Liqaye Posted March 24, 2011 Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo u waramayay Idaacadda afka Dowladda ku hadasha ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho lagu arkayo ciidamo cusub oo qalabkoodu u dhan yahay, kuwaasi oo sida uu sheegay Ra'iisal Wasaare wata hub cusub iyo qalabka ciidamada oo casri ah. Inkasta oo Ra'iisal Wasaaraha aanu faahfaahin badan ka bixin qorsheyaasha iyo istiraatiijiyada Dowladda ee ku wajahan dagaalka ay kula jirto xarakada Al-Shabaab, ayaa ku gaabsaday in xilliyada soo socda magaalada Muqdisho uu ka dhici doono isbedel ay sameeyaan ciidamada Dowladda, gaar ahaan furimaha ay isku hor fadhiyaan Dowladda iyo xarakada Al-Shabaab. "Muddo dhow Dowladda isbedel ayay ka sameyneysaa Muqdisho, waxaana la arki doonaa ciidamo cusub iyo hub cusub" ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Farmaajo oo sheegay in dowladiisu dejisay istiraatiijiyad ay Muqdisho uga saareyso xarakada Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inuu isagu warbaahinta ka sheegeynin warbixinada milateriga oo ah sir u qarsoon isla markaana aan loo baahneyn in laga hordhaco. Hadalka Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda KMG ciidamo loogu tababarayo xerada Xalane, ciidamadaas oo loo tababarayo isticmaalka gawaarida gaashaaman iyo Taangiyada, hase yeeshee arrintaasi ayaa haddii ay hirgasho waxay noqoneysaa dowladii ugu horeysay ee ciidamadeeda dagaalada Muqdisho u adeegsata Taangiyada iyo gawaarida gaashaaman. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 24, 2011 Quote un-quote Hadalka Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda KMG ciidamo loogu tababarayo xerada Xalane, ciidamadaas oo loo tababarayo isticmaalka gawaarida gaashaaman iyo Taangiyada, hase yeeshee arrintaasi ayaa haddii ay hirgasho waxay noqoneysaa dowladii ugu horeysay ee ciidamadeeda dagaalada Muqdisho u adeegsata Taangiyada iyo gawaarida gaashaaman. Quote Share this post Link to post Share on other sites