Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:new police officers Finish training

Recommended Posts

Tababar Loo Soo Gunaanadday Boqolaal Ka Tirsan Ciidamada Booliska

March 23rd, 2011

 

Mandheera (Somaliland.Org)-Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Cilmi Rooble Fure oo uu wehelliyo Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdillaahi Cismaan (Geeljire), ayaa maanta saddex boqol (300) oo ka mid ah ciidamada Booliska tababar ugu soo xidhay dugsiga Lixle ee magaalada Mandheera.

 

Munaasibadan oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka kalla socday, Wasaaradda arrimaha gudaha, gobolka Maroodi-jeex iyo marti sharaf kalle oo badan. tababarkan oo la xidhiidhay arrimaha amaanka, shuruucda, xuquuqda aadamaha iyo la dhaqanka bulshada. islamarkaana, ku tirsan talaabooyin la xidhiidha siddii kor loogu qaadi lahaa tayadda iyo aqoonta ciidamadda Booliska ayaa waxaa madaxda ka qaybgashay waxaa ay ka jeediyeen khudbaddo u badan dhiiri-gelin.

 

Dufcaddan ciidamada Booliska oo noqonaysa tii shanaad ee ka faa’idaysata mashruucan oo ay iska kaashaddeen fullintiisa hay’ada UNDP iyo taliska ciidamaddu ayaa Wasiirka Kaluumaysiga oo halkaa hadal ka jeediyay ayaa ciidanka kulla dardaarmay inay shaqadooda ciidanimo ku dabaqaan duruusta ay barteen. Yaasiin Maxamed Cabdi oo ah madaxa kulliyadda tababarka ciidamadda ee Lixle iyo saraakiil ka socotay wasaaradda arimaha gudaha ayaa iyana sidoo kalle xafladdaa qalinjabinta ka hadlay.

 

Dhinaca kalle Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Mudane Cabdillaahi Geel-jire waxaa uu xadhiga isla shalay ka jaray Saldhig Boolis oo laga hirgeliyay degmada Cadaadley.

 

Saldhigan oo Taliska ciidamadda Boolisku hirgelintiisa iska lahaa ayaa waxaa wasiirka Kaluumaysiga oo haddal ka jeediyay tilmaamay qiimaha rugaha Boolisku ugu fadhiyaan amaanka qaranka guud ahaan iyo gaar ahaan baahida degmadda Cadaadley u qabtay saldhigan. waxaana uu wasiirku uga mahad-naqay cid kasta oo fulinta dhismaha saldhigaas ka qaybgashay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this