Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Secessionist MP's outrage at corruption in Hargaysa.. Siilanyo fails again

Recommended Posts

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Hargeysa oo Daaha ka rogay Fadeexado Musuqmaasuq iyo Maamul Xumo Dul Hoganaya Dawlada Hoose Caasimada dalka kuna eedeeyey Maayir Jiciir.

Hargeysa(Waaheen)-

 

qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa ayaa Maayirka Caasimada Hargeysa ku eeddeeyey Fadeexado musuqmaasuq iyo Maamul xumo uu ku kacay 8 sanadood ee uu Maayirka ahaa,waxaanay shaaca ka qaadeen in Maayirku Lunsaday Dakhli fara badan oo dawlada Hoose leedahay, isla markaana ragaadiyey hawlihii Dawlada Hoose iyo Golaha Deegaanku Bulshada u qaban lahaayee.

 

waxaanay intaasi ku dareen Xaalada Dawlada Hoose ee Magaalada Hargeysa hada ay Marayso meel aad u xun oo u baahan faro gelin iyo in hay’adaha sharcigu baadhis ku sameeyaan,iyaga tilmaamay in meelaha ugu badan ee Maayirku Musuqmaasuqa ka galay ay yihiin awoodihii bixintaa Dhulka oo uu Maroorsaday, isla maarkaana Iibiyey dhul badan oo dan guud loogu talo galay,kana qaatay lacagtii lagu iibiyey.

sidaasina waxa ay ku sheegeen shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Hoteelka Xafar ee Magaalada Hargeysa,iyaga oo intaasi raaciyey in Golaha ahaan aanay mar kaliya ka aamusin soo bandhigida Musuqmaasuqaasi iyo Maamul Xumada Maayirka balse cid wax ka qabata ay waayeen,soona jeedinayaan in hada wax laga qabto.

 

Xildhibaanadan eeddaha u soo jeediyey Maayirka Dawlada Hoose oo dhamaantood ka kala tirsanaa 4 Guddi Hoosaad ee Golaha Deegaanku ka koobanyahay oo ay hormood ka yihiin Guddomiyayaashooda ayaa sidoo kale *****lkaa ka qaaday in Dawlada Hoose Dakhligii ka soo geli jiray Cashuuraha qaybo ka mid ah 20% aanu soo xaroonin,Musuqmaasuqaasi awgeed, taasina ay keentay Miisaaniyadii Dawlada hoose aanay sidii loogu talo galay u shaqaynin.

 

Guddomiyaha Guddida arrimaha Bulshada ee Golaha Deegaanka Xildhibaan Yuusuf Kirix oo ugu horayn shirkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Xaalada Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa ka sii daraysay sanadihii u dambeeyey, isla markaana hada ay marayso meel aad u xun oo aan la eegan karin,waxaanu intaasi ku daray in arintaasi ay sabab u tahay Musuqmaasuqa uu ku jiro Maayirka Caasimadu, una soo bandhigayaan dadweynaha si aan loo jaho wareerin, isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi

waxaanu ku talo galanay inaanu dadweynaha reer Hargeysa u bayaamino Xaalada Daawlada Hoose iyo maanta halka ay marayso,annagoo tix raacayna wixii Xukuumada Siilaanyo balan qaaday ee ahaa la dagaalanka Musuqmaasuqa, ayaanu cod dheer qaylinaynaa oo aanu leenahay Maamulkii Magaalada Hargeysa ka jiray waxa uu marayaa meeshii ugu Xumayd intii uu taarrikhdiisa soo jiray,taasi waxa ay la mid tahay noolaatay yididiiladii Naxashka saarnayde markii aanu aragnay isbedelka dhacay”

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^aside from claiming to be Anglo Saxon's and Orphans of the Queen. The only thing the secessionist are better at than other Somali's is the ludicrous claims over other peoples lands.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

NGONGE;703916 wrote:
^^ But they're better at everything else.
:D

especially putting "clan is everything" into practice.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Faanka dumarka iyo ciyaalka yaqaan, saaxib. Say fact, please, fact. Not hard really, is it? PL would have been the same if was not for the wretched Imam. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this