Liqaye Posted March 21, 2011 Waraka ka imaanaya degaanada Afarta Tuulo oo ka tirsan Shebeelaha dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyooyin ka tirsan xarakada Shabaab ay halkaasi ka geysteen falal isugu jira boob iyo xarig lagula kacayo dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanada Ceelbaraf, Caadley, Meer-tuugo iyo Biyacade oo dhamaantood ka tirsan shabeelaha dhexe. Maalinimadii shalay ayay dadka deegaanka sheegeen in maleeshiyadaasi ay deegaanka Ceelbaraf ka wateen lix neef oo Geel ah kuwaaso sheegay in loogu gargaarayo ciidamada ay ku tilmaameen Mujaahidiinta daafacaya Islaamka, iyagoo handadaad iyo jirdil u geystay dadkii iska lahaa xoolhaasi oo ku sugnaa ceelku yaala deegaankaas. Warku wuxuu intaa ku darayaa in maleehiyadaasi ay ku amreen dadka deegaanka in aanay ceelasha ku yaala deegaankaai u soo aroori karin cidii aan dhhibin hal neef oo Geel ah xili ay dadka ku dhaqan deeganadaas ay la leecayaan abaarahan saameeyay dadka iyo duunyada taasoo ku kaliftay in lafahooda ay ula baxsadaan dhinaca Buurta oo ku taala duleedka afarta tuulo ee shabeelaha dhexe Maaha markii ugu horeysay oo ay maleeshiyooyinkaasi talaabooyin nuucaan oo kale ah kula kaceen dadka masaakinta ee ku dhaqan deegaanada Shabeelaha dhexe taasoo dadka ay u arkaan mid siyaasadeed oo loogu darnaanayo dadka ku dhaqan deegaanadaas. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088 [Leaning on qabilist support, kidnapping child soldiers, and now the use of robbery and thievery to refill coffers.] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 21, 2011 Wax walba ka filo doofaradaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 21, 2011 waa kuwaan dadka diinta sheeganayay ya uu baneeye boob? Quote Share this post Link to post Share on other sites