Sign in to follow this  
Wiil Cusub

Liiska 68ka qof ee adduunka ugu awoodda iyo saamaynta badan oo lasoo saaray

Recommended Posts

Adduunka waxa ku nool 6.8 Bilyan oo qof, dadkaas waxa kasoo dhex baxay oo muuqda oo warbaahinta caalamku isha ku haysaa ama ku qabatay inyar oo kooban, kuwaas oo saamayn ku leh bulshada iyo caalamkaba. 68 ka qof ee adduunka ugu awoodda badan marka laga hadlayo dhanka saamaynta iyo ka dhex muuqashada bulshooyinka caalamka, ayaa waxa soo saartay shabakada forbes.

 

 

 

Dadkaas waxa tobanka kaalmood ee ugu horeeya ku jira hogaamiyayaal iyo shakshiyaad caan ka ah meelo badan oo dunida ka mid ah, waxayna yihiin :

 

Tobanka qof ee ugu horreeya waxa ka mid ah hogaamiyayaasha dalalka China, USA, UK, Saudi Arabia iyo Russia.

 

Hu Jintao, oo ah madaxweynaha dalka China, da'diisuna tahay 68 sano.

Barak Obama oo ah madaxweynaha Maraykanka da'diisuna tahay 49 sannadood.

Cabdalle Bin C/casiis Al Sacuud oo ah boqorka Sucuudi Areebiya, da'diisuna tahay 86 sanno.

Vladimir Putin oo ah raysal wasaaraha Ruushka, wuxuna jiraa 58 sanno.

Pope Benedict XVI oo ah baaderiga diinta Kiristaanka, da'diisuna waa 83 sanno.

Angela Merkel oo ah haweenayda hogaamisa dalka Jarmalka, waxayna jirtaa 56 sanadood.

David Cameron oo ah raysal wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska, waana 44 jir.

Ben Bernanke, oo ka tirsan uruka Federal Reserve.

Sonia Gandhi, oo ah inantii uu dhalay hogaamiyihii reer India ee caanka ahaa, waxayna jirtaa 64 sanno.

Bill Gates oo leh shirkadda kombiyutarada Microsoft, waana 55 sano jir.

 

 

Magacyada aad iswaydiin kartid ee caanka ah ayaan jecelahay inaynu sheegno kaalmaha ay liiska kaga jiraan.

 

Hogaamiyaal:

 

Dmitry Medvedev oo ah madaxweynaha Ruushku wuxu ku jiraa kaalinta 12aad, waxana ka horeeya raysal wasaaraha dalkaas Vladimir Putin oo ku jira kaalinta 4aad, taasina waxay ka dhigan tahay inuu Putin ka caansan yahay kana saamayn iyo awood badan yahay.

 

Silvio Berlusconi waa raysal wasaaraha Talyaaniga, wuxuna jiraa 74 sanno, wuxuna ku jiraa kaalinta 14 aad. Berlusconi waa nin maalqabeen ah , ka sokow saamayntiisa siyaasadeed ee uu dalkiisa ku dhex leeyahay, wuxu leeyahay naadiga kubadda cagta ee AC Milan. Sidoo kale waxa uu aad ugu soo baxaa saxaafadda caalamka isaga oo sheekooyin badan lala xidhiiyo kuwaas oo ay ugu danbaysay eedaymaha loo haysto ee ah inuu la galmooday gabadh u dhalatay dalka Morocco oo da'deedu yartahay.

 

Nicolas Sarkozy waa madaxweynaha Faransiiska, waana 56 jir wuxuna ku jiraa kaalinta 19aad. Wuxuna ka sareeyaa xoghaya arrimaha debedda ee Maraykanka, Hillary Clinton oo 7 sanno ka wayn isaga. Hillary Clinton, waxa qaba madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Bill Clinton, waxayna tartan qadhaadh la gashay madaxweyne Obama waqtigii doorashada dalka Maraykanka taas oo uu ka guulaystay Obama.

 

Ayatollah Ali Hoseini-Khamenei oo ahaa hogaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iran, wuxu kamid yahay ragga adduunka ugu awoodda badan marka laga hadlayo saamaynta ay leedahay go'aamadiisa iyo odhaahdiisuba, wuxna ku jiraa kaalinta 26aad.

 

Ban Ki Moon oo ah xoghayaha qaramada midoobay, una dhashay dalka Koonfur Kuuriya, waxa da'diisu tahay 66 sano, wuxuna ka mid yahay madaxda caalamka ugu awoodda badan. Kol haddii uuba madax u yahay jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa, la yaab ma aha inuu awood badan iyo saamaynba ku leeyahay caalamka,

 

 

 

Teknolojiyadda:

 

Labada nin ee wada aasaasay shirkadda Google ee iyadu bixisa adeegyo kala duwan oo dhanka isgaadhsiinta ah gaar ahaan internetka sida baadhidda macluumadka iwm oo la kala yidhaahdo Larry Page iyo Sergey Brin oo isku da' ah ( 37 jirro) waxay ku kala jiraan kaalmaha 21 iyo 22aad sida ay ukala horreeyaan magacyadoodu.

 

Mark Zuckerberg waa ninka aasaasay shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook, waxana uu jiraa 26 sanno keliya. Wuxu ka horreeyaa ninka isna caanka ah ee Julian Assange oo ah madaxa tifatirka ee shabakadda Wikileaks, taas oo sannadkii tagay soo fagtay malaayiin dokumenti oo sir ah, laguna xidhay arrinkaas oo illaa hadda ku jira racfaan. Asange waa ninka ugu danbeeya liiskan, wuxuna ku jiraa kaalinta u danbaysa ee 68aad.

 

Zuckerberg ( aasaasaha facebook) wuxu kaga jiraa liiska kaalinta 40 aad. Waxa kale oo uu ka horreeyaa shaqsiyaad caan ah sida Joseph "Sepp" Blatter ( kaalinta 65aad) oo ah madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA, iyo haweenayda Oprah Winfrey oo ku caanbaxday barnaamijyada OPRAH ee ah kasoo dayso TV yada caalamka kuwooda ugu caansan. Sidoo kale waxa uu ka sarreeya Ban ki Moon oo ah xoghayaha qaramada midoobay, kaas oo ku jira kaalinta ka hoosaysa ee 41aad.

 

Shakhsiyaad kale:

 

Osama Bin Laden oo ah hogaamiyaha Al-Qaacida, wuxuna ku jiraa kaalinta 57aad. Shaki kuma jiro saamaynta uu adduunka ku leeyahay iyada oo ururkiisu yahay mid rabshado iyo isqarxinba ka wada meelo badan oo adduunka ah gaar ahaan bariga dhexe, Pakistan iyo Afghanistan.

 

Ninka isaguna kaga jira ganacsatada maandooriyayaasha waxa weeye Joaquin Guzman Loera oo ah nin tahriibiya ama gudbiya maandooriyayaasha.

 

 

 

Dumarka:

 

Dhanka dumarka waxa kaga jira liiskan 68ka magac ka kooban shan keliya kuwaas oo ah Hillary Clinton, Oprah, Angela Merkel, Sonia Gandhi iyo Dilma Rousseff oo madaxweyne ka ah dalka Brazil.

 

 

 

Liiskan waxa sannad walba soo saara forbes, iyada oo xog ururin lagu sameeyo shakhsiyaadka caalamka ugu awoodda badan, kuwaas oo loo adeegsado halbeegyo cayiman.

 

Axmed M.Cilmi - Shawqi

 

shawqi06@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this