaadidda labada dhinac iyo kulamo kala gooni gooni ah oo uu la yeelanayay labada dhinac, iyadoo la filayo dhowaan in meesha laga saaro khilaafka u dhaxeeya Dowladda KMG ah iyo maamul goboleedka Puntland isla markaana dib loo soo celiyo xiriirkii iyo wada shaqeyntii u dhaxeysay. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/raxmaan Xaaji Maxamed (Faroole) oo dalka dib ugu soo laabtay, kaddib socdaalo uu ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Talyaaniga, ayaa mar uu ka hadlayay khilaafka u dhaxeeya Dowladda iyo Puntland waxa uu sheegay in QM ay dadaal ugu jirto sidii ay u heshiisiin lahayn labada dhinac, wuxuuna tilmaamay dhinacooda inay diyaar u yihiin wadahadalo inay la galaan Dowladda KMG ah. "Dhowaan waxaa noo imaanaya Ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Agustin Mhinga oo dadaal ugu jira sidii meesha looga saari lahaa khilaafka u dhaxeeya TFG iyo Puntland" ayuu yiri Madaxweyne Faroole oo sheegay in booqashada ergeyga QM ee Soomaaliya ay kala hadli doonaan dhinacooda waxyaabaha ay ka tabanayaan Dowladda KMG ah. Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin booqashada Danjire Agustin Mhinga uu ku tegayo magaalada Garowe, balse Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in ergeygu imaanayo labada maalin ee soo socta midood, iyadoo dadaalka QM ugu jirto xalinta khilaafyada u dhaxeeya Dowladda iyo Puntland ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay inuu yahay mid gabagabo ah isla markaana ergada labada dhinac ay yeelanayaan wadahadalo fool ka fool ah kaasi oo ay ku wada saxiixanayaan heshiisyo ku saabsan danaha ka wada dhaxeeya Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088 Quote Share this post Link to post Share on other sites