Sign in to follow this  
Liqaye

Afhayeenka ciidamada AMISOM oo sheegay inay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay isugu ballaariyaa

Recommended Posts

Liqaye   

Arbaco, Maarso 23, 2011 (HOL) – Afhayeenka ciidamada AMSOM Maj. Ba-huko Barigye ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay inay wadaan qorshayaal ay isballaarin ku sameynayaan, isagoo sheegay in ciidammo dhaaraad ah bishii hore kusoo biireen ciidankooda ayna doonayaan meel ay dajiyaan.

 

“Ciidamadeenna waxaa kusoo biiray askar badan bishii hore, waxaana doonaynaa inaan dajinno goobo cusub oo Muqdisho ku yaalla, waxaana socda qorshayaashii aan isugu ballaarin lahayd degmooyin dhowr ah oo ka mid ah kuwa ay ka taliso Xarrakatul Shabaab,” ayuu Maj. Barigye ku sheegay wareysi uu siiyay idaacadda Shabelle oo ka mid ah kuwa ka howlgala Muqdisho.

 

Afhayeenka AMSIOM, wuxuu intaas ku daray in degmooyinka ay sida gaarka ah u doonayaan inay isugu ballaariyaan ay ka mid yihiin, Huriwaa, Yaaqshiid iyo Dayniile oo ay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ka taliso.

 

“Qoysaskii ku noolaa degmooyinka ay Xarrakatul Shabaab ka taliso way ka qaxayaan, maalin walba waxaad arkaysaa haween iyo caruur sita agabyadoodii oo u soo tallaabanaya goobaha ay dowladdu ka taliso,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

 

Dhanka kale, Maj, Ba-huko wuxuu sheegay inaysan iyagu mas’uul ka ahayn xirnaanshaha suuqa weyn ee Bakaaraha, wuxuuna mas’uuliyadda xirnaashahaas suuqaas dusha ka saaray Xarrakatul Shabaab oo uu sheegay inay ka qodeen godad waaweyn waddooyinkii laga geli lahaa.

 

“AMISOM marbana mas’uul kama ahan xirnaashaha Bakaaraha, waa la yaqaan cidda xirtay oo boholo waaweyn ka qoday jidadkii loo mari lahaa. Haddii aan doonayno inaan wax carqaladeyno maan carqaladeyno suuqyada ku yaalla Xamarweyne, Madiina iyo degmooyin kale,” ayuu yiri Maj. Ba-huko.

 

Hadalka Maj. Barigye ayaa imaanaya iyadoo dhawaan lagu eedeeyay AMISOM inay diideen in suuqa Bakaaraha loo furo waddooyink ay gaadiidka iyo dadku ka galaan, iyadoo la sheegay in DKMG ah iyo Xarrakatul Shabaab ay ogolaadeen in suuqa waddooyin loo furo.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Bhuko : Fariisimo Badan Oo Cusub Baanu Muqdisho Ka Sameysanaynaa Maalmaha Soo Socda...

 

Taliska looga taliyo ciidamada Amisom ee magaalada Muqdisho oo ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegey inay ciidamadoodu dagaaladaas ku doonayaan inay ka sameyaan magaalada Muqdisho isku balaarin balaaran oo ay ku doonayaan inay farisiimo cusub ka sameystaan magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya.

 

Gashaanle Sare Brigde Bhuko oo ah afhayeenka ciidamada Amisom ee magaalada Muqdisho ayaa sheegey inay ciidamadadoodu sii wadyaan hawlgalada ay ka wadaan magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegey inay ciidamadoodu wadayaan dagaalada ka dhanka ah Xarakada Alshabaab,waxaana inay ciidamadoodu diyaar u yihin inay magaalada Muqdisho farisiimo cusub ka sameysan doonaan.

 

Dhanka kale waxaa uu Gashaanle Sare Bhuko sheegey inay dhinac wadaan dagaalada kulamo ay la qaadanayaan waxgaradka & bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegey inay ciidamada Amisom,dawladda kmg ah & bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho iska kaashanayaan sidii Xarakada Alshabab magaalada Muqdisho looga saari lahaa.

 

Dhanka kale waxaa uu xusay Gashaanle Bhuko in bishii la soo dhaafey ay ciidamadooda ku soo biireen ciidamo badan oo hor leh kuwaasi oo qayb ka noqon doonaan ciidamada Amisom ee magaalada Muqdisho ku sugan,waxaana uu sheegey inay ciidamadoodu laba jibaari doonaan hawlgalada ka dhanka ah Xarakada Alshabaab ee magaalada Muqdisho.

 

Bhuko waxaa uu sheegey inay ciidamadoodu isku balaarin doonaan magaalada Muqdisho isla markaasna ay farisiimo mileteri oo badan ka sameysan doonaan gudaha magaalada isagoo sheegey inay si wadajir ah ciidamadooda & kuwa dawlada kmg ah ay farisiimahaasi uga sameysan doonaan magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegey hadda ka ku tallo jiraan inay guud ahaan magaalada Muqdisho la wareegi doonaan.

 

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay xirnaanshaha wadooyinka soo gala suuqa bakaaraha,waxaana uu sheegey inaysan ciidamadoodu masuul ka ahayn inay ciidamadoodu xirnaanshaha wadooyinkaasi,waxana uu sheegey inay wadooyinkaasi u xiran yihiin Xarakada Alshabaab ee magaalada Mqudisho ka dagaalanta,waxaana uu masuuliyadda wadooyinkaasi xiran dusha uga tuurey Xarakada Alshabaab.

 

Waxaa Bhuko sheegay inay socdaan kulamo ay la yeelanayaa qeybaha bulshada sida Ganacsatada, Odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada kuwaasi oo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka Shabaabka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

 

Ugu dambeyntii waxaa hadalkan Afhayeenka ciidamada Amisom imaanayaan xilli ay Ciidamada dawlada oo kaashanaya Amisom dagaalo hor leh ku qaadeen ciidamada Alshabaab ee magaalada Muqdisho isla markaasna dagaaladii ugu dambeyey kula wareegeen farisiimo Xarakada Alshabaab ku lahayeen magaalada Muqdisho.

 

Ahmed Aadam Gacal

 

Muqdisho-Gedo-News

 

Gedonet.com@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this