Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: After visiting NW Somalia, UN envoy arrives in Garowe NE Somalia meets President Faroole...

Recommended Posts

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo Kulan La Qaatey Dr.Faroole

 

 

4 hours ago | 2 comments 0

 

Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Dr.Augustina P. Mahiga iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta soo gaarey Caasimadda Puntland ee Garoowe.

 

Wefdiga Dr.Mahiga ayaa waxaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland oo isaguna maanta soo gaarey Garowe.

 

Shir ay albaabadu u xirnaayeen kadib ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadley Madaxweyaha Puntland iyo Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

 

Dr.Faroole ayaa sheegay in ergayga iyo Puntland ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo weliba arimaha bini’aadanimada iyo dadka gargaarka u baahan.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ergayga Qaramada Midoobey uu aad ugu mashquulsan yahay xaaladda isbedelka Soomaaliya taas oo meelo kamid ah Soomaaliya uu u booqdey.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa saxaafadda u sheegay in mowqifka Puntland ay u gudbiyeen Qaramada Midoobey iyo sida ay u arkaan xalka Soomaaliya iyo halka ay ka dhawdahay in laga bilaabo, waxaana uu ku amaaney Dr. Mahiga dedaalka uu ugu jiro sidii Soomaaliya xal loogu helilahaa.

 

Dr.Augustina P. Mahiga ayaa dhankiisa sheegay, in Qaramada Midoobey ay garwaaqsan tahay doorka Puntland ee ku aadan xal u helida siyaasadda Soomaaliya, waxaana loo baahan yahay qaababkii hore loogu dayey in Somaliya ay xal yeelato wax laga baddalo isla markaana la helo dhabbooyin kale oo ka waxtar badan.

 

Maalintii shalay ayaa Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu tegay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa halkaas oo kulamo ku aadan xaaladda Soomaaliya kula soo qaatey Madaxda Somaliland ee iyagu saxaafadda ka sheega in aan sinaba loogu darin Miiska Soomaaliya.

 

Waxaa socda dedaaladdii u danbeeyey ee Soomaaliya dawlad cusub loogu soo dhisi lahaa taas oo beddesha tan uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif marka la gaaro bisha August ee sanadkan, waxaana fashil ku dhamaadey shir hordhac ah oo la doonaayey in lagu qabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaas oo ay ka soo qaybgeli lahaayeen dhamaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, marka lagareebo Xarakada al-Shebab ee ka talisa inta badan Koonfurta Soomaaliya.

 

Booqashada wafdigan heerka sare ah ee ka socda Qaramada Midoobay ayaa loo badinayaa inuu qeyb ka yahay sidii Qaramada Midoobay ay xal ugu heli lahayd khilaafka xoogan ee soo kala dhexgalay Dowlada Puntland iyo Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

 

Dowlada Puntland oo ah dowlada kaliya ee ka jirta gudaha Soomaaliya ee horey xiriirka iyo waxqabadka uga dhaxeeyey Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay joojisay xiriirkii ay la lahaayeen Dowlada Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, kadib markii lagu eedeeyey madaxda sare ee DFKMG inay caqabad ku noqdeen dadaalo badan oo ay dooneysay Puntland inay kaga qeyb qaadato arrimaha siyaasad Soomaaliya iyo dhanka horumarinta.

 

Wax faah faahin ah Madaxweynaha Puntland iyo Ambassador Mahiiga kama aysan bixin in wax xal ah loo helay khilaafkii jiray, xili wakhtiga u haray Dowlada Federaalka uu marayo heer gabo gabo ah, isla markaana Qaramada Midoobay isu diyaarineyso sidii loo heli lahaa Dowlad Cusub oo Federaal ah oo ay Puntland taageerto.

 

Dowlada Puntland ayaa gebi ahaan diidan in wax wakhti ah loogu daro ama loo kordhiyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ee xiligan jirta, sidoo kale Dowlada Puntland ayaa dooneysa in wax laga bedalo qaabka awood qeybsiga ee 4.5 taasi oo ay Puntland sheegtay inaysan dooneyn, isla markaana ay ku raacsan yihiin maamulada ka jira gobalada iyo dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunna Waljamaaca, sida uu Madaxweynaha Puntland ku sheegay warbixintii uu bixiyey markuu dalka dib ugu soo noqday.

 

Ambassador Mahiiga ayaa horey kulamo noocaan ah ulla yeeshay madaxda Dowlada Federalaka Soomaaliya walow aysan jirin weli wax natiijo ah oo kulamadaasi kasoo baxay.

 

Cabsida ugu weyn ee Qaramada Midoobay ka qabto dhanka DFKMG ayaa ah in burbur ku yimaado maamulkaasi ay horey wax badan usoo taageereen, xili uu sidoo kale khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay Baarlamaanka DFKMG iyo Xukuumada oo isku heysta xil kordhintii uu Baarlamaanka Soomaaliya ku darsaday wakhtigiisii muddo 3 sano ah.

 

Maxamed saciid yuusuf

Wakiilka Horseedmeedia

Garoowe-Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha PL oo dib u soo noqdey, la kulmey Mahiga

24 Mar 24, 2011 - 1:45:28 PM

 

 

 

Madaxweynha dowoladda Puntland Dr. Craxmaan sheekh Max'ed Farole ayaa maanta 24.03.2011 dib ugu soo noqday dalka.

 

Madaxweynaha oo safar ku soo maray dalalka Talyaaniga & Ethoipia ayaa toddobaadyadii tegay ku sugnaa magaalada Adis Ababa.

 

Dr. Cabdiraxman Sheekh Maxamad ayaa garoonka dayuradaha ee Garowe waxaa ku soo dhoweeyey inta badan mas'uuliyiinta saddexda gole ee dawladda oo uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire, Isimo ay ugu horeeyaan Islaan Ciise Islaan Maxamad iyo Suldaan Siciid, maamulka Gobolka kan Degmada & qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka dhexmuuqdaan ururada haweenka & ardayda.

 

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray qasriga Madaxtooyada waxa warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda dalka uu ka dhagaystay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdi Samed Cali Shire, waxaana uu diirada ku saaray abaaraha ka jira oo uu sheegay in dawladdu ay la tacaalayso inta karaankeeda ah.

 

Madxweynaha dawladda oo Puntland Dr Cabdiraxmaan Shiikh Max'ed oo dalka ka maqnaa muddo soddon maalmooda ayaa ka warbixyey safarkii uu ku tegay dalka talyaniga, waxaana uu sheegay in in najax ku soo dhamaaday safarkooda talyaaniga, wxuuna xusay in wafti ka socda dowla talyaaniga dhawaan imaandoonaan Puntland.

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Shiikh Max'ed waxa uu soo hadal qaaday xaaladda Somalia gaar ahaan khilaafka ka taagan kororsiimadii Barlamanka waqtiga sii dhaamanaya & go'aankii Puntland ay ka qaadatay DFKM ah, Wuxuuna Dr. Craxmaan Faroole uu ku nuuxnuuxsaday in go'aankii ay Puntland qaadatay uu halkiisii taaganyahay, balse meesha kama saarin in wadahadalku furanyahay.

 

Madxweynuhu waxa kele oo uu hoos u dhigay nidaamka 4 dhibic shan oo ku tilmaamay inuu yahay mid xaqdaro ah oo au ku dulmanyihiin puntland oo in badan oo ka mid ah mujtamaca soomaaliyeed.

 

Dhinaca amaanka Madaxweyne Cabdiraxman Sheekh Maxamad waxaa uu ka hadlay hawlgaldii Galkacayo ay ciidamada amaanka ka fuliyeen wuxuuna amaan bala sugida amaan ee Gaalkacayo.

 

Madaxweynaha oo ka hadlaya Hawlgalkii ciidamada amaanka iskaga horyimaadeen Burcadbadeedka & Ciidamada amaanka Puntland ayuu ku tilmaamy inay muujinayso in Puntland aysan marnaba ogalayn in dawladda aysan raali ka ahayn in dad la haystayaala aan marnaba lala soo aadi karin dhulkeeda, wuxuuna tacsi u diray eheladii ay ka geeriyoodeen ciidamadaas.

 

Ugu dambeyntii waxaa islamaanta booqasho kusoo gaarey Puntland u qaybsamaha xoghayaha QM arrimaha Somalia Augostino Mahiga isaga oo shir albaabda u xiran yahay la galey Madaxweynaha Puntland iyo Wasiiro.

 

Kulankas kadib ayaa shir jaraa'id ay ku qabteen albaabka hore ee qolka shirarka ee Madaxtooyada Puntland ayey ku sheegeen in kulakaas ku dhamaadey guul.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegey in kulakaan Mahiga uu kala hadley xaalada abaarta ee ka jirta dalka iyo guud ahaan xaalada Somalia.

 

Mahiga ayaa sheegey in Madaxweynaha Puntland u gudbiyey casumaad taasoo ku wajahan kulan wada tashi oo dhexmari doona Puntland, TFG, maamulka Galmudug iyo Ahlu sunah waljamaaca.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this