Sign in to follow this  
General Duke

Badhan, Sanaag: Local governing council of 27 elected which has elected a Mayor deputy

Recommended Posts

Golaha Degaanka Badhan oo la dhaariyay iyo dumarka oo tiradii ugu badnayd golayaasha degaanka Puntland.

Mon, 21 Mar 2011 09:07:24 -0400 am -04:00 -14400

 

--------------------------------------------------------------------------------

Badhan, Mar 20 - Golihii deegaanka ee degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa maanta la dhaariyey kaddib markii beelaha degmadaasi ay soo xusheen xildhibaannada golaha ee degmadaasi ay yeelanayso, kuwaasi oo maalmihii ugu danbeeyey lagu hawllana.

 

Mudanayaasha golaha deeegaanka ee maanta dhaariyey ayaa la tilmaamayaa in ay gaarsiisan yihiin illaa iyo 27 xubnood kuwaasi oo sagaal ka mid ah ay dumar yihiin, waxaana golahaani uu noqday golihii deegaan ee haween intaasi le'eg ay xubno ka noqdaan.

 

Inkasta oo sharciga golayaasha deegaanka ee Puntland oo qabo in xubnaha golaha deegaanka ee degmo walba 30% in ay dumar yihiin sharci ahaan marka loo fiirshana tani ay tahay mid lagu fariisiyey shacigaasi golayaasha. haddana waxaa la tilmaamayaa in ay tahay markii ugu horraysay oo la fuliyo xeerkaasi, waxaana suurtoobidda arintaan gacan-weyna ka gaystay wasaaradda hormarinta haweenka iyo arrimaha qayska Puntland oo ku dadaashay in haweenku ay u soo baxaan hanashada xilalka golaha deegaanka ee degmada Badhan.

 

Faaduma Jabriil oo la taliye u ah wasaaradda haweenka Puntland ayaa sheegtay in tallaabadan guusha ahi ay ka dambeeysay dadaal ay sameeyeen hogaanka wasaaradda kan khubarada iyo kan haweenka degaanka oo si dhab ah ula xisaabtamay cuqaasha degaanka. Faaduma waxa ay sheegtay in cuqaashi asalkii caqabad ku ahaayeen in howlahan oo kale lagu tallaabsado, waxayna sheegtay in ay gabdhihii ay yeeshaan xirfad ay kula xisaabtami karaan hogaanka dhaqanka.

 

Waxa lagu wadaa in gabdhuhu qaar u tartamaan hogaanka degmada. Doorashada hoggaanka golaha degaanka ayaa dhici doonta Subaxnimada Isniinta.

 

Halkan ka dhagayso waraysiga Faduma Jibriil oo dhamaystiran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

fJibriil2.jpg

Casharadii laga bartay gobollada kale ayaa sahlay in golaha deegaanka ee Badhan ay 9 xubnood oo gabdho ahi ka mid noqdaan - Marwo Fatima J. Jibriil ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gobollada Sool & Sanaag marna kama mid ahayn maxmiyaddii British-ku gumaysan jiray ee Waqooyiga Somaliya (British Somaliland protectorate) - Garaad C/llahi Cali Ciid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta la doortay Guddoomiyaha iyo kuxigeenka dagmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag dhinaca Dawladda Puntland.

 

Guddoomiyaha cusub ee degmada Badhan ayaa loo doortay Cabdirisaaq Axmed Ciise “Bidhiiif”, halka Guddoomiye kuxigeenka loo doortay Saynab Cabdi Aar oo noqonaysa gabadhii ugu horaysay oo Guddoomiye kuxigeen ka noqota golayaasha deegaanka Puntland.

 

Magaalada Badhan ayaa waxaa kusugan masuuliyiin ka socota Dawladda Puntland kuwaasi oo muddooyinkan ka waday hawlo ku aadan dhismaha golaha deegaanka.

 

Masuuliyiinta Dawladda ee iminka Badhan kusugan ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha gudaha Dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir), Wasiirku kuxigeenka maaliyadda Maxamed Cabdulaahi, Wasiiru Dawlaha amniga Cali Saalax Xamari, Wasiir kuxigeenka Dekedaha Abshir Siciid Faarax iyo xildhibaan Axmed Cali xaashi oo kamid ah Baarlamaanka Puntland.

 

Wasiir kuxigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda Abshir Cali Faarax oo ay Horseed Media khadka taleefanka kula xiriirtay ayaa waxa uu sheegay in ay doorashadu u dhacday si habsami leh oo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiinta Dawladda.

 

Golaha Deegaanka degmada Badhan oo ka kooban 28-xubnood ayaa la dhaariyey maalintii shalay iyaga oo maanta doortay Guddoomiyaha degmada iyo kuxigeenkiisa.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

The laughable secessionist claims over these regions has come crushing down. Hence the people elect a council without any fuss. While the secessionist resort to violence, killings and militias when ever they come.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

General Duke;703836 wrote:
fJibriil2.jpg

Casharadii laga bartay gobollada kale ayaa sahlay in golaha deegaanka ee Badhan ay
9 xubnood oo gabdho ahi
ka mid noqdaan - Marwo Fatima J. Jibriil ...

Good news.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fatima Jibril who was greatly influential that 11 out of the 28 District members were women and the First Women Deputy District Governor was elected the first time ever in Puntland.

 

g.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this