Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ciidamada dowladda oo dagaalo xoog leh saakay ku qaaday Shabaab + Natiijada

Recommended Posts

Dagaalo ayaa wali ka socda degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir oo waabarigii hore ee saaka dagaalo qorsheysan ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda KMG oo wehlinaya kuwa Midowga Afrika ee la yiraahdo AMISOM, iyadoo dagaalada iminka si goos goos uga socdaan degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere.

 

Sida ay sheegayaan wararka dagaalada ayaa ahaa kuwo saaka aroor hore si xowli ku socday, inkastoo haatan dagaalka culeyskiisa yaraaday, kadib markii dhufeysyo iyo fariisimo dhowr ah oo Shabaab ku jireen laga saaray.

 

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Dhega-Badan oo wariyeyaasha goor dhow kula hadlay agagaarka Hotelka Wehliye oo lagu soo bandhigay Meydadka askar ka tirsan Shabaab oo dagaalada lagu qabtay ayaa sheegay in dagaalada ay sii wadayaan inta ay naf kaga jirto, taako ka mid ah dalkana ay ku sugan yihiin waxa uu ugu yeeray Ajaaniibta soo duushay.

 

"Ma ahan oo kaliya in dagaalka xamar ka socdo, wuxuu dagaalka ka socdaa degmooyinka iyo gobolada dalka, ujeedkeena waa inaan inta naf nagu jirto inaan la dagaalano kooxahan isa soo baheystay ee juudaanka qaba, wax aan dhiig aheyn inay cabaan rabin"ayuu yiri Jen. Dhega-Badan.

 

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in Meydadka Shabaab ee la soo bandhigay ay gaarayaan ilaa lix, oo ay sheegeen in Ciidamada Dowladda ay ka soo saareen dhufeysyadii ay kaga jireen Xaafadaha degmooyinka Hodan.

 

Sidoo kale Sarkaal la yiraahdo Ibraahim Yarow oo ah Taliyaha Aaga Boondheere ayaa sheegay in dagaalka ka socda halkaas ay ku qabsadeen degmadaas, isla markaana ciidankooda haatan kaabiga ku hayo Hotelkii Royal iyo Isgoyska Afarta Jardiino.

 

Dadweyne fara badan oo qul qulaya ayaa la soo sheegayaa inay gaarayaan qeybo ka mid ah degmada Boondheere oo Ciidamada Dowladda ay la wareegaan, waxaana la soo sheegayaa in bur bur xoog leh uu ka muuqdo xaafadaha degmadaas ka koobneyd markii madaafiicda iyo dhufeysyo laga qoday ay saameeyeen.

 

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Shabaab oo ku aadan dagaalada saaka iyo goobaha Ciidamadooda laga qabsaday oo ka tirsan degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo degmada Boondheere oo fariisimo ay ku lahaayeen.

 

Wixii warar ee ku soo kodha kala soco wararkeena dambe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo xoogan ayaa waxay maanta ka soconayaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo uu u dhaxeeyo ciidamadda dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya ciidamadda Amisom iyo Xarakada Al Shabaab oo dhinac ah.

 

Dagaalada ayaa waxay maanta ka soconayaan degmooyinka Boondheere, Wardhiigley, Hawl Wadaag iyo Hodan, isla-markaana dagaalada ayaa waxaa soo qaaday ciidamadda dowladda Amisom.

 

Dagaalada qaraar ee maanta ka soconaaya magaaladda Muqdisho ayaa waxay yihiin kuwo aad u xoogan, leeskuna adeegsanaayo qeybaha kala duwan ee hubka, iyadoo hugunka sawaxanka madaafiicda cul culus laga maqlaayo inta badan magaaladda Muqdisho.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in deegaano ka tirsan degmooyinka ay dagaaladu ka soconayaan ay guulo ka gaarayaan ciidamadda dowladda oo garab ka helaaya kuwa Midowga Afrika ee Amisom, isla-markaana dagaalada ay soo qaadeen ayaa waxay yihiin kuwo kedis ah.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidamadda dalalka Somaliya iyo Burundi ay dagaalada uga qeyb qaadanayaan dhinaca lugta “Efandari”, halka kuwa Uganda ay iyana dagaalada uga qeyb qaadanayaan gawaarida gaashaaman ee Taangiyada.

 

Dagaalada maanta ka soconaaya caasimadda ayaa waxay yihiin kuwo faraha looga gubanaayo, hase ahaatee wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayna dambe, haddii uu RABI Idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay la wareegay gacan ku heynta fariisimo kooxda Khawaarijta Al shabab ay ku lahaayeen qaar ka mid ah Dagmooyinka gobalka Banaadir.

 

Ciidamada Dowladda ayaa la xaqiijiyay in saakay ay si buuxda ah ula wareegeen gacan ku heynta fariisimo ay Maleeshiyaadka Shawaarijtu ku lahaayeen, Degmooyinka Hodan Howlwadaag iyo Boondheere, kadib weerar ay Ciidamadda dowladdu ku qaadeen fariisimahaasi waaberigii hore ee saakay.

 

‘’Ciidamaddu waxey saakay la wareegeen inta u dhaxeeysa wadadda Jeneraal Daa’uud ilaa xaruntii degmadda Boondheere, mana jirto wax qasaare ah oo na soo gaaray marka laga reebo hal Askari oo dhaawac fudud soo gaaray, waana sii dabageli doonnaa Khawaarijta’’ ayuu yiti Taliyaha Ururka Sadexaad ee Degmada Bondheere G/sare Ibraahin Yaroow oo u waramay Radio Muqdisho.

 

Sidoo kale ciidamadda Dowladda ayaa saakay la wareegay xaafado ka mid ah Degmada Hodan , sida Saldhigii degmada Hodan, ilaa isgoyska Bakaaraha, waxaana ciidamadu saakay soo bandhigeen Meydad farabadan oo ay ka carareen Maleeshiyaadka Khawarijta Shabaab, kuwaas oo ay ciidamadu isugu keeneen Agagaarka Hotelka Wehliye si loo aaso.

 

Dhanka kale Abaanduuliyaha ciidamada Qalabka sida Gen. C/kariin Aadan Dhegabadan oo saakay la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ciidamada Dowladdu ay guullo la taabankaro ka gaareen dagaalladii saakay iyo shalay ka dhacay Muqdisho, isagoo hoosta ka xariiqay in ciidamadu ay sii wadidoonaan howlgaladan si loo meelmariyo qorshaha Dowladda ee ku aadan nabad ku soo dabaalidda dalka.

 

Howlgallada ciidamada Dowladda ee ka dhanka ah Khawaarijta Shabaab ayaa qeyb ka ah qorshaha Dowladdu ay ku dooneeyso in Labaatan sano ka dib la soo celiyo ammaankii iyo kala danbeeyntii uu dalkeennu lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidoo kale Sarkaal la yiraahdo Ibraahim Yarow oo ah Taliyaha Aaga Boondheere ayaa sheegay in dagaalka ka socda halkaas ay ku qabsadeen degmadaas, isla markaana ciidankooda haatan kaabiga ku hayo Hotelkii Royal iyo Isgoyska Afarta Jardiino.

Sidoo kale ciidamadda Dowladda ayaa saakay la wareegay xaafado ka mid ah Degmada Hodan , sida Saldhigii degmada Hodan, ilaa isgoyska Bakaaraha, waxaana ciidamadu saakay soo bandhigeen Meydad farabadan oo ay ka carareen Maleeshiyaadka Khawarijta Shabaab

 

Bravo, Bravo !!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Saraakiisha ciidamada Milateriga dowlada Somalia oo guulo ka sheegtay dagaalka ka socda Muqdisho, meydadna soo bandhigay

 

Saraakiil ka tirsan ciidamada milateriga dowlada Somalia ayaa guulo ka sheegtay dagaalo saaka bilowday oo welina ka socda degmooyinka Hodan, H/wadaag iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo dhexmaray ciidamadaa dowlada iyo AMISOM oo dhinac ah iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab.

 

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dowlada Somalia Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa ku soo bandhigay jidka Maka Al-Mukarama maydadka laba dhallinyaro ah oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen xoogaggii Xarakada Al-Shabaab ee ay saaka dagaalka la galeen.

 

Sidoo kale Jananka ayaa intaa ku daray in ciidamada dowlada ay la wareegeen dhufeysyo ay difaac kaga jireen ciidamada Al-shabaab, qasaare culusna u geysteen isagoo sheegay iney dagaalka sii wadi doonaan ilaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka ay ka saarayaan Xarakada Al-Shabaab.

 

Jen. Dhego-badan ayaa sheegay in shacabka oo dhan looga baahan yahay inay dagaallada ka qayb galaan, iyadoo maydadka dhallinyarada la soo bandhigayna aysan xirnyen dharka lagu yaqaan ciidamada Shabaab taasoo sababtay in dad badan ay su’aalo ka keenaan.

 

Dhanka kale Waxaa isaguna ka hadley dagalada manta iyo sheegashada Sraakiisha Dowlada Afhayenka Dhinaca howlgada ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cabdixasiis Abuu Muscab oo warbaahinta la hadley ayaa sheegay in aysan jirin wax fariisimo ah oo lagala wareegay ayna tahey wax aan jirin.

 

Mana jirto cid ka madaxbanaan labadaan Shegasho ee iska soo horjeeda ee dhica Dowlada iyo Xarakada shabaab oo si rasmiya uga warbixisey dagaalka iyo guulaha ay kala sheganayaan intaba

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Madaxweyne_Shariif_Tuute.JPG

War-Saxaafadeed (Muqdisho, Soomaaliya, Maarso 22,2011) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sharif Sheikh Axmed ayaa maanta waxaa uu tagay Barta Dhexe ee dagaalka. Madaxwaynaha ayaa sidoo kale waxa uu xalay ku dhaxay Barta Hogaaminta dagaalka, asiga oo halkaas si toos ah uga hogaaminiyay qaabka amniga loogu sugayo koofurta Soomaaliya.

 

Madaxweynaha oo ku sugan Barta Dhexe ayaa wuxuu sheegay in caruurta lasoo marinhabaabiyay ay ka waantoobaan oo eey usoo jeestaan sidi wadankooda eey nabad ugu horseedi lahaayeen.

 

Waxaa kale uu Madaxweynaha Jamhuuriyada sheegay in ajaanibta wadanka isaga baxaan oo ay ku laabtaan dalalkooda si xal loogu helo dhibaatada ka jirto dalka Soomaaliya.

 

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa xalay ilaa saakay waxeey dagaalo qorsheeysan ay ku qaadeen kooxda argagixisada ee Al-Shabaab Al Qaceeda .

 

Madaxweynaha iyo shacabka Muqdisho ayaa waxay dul istaageen meydadka Shabaab oo daadsan meelo badan oo xalay iyo maanta laga qabsaday.

 

Dowladda ayaa guulo isdaba joog ah ka gaareyso dagaaladda ka socdo Goboloda Koofurta Soomaaliya.

--

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Shariif Faruur Guduudoow ajaanibta uu leeyahay wadanka haka baxaan oo dalalkooda ku laabtaan maku jiraan kuwa uu isaga wato?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ajaanib gobol walba ayey ka joogta Soomaliya, laakiinse waa la yaqaanaa kuwa wadankooda ka soo cararay oo miinoyiinka shacabka Soomaliyeed dhulka ugu duuga, sida la isku qarxiyana caruurta Soomaliyeed bara..

Kuwa agjooga asaga wadankooda kama aysan soo cararin dhuumashana kuma aysan soo gelin Soomaliya. Kuwa afka u duuban yahay oo wejigooda qarinaya ayaa laga hadlooya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Haaaa, waan gartay...Thanks for the clarification...Koleey aniga ajnabi ama wadankiisa haka soo caroro ama biijoole ha keensado, at the end of the day dhiiga qulqulaya waa dhiig Soomaaliyeed...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this