Liqaye Posted March 24, 2011 Sida ay ku waramayaan saraakiil sar sare oo katirsan Dowlada KGS ayaa sheegaya in maalinba maalinta kadanbeysa ay sii kordhayaan Dhalinyarada u dagaalanta Xarakada Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya Ciidamada Dowlada KGS ee horey dagaal kala horjeedeen. Shalay ayaa ugu danbeysay oo la sheegay in askar karirsan Ciidamada Al-Shababa ay isku soo dhiibeen kuwa Dowlada kadib markii ay ku godoomeen aagaga Dagaalka ee Degmada Wardhiigley sida uu sheegay Masuul katirsan Wasaarad Warfafainta Ee Dowlada KGS . labo maalin kahor ayey aheed markii Ciidamo katirsan Al-Shababa la sheegay in ay isku dhiibeen Ciidamada Dowlada ee kusugan Degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo kuwa oo ku hubeesna gaari dagaal iyo qoryaha fud fudud ,askarta isas soo dhiibtay oo Saxaafada lahadlay ayaa waxa y sheegen in ay ka faa'iideesanayana waqtiga Dowlada ay siisay . Madaxda ugu sareysa Dowlada KGS Sida Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raizul Wsaare Farmaajo ayaa mudooyinkii danbe waxa ay baaq isdaba joog ah u dirayeen Dhalinyarada u dagaalanta Al-Shaaba kuwaas oo ay ugu baaqayeen in ay isa soo dhiibaan hadii ay isdhiibaan ay heli doonaan Dhaqan celin iyo wax u qabad dhan walbo ah ee ka helaan Dowlada. Dowlada ayaana horey ugu qabatay waqti kama danbeys ah ee isku soo dhiibaan Ciidamada Al-Shabaab waqtigaas oo dhamaday ,balse Dowlada ay ku dartay bil dheeraad ah oo ku eg hadii ay bishana Idlaato in ay isku soo dhiibaan Dhalinyarada u dagaalnata Xarakada Mujahaidiinta Al-Shabaab. Xafiiska Warbaahinta Allbanaadir.com Allbanaadir@live.com Quote Share this post Link to post Share on other sites