Liqaye Posted March 21, 2011 It seems to me that it would be appropriate to consolidate information and news on this recovery zone to this thread. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 21, 2011 Good move.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 21, 2011 there is a one already. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 21, 2011 Madaxweynaha caalin oo ardayda ka codsadey inay gacan ka geystaan amaanka galmudug Galkacyo-hobyonet) Madaxweynaha maamulka galmudug state Maxamed axmed caalin ayaa ardeyda kala duwan ee dugsiyada iyo jaamacadaha galmudug ugu mahadceliyey kaalintii ay ka geysteen dhiirigelinta dhinaca nadaafada iyo abaaraha ka jira deegaanada galmudug state. Madaxweyne Caalin oo ka hadlayey xaflad balaaran oo ay goob-joog ka ahaayeen golaha wasiirada galmudug ayaa si weyn u soo hadal qaadey doorka ardada jaamacadaha iyo adugsiyada ku yaala galmudug ka geysteen taakuleynta dadka abaaruhu ku dhufteen iyo soo celinta bilicda magaalada koonfurta galkacyo ee xarunta u ah galmudug state. Caalin waxaa uu ka hadley sida aan looga maarmin marnaba kaalinta ardeyda isagoo ka codsadey inay gacan weyn ka geystaan sidii loo baabi`in lahaa isbaarooyin uu sheegey in la soo dhigey deegaano ka tirsan galmudug walow aysan badneyn hadana waxaa uu sheegey in maamulkiisu ka hor tegi doono arinkaasi. www.hobyonet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 21, 2011 Maxkamadda Galmudug oo xukun qisaas ah ku ridey eedeysane hore u diley gacansade caana Galkacyo-hobyonet) Maxkamadda derejada koowaad ee dowlad goboleedka galmudug ayaa maanta xukun qisaas dil ah ku xukuntey eedeysane horey magaalada hobyo ugu diley nin ganacsade ah oo si weyn looga yaqaano deegaanada galmudug. Qaadiga maxkamada derajada koowaad ee magaalada xarunta galmudug galkacyo Sheekh maxamuud sh.cali ayaa sheegey in eedeysane Maxamed jaamac maxamed 20kii bishii febraayo uu si bareer ah magaalada hobyo ugu diley allaha u naxariistee ganacsade maxamed cabdi jaamac (xabeeb) maxkamaduna ay ku xukuntey dil in lagu fuliyo iyadoo ay goob joog ka ahaayeen xukunka maxkamadda dadweyne aad u fara badan oo ay ku jireen qoysaska dilaaga iyo marxuumka. arinkana ayaa noqoneysa talaabo si weyn loogu riyaaqo isla markaana yareeyn karta falalka amni daro ee dilalka iyo dhibaatooyinka ka dhaca deegaanada galmudug. www.hobyonet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 21, 2011 Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Iskaashiga iyo Dhaqaatiir oo soo gaarey Galkacyo Wafdigan uu hogaaminayey wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ee dowlad goboleedka galmudug waxaa ka mid ahaa Dhaqaatiir isugu jirta somali iyo ajnabi,qurba joogta galmudug iyo xubno kale. Wafdiga ayaa garoonka diyaaradaha galkacyo waxaa si weyn ugu soo dhoweyey xubno ka tirsan golaha wasiirada galmudug iyo baarlamaanka iyadoo ka dib loo dhaadhiciyey xarunta madaxtooyada galmudug oo ay kulan kula qaateen madaxweyne Caalin iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada. Xafladii soo dhoweynta ee lagu qabtey xarunta madaxtooyda ayaa waxaa ugu horeyn ka hadley wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga Cumar Maxamuud Rooble ( Cumar Suuri) oo ka warbixiyey safarkiisa uu ku tegey dalal ku yaala yurub iyo africa isagoo xusey in beesha caalamka ay xiligani u soo jeesatey wax u qabashada galmudug taasi oo ka danbeysay aqooonsi buuxa oo galmudug ay ka heshey caalamka sida maamul goboleedyada kale ee jira. Dr Dalmar oo horkacayey Tiim Dhaqaatiir ayaa sheegey in Galkacyo waqooyigeeda iyo gobolada galmudug, ay ka fulinayaan Howlo indha Fiiqis lacag la’aan ah oy ka qeyb qaadandoonaan dhaqaatiir soomaali iyo ajnabi isugujira. Madaxweynaha Galmudug Maxamed axmed Caalin ayaa ugu danbeyntii halkaasi ka hadley isagoo si weyn ugu mahadceliyey wasiirka iskaashiga galmudug howlihii uu soo qabtey iyo sidoo kale Dr Dalmar iyo Teamkiisa oo Galkacyo u soo gaarey wax u qabashada bukaanada araga indhaha wax ka qaba. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley xaaladaha abaaraha iyo waxbarashada ee ka jira deegaanada galmudug iyo sidii loo balaarin lahaa wax qabashadooda, iyo iskaashiga deegaanada ay ka jiraan amaan darada aan sidaasi u balaarneyn. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 21, 2011 Madaxweyne Caalin oo isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada ee galmudug GALKACYO-HOBYONET) Madaxweynaha Galmudug State Maxamed axmed Caalin ayaa maanta soo saaray wareegto cusub uu ku magacaabayo wasiiro cusub isla markaana isku-shaandheyn ku sameeyay qaar ka tirsan wasiirada iyo agaasimayaal. Madaxweynaha ayaa u cuskaday wareegtadan qodobka 49-aad farqadiisa 12-aad sidaasi darteed madaxda la magacaabey u rajeynayo iney ku guuleystaan xilalkooda ayna ka soo dhalaalaan howsha loo dhiibey. MAGACYADA IYO XILALKA LOO MAGACAABEY: 1-C/laahi Jaamac Dhoore wasiirka macdanta biyaha & tamarta. 2- Burhaan Warsame Cigaal Wasiirka howlaha guud & sportiga. 3-Col. C/laahi Aadan Xuseen Wasiirka maaliyada iyo lacagta. 4-Maxamed Cali Nuur Xaaji Wasiirka warshadaha tacliinta sare. 5-Ing. Cabdi Maxamuud Biday agaasimaha guud wasaarada maaliyada. 6- Shamso Axmed Siyaad Wasiirka Haweenka & arimaha qoyska. 7- Maymuun Cali Nuur Ku-xigeenka Haweenka & arimaha qoyska. 8-Yuusuf Cabdi Lare Agaasimaha Guud Wasaarada X.xoolaha. 9-Sahra Maxamed Cali Agaasimaha guud Wasaarada Macdanta biyaha & tamarta. 10-Mahad Geelle Salaad Agaasimaha guud wasaarada arimaha gudaha & Amniga. Wasiirada qaarkood ayaa hore u hayey wasaarado sida C/laahi jaamac dhoore, Burhaan Warsame Cigaal, Maxamed Cali nuur xaaji. Halka golaha wasiirada lagu kordhiyey sadex wasaaradood, haweenka iyo arimaha qoyska, howlaha guud iyo sportiga & Macdanta biyaha tamarta. By zaciimka Galkacyo-galmudug. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 21, 2011 Wafdi ka socda ahlu sunna oo soo gaarey xarunta galmudug Galkacyo-hobyonet) Wafdi balaaran oo ka socda ururka ahlu-sunna wal jameeca ayaa soo gaarey magaalada xarunta galmudug ee koofurta galkacyo. Wafdigan oo u hogaaminayo Sheekh Maxamed xuseen owliyo oo ah wakiilka ahlu sunna ee qaaradda yurub ayaa garoonka diyaaradaha galkacyo xubno ka tirsan ahlu sunnada ee badbaadada qaranka la magac baxay. Xubnahan ahlu sunna ayaa la filayaa iney kulamo ku qaataan gudaha galmudug iyadoo kadibna lagu wado iney u sii gudbaan gobolada dhexe gaar ahaan galmuduud halka oo todobaadyadii ugu danbeeyay ay ku dagaalamayeen xarakada mujaahidiinta al-shabaab iyo ahlu-sunna. Www.hobyonet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 21, 2011 Mudug University Our mission at Mudug University is to provide our student with education of the highest quality. Groom their personality and inculcate in them a sense of confidence, commitment, competency, responsibility and excellent and dedication towards their profession, their society and their country. We will strength Somalia education system and promote inclusiveness. We are dedicated to serve all students who are seeking education. The Mudug University (MU) will promote the understanding, prevention, and treatment of diseases through excellence in teaching clinical practice and research. We are dedicated to nurture, promote and provide long life scholarship deep learning for career and personal advancement. We are dedicated to champion the higher education system of our beloved country (Somalia). We provide an atmosphere of mutual respect and free of prejudice and intolerance. We assist all individuals that are committed, conscious and responsive to the needs of the many communities. We have created and support partnerships with the local community in order to achieve common goals, inspire, and empowers individuals within the community. Mudug University is a non-profit making educational institution with no political affiliation, established to meet the needs of the students. The Mudug University is keen to engage internationally to fulfil a vision of globally responsible citizenship. We have significant capabilities in the areas of Nursing, Education, and vocational trainings. Our Faculty professionals are well-qualified, well-regarded and positively orientated towards international engagement with potential partners. We are interested in validation, progression and articulation opportunities that can make a difference to the individual capacities of students and, through them, contribute towards the MDGs. http://www.muduguniversity.com/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 21, 2011 My old friend Owliyo is a Shiekh now? Masha Allah Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 21, 2011 Wasn't he (Awliyo) arrested in Galgaduud last week? GD, you are an old geezer if you were hanging out with Awliyo in London. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted March 21, 2011 soomaali garab iyo gacal iyo xigaaliyo gacan qudha wada nahay.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 21, 2011 Somalina, I am old enough dear.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 24, 2011 Tababar looga hadlayay xoojinta Amniga Deegaanada Galmudug oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo Gaalkacyo Siminaarkaan oo mudo afarmaal mood ah kasocday hotelka embasi ee magaalada gaalakcyo ayaa waxaa kaqeyb galay masuuliyiin katirsan Maamulka Galmudug Odayaasha Dhaqanka Saraakiisha Ciidamada iyo qaar kamid ah bulshada reer gaalkacyo siminaarkaan oo ay soo qaban qaabisay mid kamid ah Hay’adda u’olo.oleeya nabada ayaa afartii maalmood ee uu socday waxaa siweyn loogu faaqiday waxkaqabashada amniga deegaanada galmudug iyo sidii loo xoojinlahaa wacyigalinta nabada madaxweynaha maamulka Galmudug maxamed axmed caalin oo xiritaankii siminaarkaan qudbad kajeediyay ayaa sheegay in hada maamulkiisu uu wado qorshe xoogan oo wax looga qabanayo kooxo uu sheegay in ay deegaanada galmudug kawadaan falal isugujira dil dhac iyo tacdiyo lid ku ah bulshada galmudug madaxweynaha maamulka Galmudug maxamed axmed caalin ayaa sheegay in magaalada gaalkacyo ay kasocdaan howlgalo ay wadaan ciidamo gaaraya 200 oo askari kuwaasi oo dhawaan loosooxiray tababar waxaana uu sheegay in ciidamadu ay amar buuxa ku qabaan in ay toogtaan cidii ay ku arkaan iyadoo falal amni dari kawad magaalada hadii ay isu dayaan in ay baxsadaan Dadka kaqeyb galay siminaar kaan oo tiradoodu ay gaaraysay 150 qofood ayaa waxa ay dhamaantood isku raaceen in si wadajir ah loogu istaago nabada iyagoo sheegay in ay diyaar uyihiin in ay kala shaqeeyaan maamulka galmudug iyo saraakiisha anmiga dadaalka loogu jiro sugida amniga deegaanada galmudug C/waaxid Macalin **** Hobyonet.com Glkacyo Galmudug Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 24, 2011 Garoonkii Diyaaradaha ee Bandiiradley oo shaqo bilaabey Garoonka diyaaradaha dagmada bandiiradlay ee gobolka mudug oo mudo dhowr bilood ah aanan siwanaagsan ushaqeenayn ayaa maanta waxaa Ganacsatada Galmudug ay soo bandhigeen qorshe ay gudoonayaan in ay kudar dargaliyaan howlaha shaqo ee Garoonkii diyaaradaha dagmada bandiiradlay waxaa islamaantaba Garoonka kasoodagay labo diyaarad oo mid ay ukiraysneyd ganacsatada qaadka halka mida kalana ay aheyd diyaarad urarneyd Hay’adda ICRC Ganacsade Cabdulaahi Siciid Salaad oo ku magacdheer (Cabdulaahi Jiis) Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Gudug Maxamed Nuur iyo waxgaradka Dagmada Bandiiradlay ayaa goobjoog ka ahaa munaasibada lagu uhowlginayay garoonka oo ka dhacday isla garoonka Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Gudug Maxamed Nuur iyo ciidamada Galmudug ayaa sugayay amniga Garoonka Gudoomiyaha dagmada bandiiradlay cabdi risaaq maxamed jaamac oo ku hadlayay afka maamulka dagmada ayaa soo dhweeyay dib’uhowlgalida garoonka Short URL: http://hobyonet.com/?p=726 Quote Share this post Link to post Share on other sites