Sign in to follow this  
Liqaye

Xarakada Shabaab oo qiratay inay burcad-badeedu ka amar qaataan

Recommended Posts

Liqaye   

Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf(Shongole) oo ka tirsan saraakiisha sare ee Xarakada Al-shabaab ayaa Sheegay in ay Xiriir la leeyihiin kooxaha Burcad-badeeda ah ee afduubka u geysta Maraakiibta isaga kala gooshta xeebaha ku tedsan soomaaliya iyo badaha caalamka.

 

“Burcad-badeed in la yiraahdo waa qalad waa Xaarisul-baxar ama ciidanka badda,dhawaan waxaan amar iyo talo ku siinay inay dilaan afar maxbuus oo mareykan ah intaan xoog looga furan waana fuliyeen”ayuu yiri Shongole.

 

Sheekh Fu’aad ayaa dhinaca kale cadeeyay inay waajib tahay in laga hortago oo lala dagalamao maraakibta Shisheeye ee uu tilmaamay inay guranayaan Qeyraadka Badaheena kadib markii ay waayeen cid ka ceshata ayuu yiri ayey Dhalinyaradaasi isu xilqaameen inay ka hortagaan.

 

“Waxaan ugu baaqayaa inay laayaan Dhamaan Shaqaalaha ay heystaan hadii Cadawgu isku dayo inuu xoog ku furto ama kusoo weerarro taa ayaana ah abaalkooda “ayuu si kulul u yiri Fu’aad shongole oo Masjid ku yaala Deegaanka Ceelasha biyaha kula hadlayay jameeco halkaasi xalay leysugu yeeray.

 

Hadalkan kasoo baxay sarkaalkaasi ayaa muujinaya eedeymo ay horay mas’uuliyiinta dowladu ugu jeediyeen in Xarakada Shabaab ay xiriir la leeyihiin Burcad-badeeda ka qowleysta Badaha soomaaliya iyo goobaha ka baxsan isla markaana lacagaha madax-furashada ah ee laga qaato maraakiibta iyo shaqaalaha saran loo adeegsado dagaalada ay shabaabku kula jiraan dowlada iyo ciidamadda AMISOM.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this