Liqaye Posted March 20, 2011 Dagaalo xoogan ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay ka qarxaan degmada Buuhoodle ee gobolka Sool, kadib markii ay halkaasi soo buuf dhaafsheen ciidamo xoogan oo iskugu jira Somaliland iyo SSC. Xiisad aad u xoogan ayaa waxay maanta ka taagan tahay deegaanka Kalshaale ee degmada Buuhoodle, iyadoo laga cabsi qabo in’ay halkaasi ka dhacaan dagaalo aad u xoogan, isla-markaana xiisadaan ayaa timid, kadib markii ciidamo taabacsan Somaliland oo ka yimid dhinaca Laascaanood ay soo gaareen deegaanka Kalshaale, oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamadda Jabhadda SSC. Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadda Jabhadda SSC ay isu qaylo dhaamiyeen, kadib markii ay ka war helleen in ciidamo xoogan oo Somaliland ah ay soo gaareen deeaanka Kalshaale, taasoo ka dambeysay in ciidamadda Jabhadda SSC ay iyana soo buux dhaafshaan. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in saacad kasta la-fillan karaayo dagaalo qaraar oo halkaasi ka dhaca, kaasoo u dhaxeeya Maamul Goboleedka Somaliland iyo Jabhadda SSC,lamana oga waxa ay kusoo idlaan doonto natiijada magaaladda. Dhinaca kale xiisadaan ayaa waxaa ka hadashay Maamul Goboleedka Puntland, isla-markaana waxay sheegtay in Somaliland ay dooneyso xasuuq kale, balse sida uu Puntland sheegay ay taasi ka hortagi doonaan dhawaan. Iskusoo wada-duuboo waxaa dhici kareysa haddii ay dagaaladani ka qarxaan deegaanka Kalshaale in’ay kusoo biiri doonto Puntland, bacdamaa ay wacad ku martay in’ay Somaliland ka caabin doonto shacabka reer SSC. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 20, 2011 Maaamul goboleedka SSC iyo Somaliland oo abaabul dagaal wadaan iyo Wasiir kadirsan Puntland oo Hanjabaad culus ujeediye Somaliland Wararka ka imanaya Degaanka kalshaale ayaa sheegaya in halkaas saakay laga daremayo, abaabul Dagaal oo ay wadaan Ciidamada SSC oo garab ka helaya kuwa Puntland iyo Ciidamada Somaliland ee halkaasi jooga. Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ayaa la shegay in saakay gudaha ay u galeen Magaalada laascaanood, waxaana isla goob aan ka fogayn hlkaasi soo gaaray Ciidamada SSC oo Dagaalo kula jira Maamulka Madaxweyne Siilaanyo ee Somaliland. Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa ku hanjabay in aysan u Dul qaadan doonin, waxay ugu yeertay Xasuuqa ay wadaan Kooxda Somali diidka, oo ay ula jeeday Somaliland. Sanadkii la soo dhaafay iyo sanadkan ayaa Dagaalo gestay qasaare ad u balaran, waxa uu ka dhacay halkaasi, waxayna shirar badan iyo Heshiisyo ay galeen Beelaha Habarjecel iyo *********** uu Noqday hal bacaad lagu lisay. Wasiirka Kaluumaysiga iyo Qeyraadka badda ee Maamulka Puntland Max’ed Faarax oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, ayaa ku Goodiyay in Maamulka Somaliland aysan ku fiirsan doonin, waxa uu ugu yeeray Xasuuqa ay wadaan Maamulka Siilaanyo. Cabdulaahi Cabdi Xaashi cabdulaahi_heeb@hotmail.com Madaxa wararka badweyn ee Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiil Cusub Posted March 20, 2011 Non Sence news Dadka garan waayay wuxu waa barkad waanad ka wada cabi kartaan iga daa warkooda "Wild wild east" Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted March 20, 2011 "Dadka garan waayay wuxu waa barkad waanad ka wada cabi kartaan iga daa warkooda " LoooooooooooooooooooL...ninki diida umadiisa inuu kamid aahado asna warkiis. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted March 20, 2011 Insha Allah dagaal wuu dhici. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 20, 2011 Taleexi;703673 wrote: Insha Allah dagaal wuu dhici. Typical nabadiid;) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted March 20, 2011 Nabad haddaad doonayso ha lagaa helo horta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 20, 2011 Taleexi;703673 wrote: Insha Allah dagaal wuu dhici. Hadda ka markhaati ahaada ,,,,,,,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Polanyi Posted March 20, 2011 Insha Allah dagaal wuu dhici. That statement sounds so wrong. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 20, 2011 Don't worry about the kid ,,,, None of his family is there and whateva happens he will be online from thousands of miles away ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted March 20, 2011 I've not shared my 20 yet. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted March 21, 2011 dulmi diidow dulmi doon ha noqon aya lugu maahmaaha..reer buhodle xaqooda way helayaan allah ha garab galo I will pray for them in every prayer!!! ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted March 21, 2011 The Kalshaale issue has been put to bed for a while. No wonder the nabadiids are screaming. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted March 21, 2011 What is wrong with Silaanyo, what is the benefit of this war? Why doesn't he remove his clan militia from Kalshaale. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted March 21, 2011 he has to remove his clan militia from kalshaale, laascanood, and all the SSC regions...laakin khasab ayuu raba in uu wax ku wado..khasabna ma shaqeeyo. magaaloyinkan niman baa iskaleh oo u dhashay oo gurigooda hadii loogu yimidina is difacaya..alle ha garab galo. Quote Share this post Link to post Share on other sites