Somalina Posted March 20, 2011 Hargeysa(Qaran news)-Waxa xalay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa la keenay dad dhaawac ka soo gaadhay iska hor imaad shalay ku dhexmaray laba beelood oo wada dega Deegaanka Dhabolaq ee Galbeedka Hargeysa oo isku laayay Biyaha laga cabo Ceelashaasi oo gaabaabsi noqday. Sida ay wararku sheegayaan tuulada Dhabolaq oo ay ku yaalaan Ceelal biyaha laga cabo ayaa waxa soo food saaray culays dhinaca dadka ah oo biyo raadis ah kaasoo keenay inay dadka deegaankaasi isku maandhaafaan qaabka ay Biyahaasi u cabi lahaayeen. Sidoo kale waxa Culays kale sii saaray Booyado Biyo dhaan u yimi Dooxaasi si ay biyaha u gaadhsiiyaan dad farabadan oo ku haraadan deegaanada Oogada ee dhinaca xuduuda kuwaasoo bixinaya Lacag ka badan intii hore loogu dhaamin jiray, taasoo qayb ka ah ismaandhaafka dadka Deegaanka dhex maray. Dad gaadhaya ilaa laba iyo toban qof oo labada beelood ka tirsan ayaa dhaawacoodii la keenay Cisbitaalka Hargeysa kadib markii ay dhaawacyo ka soo gaadheen Budad iyo dhagaxaan ay isla dhaceen labada dhinac. Saraakiisha Booliiska ayaa u gurmaday labadaas Beelood ee gacan ka hadalku ku dhexmaray Deegaanka uu ku yaalo Dooxa Dhabolaq, waxaana la sheegay in xaaladu degan tahay isla markaana ay Ciidamada Booliisku wali gacanta ku hayaan xaalada Waaheen Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 21, 2011 The drouhgt is having an effect all over Somalia. Now sub clans are stoning each other outside of Hargaysa. Sad really. Quote Share this post Link to post Share on other sites