Xaaji Xunjuf Posted March 24, 2011 Xildhibaan: Waa lagama maarmaan in wada hadal lala galo Shabaab Nairobi: (Sh. M. Network) Mudane ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in wada hadal lala galo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab si loo helo nawad waarta. Xildhibaan C/raxmaan Salaad Cali (Qoryooley) oo ka mid ah Mudanayasha barlamanka KMG Soomaaliya oo mudo ku sugnaa magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya oo u waramayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda kala guurka ee xiligaan ay wajahayso dowladda KMG Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in Xarakada Shabaab oo mudo ay dagaalamayeen dowladda Federalka Soomaaliya wadahadal lala galo ay tahay lagama maarmaan, waxaana uu tilmaamay in dhiig lagu dhiiq uu san wax xal ah ugu jirin Umadda Soomaaliyeed. Mar Idaacadda Shabelle ay wax ka waydiisay Xildhibaan Qoryooley, kulamo maalmihii dambe la sheegayay inay ka dhacayeen magaalada Nairobi islamarkaana ay yeelanayeen Mudanayaal ka tirsan barlamanka oo la sheegay in looga soo horjeeday Madaxweyne Shariif ayaa waxaa uu sheegay in dhamaan Xildhibaanada ku sugan dalka Kenya todobaadkaan gudahiisa ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho si loo helo hogaan cusub maadaama uu tilmaamay in uu dhamaaday xiligii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed sida uu hadalka u dhigay. Inkastoo dhowr jeer Mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda Federalka KMG Soomaaliya ay sheegeen inay wada hadal lagalayaan Xarakada Shabaab si loo helo nawad waarta ayaa hadana Mas’uuliyiinta Ururka Al Shabaab marka ay warbaahinta ka hadlayaan waxa ay sheegaan in dowladda KMG Soomaaliya ay kasaarayaan guud ahaan dalka islamarkaana ay la galayn wax wada hadal ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Johnny B Posted March 24, 2011 ^ The Al- Shabab terror group leaders seem to rather want to negociate with Somaliland enclave leaders than with the TFG. Wonder why. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 24, 2011 This parliamentarian know was up he knows only through negotiations there will be a long lasting solution for Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 24, 2011 XX ama waadan fahmeynin ama waa iska indhatireysa, Al shabaab dowladnimo iyo nabad ma rabaan, base ay rabaan iney dhisaan lagaga weeraaraya aduunka, Ibrahim Al-maqdis oo Merka joogo sow kii dhahaaye Alaska ilaa japan ilaa syberia ayaan qabsaneynaa, ma niman ajeendahaas wato ayaa lala heshiin karaa.. sii kastaba ha ahaate no aqoonsi for you adeer Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 24, 2011 oba waan ogahay Alshabaab siyasad fiican kuma shaqeyaan laakin wa ereyo ay iskaga hadleen dad ka mid ah oo ka tirsan shabaabka Siyadasada Shabaab wala badali kara wa in meel dhexe la iskugu imaado , Dawlad Shabaab way raban laakin dawlad nooca TFG ayayse rabin sh sharifku so ma ahayn nin ka tirsananin jiray kooxdi islamic courts union isku wax bay raban sharciga islaamka laakin waxa weye inay ku heshiyeen qabki la isku xukumi laha it's that simple ma waxaas oo dhan aad ogtahay bay dad intaas u fara badani u barakacayan oo dhimanayan ilahow miirka iyo maanka hanaga qaadin,, aqoonsiga aad sheegeysid na halkeed kala soo baxday topica la qabso adeer Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 24, 2011 war shabaab lalama heshiin karo, 2 years aa leysku dayay xataa culamo musaalix ayaa isku dayay iney heshiiyaan oo xassan daahir walaalkiis ka mid ahaa.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 24, 2011 oba hiloowlow;705123 wrote: ICU iyo shabaab waa kala duwan yihiin mana isku dhaw.. sii fiicana aan uu kasaaya damacaada ee waxba hays wereerin.. ICU iyo Alshabaab wax u dhexeya ma jirto wa isla iyagi uun Kooxdi ICU qayb ba dalka ku sii hadhay qeyb na Eritrea bay u qaxday daahir aweys iyo sharifka kooxdi ku hadhay waxay ahayeen muqaawamo Shabaab bay noqdeen sh sharif na marki danbe wa ki ku biiray Dawladi TFG aweys na waki xisbal islam samaystey damacaad sheegeysid wamaxay Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 24, 2011 horta sirar badan ayaa jirto oo aan la socdo, icu xataa hadeysan weerari laheyn iyaga is dagaali lahaa ileen ninba mowqif uu lahaa,, for example xassan daahir madaxweyne uu rabay inuu ahaado, shariif in lala heshiiyo geedi iyo cabdullahi uu rabay 2006dii october, iyo ragaan jihaadiyiinta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 24, 2011 oba hiloowlow;705128 wrote: horta sirar badan ayaa jirto oo aan la socdo, icu xataa hadeysan weerari laheyn iyaga is dagaali lahaa ileen ninba mowqif uu lahaa,, for example xassan daahir madaxweyne uu rabay inuu ahaado, shariif in lala heshiiyo geedi iyo cabdullahi uu rabay 2006dii october, iyo ragaan jihaadiyiinta. U malayn mayo sharif inu berigi, rabay inu la heshiiyo TFG wuxu ba aha ninka ayadaha quraanka dalilsan jiray oo odhan jiray inta ay xabashidu dalka joogta wax wada hadal ah nama dhex mari karaan gaalada iyo gaal kalkaalka waan xasuusta madaxweynaha dalka suudaan mudane Cumar Xassan al bashir ba gogol fiidiyey oo yidhi heshis baan dhex dhigaya kooxaha Somaliya isku hirdayaa laakin weynu ognahay halkay ku danbeysey, xassan daahir aweys runti wa la odhan kara inu xukun jecelyahay laakin wa nin qadiyad adag weye wuxu shalay xaaraan ku sheegeyey maanta xalaal u noqon meyso i respect him for that. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 24, 2011 Shariifka runtii wuu rabay in lala heshiiyo dowladda balse khilaafka ka dhaxeeye maamulka maxkamadaha intuu xoogeystay ayaa gacan ka ahdal laga cabsaday saas ayuu ugu tanaasulay mowqiifkiisa,markaasey caruur yar uu direen khartoum oo ka socday ICU halkey dhinaca TFG-da ay ka socdeen Geedi iyo Cabdullahi yusuf. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 25, 2011 Qarax lagu weeraray Saldhiga Ceelasha biyaha ay ku leeyihiin Shabaab March 24, 2011 Muqdisho: (Sh. M. Network) Qarax bambaano oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa caawa waxaa lagu weeraray saldhiga ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka Ceelsha biyaha ee duleedka Muqdisho, caawa maqribkii ayaa qarax xoogan oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac, waxaa lala eegtay saldhiga ciidamada Al Shabaab ay ku leeyihiin isgoyska Ceelasha biyaha, waxaana qaraxa kadib Al Shabaab ay fureen rasaas dhimasho iyo dhaawac geysatay. Qaraxa ayaa Al Shabaab waxaa uga geeriyooday hal askari iyadoo 2 kalana ay uga dhaawacmeen balse rasaas ay fureen ciidamada Al Shabaab qaraxa kadib ayaa waxaa ku dhintay qof haweeney ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen 4 kale sida dad goobjoogayaal ah ay Shabelle u sheegeen. In mudo ah ayay ciidamada Al Shabaab waxaa ay halad galiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana ay sameeyeen howlgalo gaaban oo ay ku raadinayeen dadkii ka dambeeyay weerarkii bambaano. Ciidamada Al Shabaab ayaa sidoo kale qarax kadib waxa ay la soo baxeen gaadiid ay ku xiranyihiin codbaahiyaal, kuwaasi oo ay dadka ugu sheegayeen in waqti hore ay magaalada ka xaroodaan. Xaalada ayaa haatan waxaa ay tahay mid cakiran, iyadoo cabsi darteed ay u xirmeen howlihii ganacsiga ee ka jiray deegaanka Ceelasha biyaha, waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn cida ka dambeysa weerarkaani bamgacmeedka oo horay ay ugu soo caanbaxeen Al Shabaabka lagu weeraray Caawa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted March 25, 2011 QUOTE]Siyadasada Shabaab wala badali kara wa in meel dhexe la iskugu imaado , Dawlad Shabaab way raban laakin dawlad nooca TFG ayayse rabin Xaajiga halasii qodqodo warar badan oon reer koonfurku ogayn buu hayaa! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 25, 2011 Qofka waxan soo malmaluuqay maaha qof caqli leh haba yaraate ,,, Shabaabna waxba kama yaqaano ,,,, isaga ha loo diro bal inuu soo noqdo iyo in kele Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 25, 2011 "Qofka waxan soo malmaluuqay maaha qof caqli leh haba yaraate ,,, Shabaabna waxba kama yaqaano ,,,, isaga ha loo diro bal inuu soo noqdo iyo in kele" LoooL Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted March 25, 2011 Shabaab weli ma bislaan,..waa curdun...qaydhiin ah... Quote Share this post Link to post Share on other sites