Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President Sh Sharif says the country is not ready for a new president

Recommended Posts

Madaxweyne Shariif oo Sharici daro Ku Tilmaamay in Dalka lagaqaban Qaabiyo Doorashooyin isaga Ka dhan ah

 

Muqdisho: (HWN) ayadoo dhawaanahan ay jireen Qilaafyo udhaxeeyo madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Barlamanka oo la isku yiraahdo labada shariifa ayaa kan gudoomiyaha barlamanka waxa uu wadaa qorshe uu Gudi ugu sameynaayo doorashooyinka soomaliya ayadoona uu ka hadlay madaxweynaha soomaaliya sheekh shariif isla markaana daleeceeyay

 

Muqdisho: (HWN) ayadoo dhawaanahan ay jireen Qilaafyo udhaxeeyo madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Barlamanka oo la isku yiraahdo labada shariifa ayaa kan gudoomiyaha barlamanka waxa uu wadaa qorshe uu Gudi ugu sameynaayo doorashooyinka soomaliya ayadoona uu ka hadlay madaxweynaha soomaaliya sheekh shariif isla markaana daleeceeyay

 

War saxaafadeed ka kooban 9 beej uuna kusaxiixan yahay afhayeenka madaxtooyada dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa loogaga hadlayay Doorashooyinka uu qaban qaabinaayo gudoomiyaha barlamanka soomaaliya Waxaana war saxaafdeedka Lagu sheegay in uu Yahay mid xad gudub ah

 

War saxaafadeedka ayaa la sheegay inuu ka socdo madadweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Sheekh shariif S.axmed waxaana lagu sheegay inuu Tixraacayo War saxafadeed kale oo ka soo baxay Gudoomiyaha barlamanka soomaaliya oo lagu sheegay inuu qaban qaabinayo doorashooyinka kadib markii uu madaxweyne shariif xilka kadago

 

Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee soomaaliya Sheekh shariif aya sheegay inuu Tixraacayo Qodobadaan 40,41,42 iyo 43 ee Axdiga KMG ah iyo qodobada: 70,72 & 75 ee Dastuurkii 1960-kii oo ayaga dhan kuwada saabsan Sharaxaada Doorashooyinka iyo qaabka uu uqabsoomi karo

 

 

Madaxweyna shariifa ayaa ka soo horjeestay Shirciyada uu waado gudomiayah barlamanka soomaaliya asagoona sheegay in doorasho laqaban karo kadib markii qofka maadxweynah uu asaga is casilo ama geeri kutimaado iyo in dhamaan xubnaha barlamanka ay waqtiga ka dhamaado lana soo doorto gudoon iyo Xubno kale oo cusub waxaana war saxaafdeedkaan uu ujeedkiisa ahaa in gudoomiyaha barlamanaka soomaaliya uusan wax doorasho ah qaban karin ayna halmar wada dhacayaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif oo sharci daro ku tilmaamay in barlamanka uu qabto doorasho

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Warsaxaafadeed ka koobnaa 9-qodob oo looga hadlayay doorashooyinka Madaxtimo ee Soomaaliya ayaa maanta kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya.

 

Warsaxaafeedka oo uu ku saxiixanyahay Maalik Cabdall oo ah agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada aya lagu sheegay in Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed isagoo tixraacaya: War-saxaafadeedkii Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ee ku taariiqeesnaa 19/03/2011, waxaan dib u akhriyay qodobada: 40,41,42 iyo 43 ee Axdiga KMG ah iyo qodobada: 70,72 & 75 ee Dastuurkii 1960-kii, oo dhammaan ku wada saabsan: shuruudaha, sharraxaadda, doorashada, muddada xilka iyo arrimo kale ee la xiriira Madaxweeynaha,isagoo sida Warsaxaafadeedka lagu sheegay dhagaystay: talada sharciyaqaanno ku xeel dheer arrimahaas, waxaa u caddaatay arrimaha soo socda

 

Sida ku cad qodobka 43aad ee Muddada xilka Madaxweeynaha: “Madaxweynuhu wuxuu xilka haynayaa haddii aysan jirin – geeri, shaqo ka tegid, ama joojin shaqo sababo lagu qeexay Axdiga - ilaa inta qof kale ee loo soo doortay Madaxweeynanimada uu xilka kala wareegaayo”.

 

Marka laga reebo sababaha kor ku qoran, Doorasho Madaxweynaha waxay qabsoomi kartaa oo keliya marka ay dhammaato mudada Baarlamaanka, mid cusubna uu shaqadiisa billaabo oo marka hore doorta shir guddoonkiisa.

 

Guddoonka Baarlamaanka waxaa la dooran karaa muddada oo aan dhamaanin haddii: Shirgudoonku si wada jir ah isu casilo ama Baarlamaanku kalsoonidii kala laabto sabab kasta ha ku timaadee.

Baarlamaanka hadda jira awood sharci ah uma laha in ay doorasho u cusbooneysiiyaan shir-gudoonka iyo Madaxweeynahaba iyadoo waqtigii uusan weli dhammaan, sababaha Axdigu sheegaayo ee kor ku xusan aysan jirin sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka.

 

Warsaxaafadeedkan kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo beegmay xil maanta dalka dib uu ugu soo laabtay gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasana Sheekh Aadan oo ay soo dhaweeyeen Xildhibaano badan oo ka tirsan barlamanka islamarkaana sheegay in uu soo magcaabay guddi soo qaban qaabiya Doorashooyinka Madaxtinimo oo dalka ka dhacda ka hor bisha Augusta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiikh Shariif oo sheegay inuu xilka wareejin doono marka Barlamaanka Wakhtigiisa dhamaado

Qoraal maanta kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowlada Federaalka Kumeelgaarka Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed ayaa looga hadlay xiliga ay dhici karto doorashada Madaxweynaha iyo wakhtiga uu xilka sii heynayo Madaxweynaha kadib doorashada.

 

Qoraalkan ayaa looga jawaabayey mid horey uga soo baxay Guddoonka Baarlamanaka Soomaaliya, oo lagu qeexayey xiliga doorashada Madaxweynaha ay dhici karto iyo xiliga uu jegada wareejinayo Madaxweynaha hada xilka haya.

 

Shiikh Shariif ayaa qoraalkiisa lagu sheegay in kadib markii uu la tashaday khubaro dhanka sharciga ah, uu qeexay in doorashada Madaxweynaha ay dhici karto oo kaliya marka Baarlamaanka hada jira xilkiisa dhamaado isla markaana lasoo doorto Baarlamaanka cusub iyo Guddoon Baarlamaan cusub.

 

Madaxweynaha DFKMG qoraalkiisa ayaa lagu sheegay in Baarlamaanka hada jira uusan xilka u kordhin Karin Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

 

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in siyaasiyan la isku raaci karo xil kordhin dhamaan hay’adaha Dowlada Federaalka hadii ay jirto “Baahi” ama “Daruufo”, balse uusan Baarlamaanka oo kaliya xilka kororsan karin.

 

Shiikh Shariif ayaa qoraalkan uga digay shirarka jaraa’iid ee kasoo baxaya qaar kamid ah mas’uuliyiinta DFKMG, asagoo sheegay go’aanada kasoo baxa Baarlamaanka in loo baahan yahay in loo keeno Madaxweynaha si uu ansixiyo oo uu u noqdo sharci dastuuri ah.

 

Warsaxaafadeedka maanta kasoo baxay dhanka Madaxweynaha DFKMG ayaa qeyb ka ah xurgufta siyaasadeed ee sii jiitamaysa ee ku aadan khilaafka ka dhashay xilka sii dhamaanayaa ee DFKMG.

 

Baarlamaanka ayaa asagu sheegay inuu xilka kordhistay 3 sano, ayadoo Madaxweynaha Shiikh Shariif uu arrintaasi horey uga horyimid, balse sida ka muuqata qoraalkan Madaxweynuhu wuxuu sheegay in doorashada Madaxweynaha imaan karto oo kaliya markii lasoo doorto Baarlamaan cusub, hadii xil kordhin lagu sameenayo hay’adaha dowlada si wadajir ah xilka loogu kordhin karo balse aysan ahayn in Baarlamaanka kaligiis xilka kororsado.

 

Waxaana qodobada kale ee muhiimka ah ee Warsaxaafadeedkan lagu sheegay kamid ah in Guddoonka Baarlamaanka aan xilka loo kordhin karin, Baarlamaanka hada fadhiyana uusan awood ullahayn sharciyan in xilkordhin ku sameeyo Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

 

Qoraalka warsaxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed ayaa u qornaa sidatan:

 

War-Saxaafadeed:

 

(Muqdisho, Soomaaliya, War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweeynaha JS.maanta oo ay taarikhdu tahay 24/03/2011)

 

Madaxweynaha jamhuuriyadda

 

Isagoo tixraacaya: War-saxaafadeedkii Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah JS ee 19/03/2011, waxaan dib u akhriyay qodobada:40,41,42 iyo 43 ee Axdiga KMG ah iyo qodobada: 70,72 & 75 ee Dastuurkii 1960kii, oo dhammaan ku wada saabsan: shuruudaha, sharraxaadda, doorashada, muddada xilka iyo arrimo kale ee la xiriira Madaxweeynaha,

isagoo dhagaystay: talada sharciyaqaanno iyo khubaro qaanuun ee ku xeel dheer arrimahaas,

Waxaa u caddaatay arrimaha soo socda oo kala ah:-

 

1- Sida ku cad qodobka 43aad ee Muddada xilka Madaxweeynaha: “ —Madaxweynuhu wuxuu xilka haynayaa haddii aysan jirin – geeri, shaqo ka tegid, ama joojin shaqo sababo lagu qeexay Axdiga – ilaa inta qof kale ee loo soo doortay Madaxweeynanimada uu xilka kala wareegaayo”.

 

2- Marka laga reebo sababaha faqradda sare ku qoran, Doorasho Madaxweeyne waxay qabsoomi kartaa oo keliya marka ay dhammaato mudada Baarlamaanka, mid cusubna uu shaqadiisa billaabo oo marka hore doorta shir guddoonkiisa.

 

3- Guddoonka Baarlamaanka waxaa la dooran karaa muddada oo aan dhamaanin haddii: Shirgudoonku si wada jir ah isu casilo ama Baarlamaanku kalsoonidii kala laabto sabab kasta ha ku timaadee,

 

4- Baarlamaanka hadda jira awood sharci ah uma laha in ay doorasho u cusbooneysiiyaan shir-gudoonka iyo Madaxweeynahaba iyadoo waqtigii uusan weli dhammaan, sababaha Axdigu sheegaayo ee kor ku xusan aysan jirin.

 

5- Aqoonyahannada sharcigu waxay qirayaan xattaa haddii laysku raaco muddo kordhin cusub sharci ahaan ma aha in loo fasiro ama lagala mid dhigo Baarlamaan cusub oo la soo doortay, mana keeneeyso in hay`adihii Dastuuriga ahaa ee dalka ka jira dhismahoodii dib loogu laabto.

 

6- Nuxurka muddo kordhintu waa waqtigii la qabtay oo lagu dhammaystiri waayay howlihii laysu xilsaaray, sidaas darteedna waqti dheeraad ah loo baahan yahay, baahida waqtiga dheeriga ah oo lagu dhammaystiro howlahaas waxaa u baahan dhammaan hay`adaha Dastuuriga ah ee ma aha baahida barlamaanka oo keliya.

 

7- Ugu danbeyntii waxaa tixgelin gaar ah mudan marxaladda adag ee khatarta ah ee dalku marayo oo loo baahanyahay in si wada jir iyo wada shaqayn joogto ah looga samata baxo, oo aan la abuurin laguna mashquulin murano iyo isqabqabsi siyaasadeed oo fursad siin karta cadowga khatarta joogtada ah ku haya jiritaanka iyo qaranimada Soomaaliyeed.

 

8- Waxaa kaloo muhiim ah in la helo wada shaqayn iyo is ixtiraam joogta ah ee dhexmara ha`yadaha Dastuuriga ah iyadoo la ilaalinaayo ku dhaqanka Axdiga iyo shuruucda dalka iyo in Hay`adaha Dastuuriga ah cid waliba loo daayo gacanna lagu siiyo gudashada howlaha Axdiga iyo shuruucda kale loogu xilsaaray, islamarkaasna laga fogaado shirarka jaraaid oo aan maslaxadda umadda ku jirin.

 

9- Waxaa mar kale la xasuusinayaa Guddoonka baarlamaanka mar haddii ay dhisan yihiin Ha`yadihii dastuuriga ahaa ee dalka, in ay waajibaadkooda ka mid tahay in ay u hoggaansamaan xeerarka iyo hab raaca sharci dejinta dalka ee uu baarlamaanku gaaro loo gudbiyo Madaxweeynaha JS si loo ansixiyo loona dhaqan geliyo ugana mid noqdaan shuruucda dalka lagu maamulayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

President Sh Sharif says the country is not ready for a new president

"The Country," If you were speaking of another country you would have said it by name!

 

I think deep down Xaaji knows his secessionist cause is hopeless! But he is in denial!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this