Liqaye Posted March 23, 2011 Wax garadka Iyo Xildhibaanada Reer Hiiraan oo Kulan Maanta Ka dhacay saxafi Hotel Ku Tageeray Maamul Goboleedka Midland iyo Ducomentiyo Lagu wareejiyay Halka Saraakiil Caaban March 22, 2011 - QOL - Kulan Qaatay Saacado oo Loo diiday saxaafada ayaa Galinkii danbe ee Maanta ka dhacay Hotelka saxafi ee Magaalada Muqdisho Xili Goobta Isugu Timid Xildhibanaada qaranka somaliyeed iyo Qaar Katirsan saraakil dhawaan Loo Tababaray Mamul Goboleedka Midland State. Sidoo kale Ganacsatada Gobalka ayaa Maanta Ku wareejiyay Maamulkan sedax Kamid ah Gaarida loo yaqaano Leyla Calaawi ee aadka looga Isticmaalo Dalka somalia , waxeyna Ganacsatada balan qadeen Iney sii Laba Jibaari donaan dhawaan Hadaba Wasiirkii Hore Arimaha Gudaha Iyo Amniga qaranka ayaa Goobta Ka hadlay Isagoo Xusay In Hiiraan ay Joogta Xiligan waqtigii Barwaaqada Iyo Mideenta shacabra Reer Midland. sidoo kale waxa Kulankaasi Goob Joog ka ahaa Taliyihi Hore ee Ciidamada Gobalka Hiiraan Waxaana Hadalo Dhiiri Galin ah Ka jeediyay Enj, Eynoow oo ah Qabiir somaliyeed Islamarkaasina aad Looga yaqano Magalada Muqdisho Isagoo Hoosta Ka xariiqay in Midland State dhawaan Howl Galo Ka Bilaabi doonto Gobolada Dalka ee matasho. Sidoo kale Marka laga reebo wasiirada Iyo Xildhibaanada ayaa Waxa Goobta Maamulkan Lagu wareejiyay Documentiyo waxaana La wareegay Madaxweynaha Maamulka Midland. Waana Markii Ugu horeysay La Tageraa Maamul Hiiraan Loogu Magac Daray Waxaana qadka Taleefanka Kaga Qeyb qateen Qaar Kamid ah Ugaasyada Gobalkaasi. Gabagabadi Waxaa Kulan Gaar ah qaatay Ku xigeenka Gudoonka Baarlamaanka Iyo Jiraabey Iyagoo Isla Meel dhigay Hanaanka Loo suura Galin Karo Hormarka Gobalkaasi. isku soo wada duu duub Miland State ayaa Helay Tageero Laba Jibaaran Lamana oga sida ay Ku heshay Tageeradan Tirada Badan Hussein Anteeno Somali Senior Journalist' anteeno22@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites