Sign in to follow this  
Liqaye

Iskaashi dhinaca Ammaanka la xiriira oo ay wada gaareen maamullada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug

Recommended Posts

Liqaye   

Wararka ka imaanaya Degmada Cadaado ayaa sheegaya in Maamulada maamullada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug ay ku heshiyeen inay samaystaan Ciidamo wada jir ah oo ka shaqeynaaya ammaanka deegaanada ay maamulaan.

 

Labadaan maamul ayaa ku heshiiyay sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortaga dagaallada inta badan ka dhaca deegaannada ay ka taliyaan maamuladaasi, iyadoo la soo sheegayo in kulankaasi uu ahaa mid aad looga hadlay sidii loo xoojin lahaa ammaanka deegaanada labadaasi maamul.

 

Saraakiil ka kala socotay labadaasi maamul iyo waxgarad ayaa kulankaasi ka qaybgalay, waxaana lagu hishiiyay in la sameeyo ciidamo wadajir ah oo labada dhinac ka wada tirsan, iyadoo Ciidamadaasi ay la shaqeyn doonaan saraakiisha labada maamul.

 

Maamulka Galmudug ayaa si weyn u soo dhaweeyay iskaashigaasi dhexmaray labadaasi maamul, iyadoo Xassan Timo-weyne oo dhinaca maamulka Galmudgu uga qeyb-galay kulanka uu sheegay in horay loo qaaday talaabo wanaagsan.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Galmudug_State_0.jpgximan_xeeb_0.jpg

If it holds this will be a very good development for the central regions after the signing of the Garowe agreement and this one between the two mamuls as well as the peace being developed in ASWJ held areas such as Cabudwaq as well as Guriceel/Dhusamareb opportunities for the khawarij to expoloit clan rifts is being reduced.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

It's the new Somali style revolution....to bring peace and progress in peaceful ways...

 

People want more of this...., they need real change...in villages, cities, and regions....

 

let it keep going....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Maamullada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug oo ku hishiiyay inay sameystaan ciidammo ammaan oo mideysan

 

Arbaco, Maarso 23, 2011 (HOL) – Kulan ka dhacay degmada Cadaado ee maamulka Ximin iyo Xeeb ee ka dhisan goballka Galgaduud ayaa waxaa looga wada hadllay sidii ay maamulada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug isaga kaashan lahaayeen ka hortaga dagaallada inta badan ka dhaca deegaannada ay ka arrimiyaan.

 

Kulanka oo ay ka qeyb-galeen saraakiil ka tirsan labada maamul odayaal dhaqameed iyo waxgarad kale ayaa lagu waramayaan in lagu hishiiyay in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kala tirsan labada maamul, kuwaasoo sida ay yeesheen saraakiisha labada dhinac isha ku heyn doona dhaq dhaqaaq kasta oo colaadeed si markaa looga hortago.

 

''Waa talaabo loo qaaday dhinaca nabad-galyada, isku darka ciidamada labad maamulna waa mid muhiimad gaar ah u leh nabad-galyada deegaannada uu ka jiro maamulka labada dhinac ayuu yiri,'' Xassan Timo-weyne oo dhinaca maamulka Galmudgu uga qeyb-galay kulanka.

 

Talaabada ay qaadeen saraakiisha ciidamada labada maamul iyo Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug ayaa waxaa ay ku soo beegantay waan-waan iyo hishiis in muddo ah laga dhaxwaday beelo dhawaan ku dagaallamay deegaannada uu ka jiro maamulka labada dhinac, waxaana xusid mudan in mideynta ciidamada labada maamul ugu yaraan wax weyn ka tari karto is hortaaga kooxaha hubeysan ee inta badan kiciya dagaallada beelaha ka dhaxdhaca.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyne, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Step by step. And a bottom up approach.....

 

Soon you will go home, and build your village with out interference....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug State oo mideeyay ciidamadooda

Cadaado: (Sh. M. Network) Saraakiil ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Xaman iyo Xeeb ayaa ku hishiiyay inay kahortagaan dagaal waliba oo ka dhex kalan kara labadaasi Maamul.

 

 

 

Iyadoo mudo 4-bilood ah Odayaal iyo Waxgaradka ka kala socday Maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb ay ku howlanaayeen dhex dhexaadinta dagaalo dhexmaray labadaasi Maamul ayaa hadana Odayasha waxaa ay ku guulaysteen in la mideeyo Saraakiisha Ciidamada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug State si looga hortago isku dhac mar kale labadaasi Maamul ku yimaada.

 

 

Shir shalay ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu hishiiyay in la’isku dhafo Ciidamada labadasi Maamul meel waliba ay joogaan si ay ugu hortgaan dhibaatooyin ka dhacaya deegaanada ay ka aramiyaan.

 

 

 

Xasan Timo-wayne oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu sheegay in labadaasi Maamul ay wada hishiiyeen, isagoo tilmaamay in sababta la’isugu daray Ciidamada ay tahay in laga hortago kooxo uu sheegay inay habeenkii ay dadka u guureeyaan islamarkaana ay dhibaateeyaan.

 

Ugu dambeyn ayaa Sarakiisha iyo Ciidamada ku hishiiyeyay in la mideeyo Maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb waxaa ay isku raaceen in la baacsado kooxaha burcada ah ee dhibaatooyinka ka gaysta deeganada ay ka taliyaan labadaasi Maamul.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Funny how the secessionist will no doubt cry again as they did with the historic accord signed in Garowe between Puntland & Galmudug..A new corridor must be opened from Beledweyne to Las Qoray.. Peace in our times.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this