Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Mark bowden UN resident and Humanitarian coordinator arrives in burco+PICS

Recommended Posts

Burco: isu-Duwaha Xafiiska arrimaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr. Mark Bowden oo saaka soo Gaadhay Burco.

 

u_32296d_2011-3-20-10-26-54f_MAR2.JPG

Burco(HWN)Mr. Mark Bowden ayaa isla Markii uu Diyaaradda siddey ka soo degey kormeer iyo xog waraysi u tegay IDP yada Magaalada Burco, Gaar ahaan Xaafadda Kosaar oo ay degen yihin Qaxooti Tiro Badan, isla markaasn ay hawlo dhismayaal ah oo ay waddo Hayadda NRC ay ka socdaan...

 

Burco: isu-Duwaha Xafiiska arrimaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr. Mark Bowden oo saaka soo Gaadhay Burco.

 

Burco(HWN)su-duwaha Xafiiska arrimaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr. Mark Bowden ayaa saaka soo Gaadhay Burco, waxaana Gegida Diyaaradaha ee Magaalada Burco ku soo dhoweyey, Maamulka Gobolka, iyo Degmada, saraakiisha Ciidanka asluubta, Booliska iyo Milleteriga, Masuuliyin ka socday Hayado kala Duwan iyo waliba Masuuliyiin kale.

u_32296d_2011-3-20-10-27-27f_MAR4.JPG

Mr. Mark Bowden ayaa isla Markii uu Diyaaradda siddey ka soo degey kormeer iyo xog waraysi u tegay IDP yada Magaalada Burco, Gaar ahaan Xaafadda Kosaar oo ay degen yihin Qaxooti Tiro Badan, isla markaasn ay hawlo dhismayaal ah oo ay waddo Hayadda NRC ay ka socdaan.

u_32296d_2011-3-20-10-27-50f_MARK.JPG

Mr. Mark Bowden ayaa warbixino kala duwan ka dhegaystay Dadka qaxootiga ee xafaddas degen, waxa uuna u ballan qaaday in Dhawaqooda uu Gaadhsiin doonoo Hayada Gargaarka Bixiya oo dhan, wuxu sidoo kale Booqday Xarumo ku yaalla xaafaddaasii Koosar o ay ka mid yihii Xannaanada, Dugsiga H//dhexe ee C/qadir koosaar, iyo xafiiska Maamulka iyo Guddiga Xaafaddaasi, dhammaantood waxay u jeediyeen codsiyo kala duwan, waxa uuna ka qortay dhammaan Baahiyahooda, iyagoo Baahida ugu badan ee ay haysatan ay ugu sheegeen Dhinacyada Biyaha, waxbarashada iyo Lighte ka.

 

u_32296d_2011-3-20-10-28-41f_MARK3.JPG

Mr. Mark Bowden waxa uu intii uu xaafadda joogay Bookhday oo dhex galay guryo Jiingado ah oo xaafaddaasi ku yaaala oo ka mid ah Guryaha ay dhiseen Hayadaha halkaasi Guryo dhiska ka wada, waxa uu sidoo kale warbixino iyo mashaarriicdii ay ka fuliyeen xaafaddan ka dhegaystay Hayadaha CCBRS, NRC, UNICEF iyo qaar kale.

 

Mr. Mark Bowden waxa uu sidoo kale Booqday Qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer, Jeelka weyn ee Burco, mid ka mid ah Ceelasha ugu waweyn Burco, oo ku yaal Dugsiga H/dhexe TOGDHEER Dabadiisa, iyo weliba Xarunta Dawladda Hose.

 

Mr. Mark Bowden waxa ay dhammaan Madaxdii iyo masuuliyintii halkaasi ka masuulka ahayd u sheegeen in Gobolkani ay ka jiraan Baahiyo fara badan oo dhinac walba leh, wuxuna masuul waliba ka codsaday wixii ay xaruntiisu u baahantahay in si degdeg ah loogu hawlgalo.

 

Mr. Mark Bowden oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in hawlaha uu u socday ay ahaayd ka war helida xaaladda Dadka Qaxootiga ah ee ku nool somaliland, Gobolka Togdheer na ku ammaanay inu yahay Ubucdii waddan ka Somliland.

 

Waa markii ugu horeysay ee Mr. Mark Bowden iyo waftii u hogaaminayaa ay soo Gaadhaan Burco, tan iyo intii xukuumaadda cusubi jirtey, iyadoo ay Booqashadiisuna wax weyn ka tari Doontom ididilada iyo rajada somaliland ee Dhinaca Aqoonsiga.

 

u_32296d_2011-3-20-10-29-13f_MARK5.JPG

 

Barnaamij gaar ah oo an ka diyaarinay Booqashada Mark Bowden iyo Sawiro Badan kala Soco Hadhwanaagnews Saacadaha Soo Socda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Jacaylbaro;703688 wrote:
Because he went to Burco ??
:D

Not because he went to Buroa but his record and remarks speak for themselves.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this