Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunna Waljameeca

Recommended Posts

Masuuliyiin ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeen maliishiyaad ka tirsan Al Shabaab oo maalmihii u dambeeyay ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay gobolka Gedo.

 

Sheekh Max’ed Xuseen Al qaadi oo ah Afhayeen culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo oo la hadlayay Ragga wararka dira ayaa u sheegay in Maliishiyaad tiradoodu ay kor u dhaafeyso 25 dagaalyahan ah oo ka tirsanaa Al Shabaab ay haatan isku soo dhiibeen ciidamada Ahlu Sunna.kuwaasi oo ka soo baxsaday Al shabaab.

 

Afhayeenka ururka Ahlu Sunna ayaa waxaa uu sheegay in ay rajo weyn ka qabaan in ay Ahlu Sunna isku soo dhiibidoonaan wax uu ugu yeeray dhalinyaro kale oo ka tirsan Al Shabaab kuwaasi oo uu tilmaamay in la marin habaabiyay balse hatan ay ******* runta waxa ay tahay iyo dagaladda ay ku soo wadaan Ciidamadda Ururka Ahlusunah ityo kuwa dawladda federalka ee soomaliya eek u soo wajahan Goobaha kuunfureeyd ee ay weli kusugan yihiin al shabaab.

 

Majiro wax war ah oo ka soo baxay Horjoogayasha Kooxdda Al shabaab Al Shabaab oo ka Duwan hadalka ka soo yeeray Masuuliyiinta ahlusunaha ee ka gedesan inkastoo aty jiraan dagalo xoogan oo sacadihii ugu dambeeyay ka dhacayay goboladda koonfureeyd kuwaasi oo ay horsed ka yihiin Ciidamo lagu magacaabo Raskabooni iyo kuwo ay leedahaya dawladda federalaka soomaliya oo xiligaan dagalo ka wadda degmooyinka goboladda kuunfurta dalka soomaliya una muuqddo kuwo isaso taraya sacadba sacadda ka sii dmabeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mar dhaw ayaan waxaan la xiriirney xumbo sare oo ka tirsan Ahlu-sunna Wal-jamaaca ayaa waxay inoo sheegeen in ay shalay gelin dambeedkii iyo maanteyba ay isku soo dhiibeen Maleeshiyaad ka mid ahaan jirey Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab. Maleeshiyaadkaan ayey Culimadu ku sheegeen in ay kor u dhaafayeen 28, waxayna wateen Gaari iyo weliba hubkoodii Gacanta oo isugu jirey kuwo fud fudud iyo kuwo waweynba.

 

Maleeshiyaadkaan ayaa intii aysan isa soo dhiibin ka hor waxay la soo hadleen odaayaasha deegaanka oo ay doonayeen in ay uga shafeeco qaadaan Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca, halkaas ay Culimadiina ay oggolaatey shafeeca qaadkii odayaasha.

 

Culimada ayaa Meeshiyaadkii kala wareegey Hubkii iyo gaarigiiba, waxayna bilaabeen in ay du’aalo waydiiyeen, waxaana ilaa iyo imminka ku socda su’aalo badan.

 

Culimada ayaa sidoo kale ugu baaqey in ay isa soo dhiibaan inta ka hartey Khawaarijta inta goori gor tahay, haddii kale, haddii dagaalka dhex diisa ay isku soo dhiibaan aanan la aqbali doonin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunnah Wal Jameeca oo dagaalo culus kula jirta Xarakada Al Shabaab ayaa waxay shaaca ka qaaday in ciidamo badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay isu soo dhiibeen.

 

Afhayeenka Ahlu Sunnah ee gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen “Al Qaadi” oo maanta laga maqlaayay warbaahinta magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu *****lka ka qaaday in ciidamo tiradoodu ay gaareyso 20 askari oo ka tirsan Al Shabaab ay isu soo dhibeen dhinacooda.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in labaatankaan askari oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay qeyb ka yihiin kuwii ka qeyb qaatay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Gedo, isla-markaana wuxuu sheegay inay iyagu ugu baaqeen inay isa soo dhiibaan, deetana ay isu soo dhiibeen, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

 

Wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay qaldeyso inta badan ubadka Soomaaliyeed, hase ahaatee wuxuu sheegay inaysan taasi marnaba ka yeelli doonin, isagoo intaasi ku daray inaysan u dul qaadan doonin in la-marin habaabiyo buu yiri dhalinta Somaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan ciidamo badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, kuwaa oo doonaaya buu yiri inay isu soo dhiibaan Ahlu Sunnah Wal Jameeca, kadib markii ay xaqiiqsadeen buu yiri in uu Shabaabku wado fidno.

 

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan, sheega-shada Ahlu Sunnah ee ah, in labaatan askari oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay isu soo dhibeen Ahlu Sunnah Wal Jameeca, inkastoo saacadaha soo socda ay dhici kareyso inay ka hadashao.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this