Sign in to follow this  
Liqaye

Dibadbax lagu taageerayay DKMG oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Liqaye   

Muqdisho: (Sh. M. Network) Dibadbax lagu taageerayo dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir kaasi oo ka qeyb galeen qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

 

Dibadbaxaani oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu maanta ka dhacay afaafka hore ee degmadaasi, waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir, Saraakiisha Ciidanka iyo qaar ka mid ah Ururada Haweenka kaasi oo lagu taageerayay howlgalada ay maalmihi uu dambeeyay wadeen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

 

Goobta uu dibadbaxaani ka dhacayay ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii ka qeyb galay dibadbaxaasi, iyagoo ku amaanay ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya dadaalada ay ku doonayaan inay kula wareegaan guud ahaan gacan ku hayn dalka.

 

 

 

Gudoomiyaha degmada Dayniile ee dowladda KMG Daahir Xasan Xuseen oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay tagaan qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee goblka Banaadir, isagoo tilmaamay inay gaari doonaan qeybaha kale ee degmadaasi oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

 

 

 

Sido kale waxaa dibadbaxaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Maamulka gobolka Banaadir Warsame Max’ed Joodax kaasi oo u mahad celiyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inay suuro galiyeen in xaafado ku yaala degmada Dayniile ay gaarsiiyaan Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir.

 

 

 

Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa inta badan waxaa ka taliya Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, iyadoo xaafado kooban oo saaran wadada warshada ay gacanta ku hayaabn Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Banaanbax lagu taageerayay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Maarso 224 2011 (HOL) – Bannaanabax lagu taageerayay dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay jidka warshadaha, gaar ahaan agagaarka wasaaraddii hore ee gaashaandhigga, waxaana dibadbaxaas ka qaybgalay xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, saraakiil iyo guddoomiyaha degmada Dayniile ee dowladda Soomaaliya.

 

Dibadbaxan oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qaybgalay caruur haween iyo dhallinyaro ku qaylinayay erayo ay ku taageerayaan DKMG ah ee Soomaaliya.

 

"Waxaan ku farax-sanahay inaan maanta dibadbax ku sameyno degmada Dayniile qaybo ka tirsan, qaybaha kalena dhawaan ayaan gaari doonaa. Dibadbaxa waa mid aan ugu talogalnay inaan ku taageerno ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Dayniile Daahir Xasan Xuseen oo dibadbaxa ka hadlay.

 

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka ee maamulka gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Joodax isagoo sheegay inuu uga mahadcelinayo ciidamad dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM guusha ay dagaalladii ka dhacay Muqdisho ka gaareen, isagoo sheegay inay suurogaliyeen inay goobtaan dibadbax ku dhigaan.

 

Dibadbaxan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dadweyne taageersan DKMG ah ee Soomaaliya ay ka dhigaan jidka warshadaha, iyadoo jidkaas uu xiran yahay muddo ka badan bil, kaddib dagaallo culus oo u ku dhexmaray bishii hore (Feberaayo) DKMG ah, AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab.

 

Mas'uuliyiintii ka hadlay dibadbaxa ayaa waxay dhamaantood sheegeen in dowladu ay doonayso inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga saarto Muqdisho Xarrakatul Shabaab oo ka talisa inta badan caasimadda iyo gobollada koonfureed ee dalka.

 

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa wacad ku martay inay iska difaaci doonto weerar walba oo kaga yimaada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada taageera ee AMISOM oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi.

 

Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this