Liqaye Posted March 22, 2011 Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf(Shongole) oo ka tirsan saraakiisha sare ee Xarakada Al-shabaab ayaa Sheegay in ay Xiriir la leeyihiin kooxaha Burcad-badeeda ah ee afduubka u geysta Maraakiibta isaga kala gooshta xeebaha ku tedsan soomaaliya iyo badaha caalamka. “Burcad-badeed in la yiraahdo waa qalad waa Xaarisul-baxar ama ciidanka badda,dhawaan waxaan amar iyo talo ku siinay inay dilaan afar maxbuus oo mareykan ah intaan xoog looga furan waana fuliyeen”ayuu yiri Shongole. Sheekh Fu’aad ayaa dhinaca kale cadeeyay inay waajib tahay in laga hortago oo lala dagalamao maraakibta Shisheeye ee uu tilmaamay inay guranayaan Qeyraadka Badaheena kadib markii ay waayeen cid ka ceshata ayuu yiri ayey Dhalinyaradaasi isu xilqaameen inay ka hortagaan. “Waxaan ugu baaqayaa inay laayaan Dhamaan Shaqaalaha ay heystaan hadii Cadawgu isku dayo inuu xoog ku furto ama kusoo weerarro taa ayaana ah abaalkooda “ayuu si kulul u yiri Fu’aad shongole oo Masjid ku yaala Deegaanka Ceelasha biyaha kula hadlayay jameeco halkaasi xalay leysugu yeeray. Hadalkan kasoo baxay sarkaalkaasi ayaa muujinaya eedeymo ay horay mas’uuliyiinta dowladu ugu jeediyeen in Xarakada Shabaab ay xiriir la leeyihiin Burcad-badeeda ka qowleysta Badaha soomaaliya iyo goobaha ka baxsan isla markaana lacagaha madax-furashada ah ee laga qaato maraakiibta iyo shaqaalaha saran loo adeegsado dagaalada ay shabaabku kula jiraan dowlada iyo ciidamadda AMISOM. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 22, 2011 Faroole + Fuaad shangoole = Budhcad badeed Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 22, 2011 maa yaabo. Quote Share this post Link to post Share on other sites