Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The Somaliland government pays charity checks to the Families of the SNM mujahedins

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland Oo 60 Ka Mid Ah Hoohooyinkii Mujaahidiintii SNM Guddoonsiisay Lacag Deeq Ah.

 

Hargeysa (Ramaas) Mar.21, 2011 – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay in ka badan lixdan ka mid Agoomihi ay ka tageen mujaahidiintii SNM ee dalka u soo halgamay guddoonsiiyey lacago ay ugu tallo-gashay..

 

Munaasibad maanta lagu qabtay gudaha xarunta dambi-baadhista ee CID ee Magaaladda Hargeysa, isla markaana ay ka qayb-galeen shakhsiyaad muhiim ah oo uu ka mid yahay sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro), ayaa dadkan oo u badnaa hooyooyin da’ ah midkiiba lagu guddoonsiiyey 800,000 oo lacagta Somaliland.

 

Mujaahid Maxamuud Gacan, oo kamid ah saraakiisha jimciyadda mujaahidiinta SOOYLAAL, oo halkaa ka hadlay ayaa xukuumadda, gaar ahaan wasiirka Maaliyadda oo uu sheegay inuu isagu bixinta lacagtan suuro-galiyey.

 

sidoo kale, waxa uu u mahad-naqay wasiirka wasaaradda daakhiliga Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey, oo labadooduba uu tilmaamay inay kaalin muuqata ku lahaayeen in agoomaha mujaahidintii SNM la siiyo qadarkan lacagta ah.

 

Masuulkan ka tirsan SOOYAAL, waxa kale oo uu sheegay in agoomaha maanta lacagta la guddoonsiiyey hadda ka dib bil walba raashin la siin doono, isaga oo xusay inay tani tahay waxyaabaha isbadalka loo sameeyay.

 

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro), oo isna halkaa ka hadlay ayaa si gaar ah ugu mahad-naqay wasiiradda arimaha gudaha iyo maaliyadda, isaga oo tilmaamay in talaabada ay qaadeen ay tahay mid muhiim ah isla-markaana agoomaha oo wax la siiyo laga helayo khayr iyo duco, ducadooduna sababi karto in ILAAHAY umaddiisa ugu naxariisto oo uu roobku u da’o.

 

Ugu dambayn, agoomahan ayaa iyaguna ka mahad-celiyey lacagtan xukuumaddu siisay, waxaanay sheegeen inay tahay markii ugu horeysay ee ay xukuumad Somaliland ka dhisan lacag noocan oo kale ka helaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deeq Lacageed La Guddoonsiiyey Qoyskii Uu Ka Geeriyooday Mujaahid Fanax Oo Ka Tirsanaa Ciidamada Qaranka Oo Si Gaadmo Ah Loogu Dilay Degmada Widh-Widh Sanadkii Hore.

 

Hargeysa (Ramaas) - Mar.30, 2011 - Deeq Lacageed oo dhan afar kun sagaal boqol iyo labaatan Dollar($4920), ayaa maanta la soo gaadhsiiyay agoontii uu ka tagay Alle ha u naxaariistee Mujaahid Maxamed Xasan Rooble (Fanax) oo ku geeriyooday magaaladda Widh-Widh, ka dib markii ay kooxo Somaliland diid ahi si gaadmo ah u toogteen.

 

Lacagtan deeqda ah oo ay soo bixiyeen jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalka boqortooyada Ingiriiska iyo Australia ayaa waxa la gudoonsiiyey xaaskiisii iyo carruurtii u ka tagay mujaahid Fanax.

 

Qoyska deeqdan lacagta ah la guddoonsiyey ayaa waxa ay ka kooban yihiin todoba carruur ah iyo Marwo Foosiya Maxamed Ciidle oo ah hooyadood, kuwaas oo la sheegay in intii ka dambaysay geeridii mujaahidka ay ku noolaayeen nolol aan wanaagsanayn iyo duruufo qalafsan oo la xidhiidha baahiyaha guud ee wakhhtigan dalka ka jira.

 

Gudoon siinta deeqadan agoonta iyo xaaskii sarkaalkan Marxuum Maxamed Xasan Rooble (Fanax) Waxa ka soo qayb galay aabaha dhalay Sarkaalkan Xasan Rooble, Suldaan Yusuf Xiirey iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog iyo shakhsiyaad kale oo muhiim ah, waxayna dhamaantood u mahad-celiyeen jaaliyaddaha lacagtan soo diray oo ay sheegeen inay ku soo dadaaleen inay nolosha reerkii mujaahidku ka tagay daryeelaan.

 

Sidoo kale, masuuliyiintani waxay ILAAHAY uga baryeen dadkii lacagta soo diray in halkii ay kasoo saareen wax san ugu badalo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Good stuff.

 

 

Suldaan Xiiray iyo Masuuliyiin Kale Oo Maanta Deeq Lacageed Gaadhsiiyey Qoyskii iyo Agoontii Uu ka Tagay Marxuun Maxamed Xuseen Faarax(Fanax) Oo Ka Mid Ahaa Saraakiisha Cidaanka Qaranka Somaliland.

 

http://oodweynenews.com/news/60736-suldaan-yuusuf-muxumed-xiiray-iyo-masuuliyiin-kale-oo-maanta-deeq-lacageed-gaadhsiiyey-qoyskii-iyo-agoontii-uu-ka-tagay-marxuun-maxamed-xuseen-faarax-fanax-oo-ka-mid-ahaa-saraakiisha-ciidanka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Boqolaal Kun oo Dolar oo Billicda Madaxtooyada Lagu Bixiyey, Iyadoo Wax Meyd Lagu Maydho laga Waayey Qaybka Dalka ka mid ah

 

Hargeysa(Qaran news)-Iyadoo ay dalka ka jiraan abaaro ba’an oo faro baas ku ahay boqolaal qoys oo Xoolo dhaqato ah kuna nool deegaanada Miyiyada Somaliland, ayaa ilaa iyo hadda waxa weli ka sii socda Madaxtooyada Somaliland olole la xidhiidha qurxinta iyo tayayta bilicda xarunta Madaxrtooyada Somaliland, taasoo sida la sheegay uu baxayo dhaqaale aad u tiro badan oo gaadhaya Boqolaal kun oo dolarka Maryakanka ah.

 

Haddaba inkastoo ay tahay talaabo wanaagsan qurxinta bilicda Xarunta Madaxtooyaddu iyo meelaha kale ee halbawalaha ah ee indhuhu ku dhacayaan marka ay dalka yimaadaan wufuudda iyo dadka kale ee ajnabiga ah, haddana waxa haboon in hogaanka dalku uu maskaxda ku hayo marka uu arimahan oo kale samaynayo xaalada dhaqaale ee dalka iyo duruufaha nololeed ee Bulshadiisu wakhtigaa ku sugan tahay.

 

Sidaa darteed-na marka uu qiimayntaa sameeyo ka dib ku dhaqaaqo hadba talaabada haboon in wakhtigaa la qaado, haseyeeshee marka sida maanta jirta oo kale uu dalku ku jiro duruufo nololeed oo qalafsan, kuwaasoo hadda gaadhay heerkii ugu xumaa ee abid dalka soo wajaha, ayaa marka la barbar dhigo hawlaha bilicda Madaxtooyada kor loogu qaadayo, waxa dad badan oo bulshada ka mid ahi talaabdaa u fasilan karaan mid ka markhaati kacaysa heerka uu gaadh siisan yahay lexejeclada hogaanka dalku ka qabo bulshadiisa abaartu indhaha ka riday.

 

Sidaas aawadeed waxa la gudboon in Madaxwenuhu qaado talaabo uu arintaa ku joojinayo si uu bulshadiisa u tuso inuu u damqanayo, isla markaana Boqolaalka Kun ee Doolar ee ku baxaya bilicda Guriga uu dagan uu biyo dhaamis ugu badalo bulshadiisa, maadaama hadda sida wararku sheegayaan ay deegaano dalka ka mid ah ka dhacday in mayd la’aaso iyadoon la maydhin biyo la’aan darteed.

 

Si kastaba ha ahaatee haddii Madaxweynuhu taladaa qaato oo waxna ka badalo sida hadda wax u socdaan ay arintaasi tahay go’aan wanaagsan oo ku haboon in Madaxweynaha lagu hanbalyeeyo, balse haddii xaalku sida uu hadda yahay sii ahaado, waxa dhici karta in sidii ka dhacaday Tunis oo kale ee marka aynu noloshu cidhiidhi gasho dadku waayaan waxay cabaan dhururi biyo ah oo ay dhuunta mariyaan.

 

Yool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Somaliland diaspora & government should continue their aid for the families of the deceased Sland soldiers & SNM.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saalax;707266 wrote:
Good stuff.

 

 

Suldaan Xiiray iyo Masuuliyiin Kale Oo Maanta Deeq Lacageed Gaadhsiiyey Qoyskii iyo Agoontii Uu ka Tagay Marxuun Maxamed Xuseen Faarax(Fanax) Oo Ka Mid Ahaa Saraakiisha Cidaanka Qaranka Somaliland.

 

 

Well done to the sultan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saalax;707381 wrote:
Somaliland diaspora & government should continue their aid for the families of the deceased Sland soldiers & SNM.

Indeed it's very and very important issue With out the Mujahidins Somaliland would not be Somaliland today

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;707388 wrote:
Indeed it's very and very important issue With out the Mujahidins Somaliland would not be Somaliland today

 

True.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wiil Cusub;707398 wrote:
Good job

 

Somalina waxaan ku nidhi
Ka naxooow .....

War ka nax this poor old lady oo gaajooneysa in Togdheer

Abaaraha_Togdheere.jpg

first and foremost intaadan igu soo calaacalin aniga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Somalina. Worry about the daily 90 people that die in Mogadishu of Amisom shelling. If your sincere and concerned with the deaths & suffering of Somali people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duufaan;707401 wrote:
Xaji

Dadkan markayn dhintaan waa qarisaan, hadana waa mujaahidiin, taasi waa dhaqankii xabashida.

mujahidku wa ninki shahiiday ilahay baba qarin anagu cidna ma qarin karno

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Saalax;707404 wrote:
Somalina. Worry about the daily 90 people that die in Mogadishu of Amisom shelling. If your sincere and concerned with the deaths & suffering of Somali people.

Why shouldn't I comment on this thread?

 

Maxaa idin keena TFG, PL and GalMudug threads? you can't be serious now. hehe....

 

p.s. I do what I can for my people xaji Xunjuf wiilkiisa or should say secretary. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this