Liqaye Posted March 20, 2011 18 Mar 18, 2011 - 3:05:36 PM Sh. Xasan Daahir Aweys oo ah hogaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay sheegay inay caruur dagaal-geliyaan isagoo sheegay in caruurta ay yihiin kuwo u taagan inay dalkooda ka difaacaan cadowga kusoo duulay. Hogaamiyahan oo sanadkii hore isaga iyo kooxdii uu hogaaminayay ee Xisbul Islaam ay ku biireen Al-shabaab ayaa hadalkan ka sheegay muxaadaro uu xalay ku qabtay Masjid ku yaala Ceelsha Biyaha oo ah halka ay ku sugan yihiin dadkii dagaalada uga barakacay Muqdisho. “Caruur yaryar ayaa ka mid ah dagaalyahanada ka horjeeda cadowga ee la safan Al-shabaab” ayuu yiri Sh. Aweys oo intaas ku daray: “Waa kuwo diyaar u ah inay dalkooda iyo diintooda ka difaacaan cadowga kusoo duulay, dhamaan dadkana sidaas oo kale ayaa laga doonayaa”. Sh. Aweys, wuxuu sheegay inaysan joojinayn dagaalada ay kula jiraan cadowga oo uu ku sheegay DF iyo AMISOM inta ay dalka oo dhan ka saarayaan, isagoo sheegay in dhamaan xubnaha dowladu ay yihiin kuwo la saftay cadowga. “Waxaa jirtay in cunug yar oo aan Qaan-gaarin uu la yaabay hugunka rasaasta iyo madaafiicda uuna yiri dagaalku waa dhib badan yahay jihaadkuna waa macaan yahay, markii dambena waa dhintay” ayuu yiri Sh. Aweys oo sharaxaad ka bixinayay hadaladii ay kala hareen caruurtii ay dagaalgeliyeen. Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ayaa dhowr jeer oo hore u eedeeyay Kooxda Al-shabaab inay dagaalgeliyaan caruurta aadka u da’da yar, inkastoo ay tahay markii ugu horeysay oo Mas’uul ka tirsan Kooxdan uu qirto inay dagaalada u istimcaalaan caruur aan qaangaarin. Sh. Xasan Daahir ayaa looga bartay inuu hadalo badan oo iskhilaafsan ka sheego goobaha uu ka hadlo, waxaana uu ka mid yahay hadda Culumo ay Al-shabaab ugu talogalay inay dadka ku dhiirigeliyaan ka qaybgalka dagaalada ka socda Muqdisho iyo Gobolada dalka Qaarkood. Kooxda Al-shabaab ayaa dagaalo ka dhacay Muqdisho iyo Gobolada Gedo looga qabsaday dhowr degmo iyo xarumo Muhiim ah bishii hore, iyadoo dagaaladii xiligaas bilowday ay weli ka socdaan Gobolada Banaadir iyo Gedo. GAROWEONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 20, 2011 Sh. Xasan Dahir markuu hadalkan sheegayey wuxuu uga dan lahaa inuu ku boorriyo dadka waaweyn, micnaha: 'ka kaca meesha ciyaal yar yar baa difaacyada ku jiree!!' ciyaalna waxay noqon karaan 14 jir, 15, jir, ilaa 20 waa iska ciyaal!. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 20, 2011 Janadda maxaa ka maqneysiiye xassan daahir,roobow,cali dheere iyo godane etc dagaalka maxey uu gali la'yihiin mise meesha janno ayaan yaalin jaxiimo mooye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 20, 2011 ^Waxa Shariif & Farmaajo ka maqneysiiyey aa iyagana ka maqneysiiyey! Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 20, 2011 ^^ Janno iney meesha oolin ayaa ii caddeeysa abaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 20, 2011 “Waxaa jirtay in cunug yar oo aan Qaan-gaarin uu la yaabay hugunka rasaasta iyo madaafiicda uuna yiri dagaalku waa dhib badan yahay jihaadkuna waa macaan yahay, markii dambena waa dhintay” Maaddeey that is a pathetic attempt to twist and pirouette around the issue, caruur 20 jiir halkee lagu arkey? We know that al-shabaab is actively press ganging under 14's into their military, and any family that can afford to in Somalia is paying good money, for their kids to be sent as far away from the reach of al-shabaab kidnappers as possible. Dahir Aweys is a clear speaker and it is obvious what he said as well as what he meant! wuxuu uga dan lahaa , iyo wuxuu ka jeede waa clear as day. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 20, 2011 ^^ Well said bro Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted March 20, 2011 Labataan jir ciyaal ah...loool This is unfortunate and immoral.These kids are traumatized as it's! Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 20, 2011 Dadku cilmi yaraa.. ciyaalka dagaalka ya u diiday, qorigu hadduu qaadi karo wuu dagaalami. Again, it all depends on what "Ciyaal" means. 14's and 15's are allowed to fight. Mise "18" is the new adulthood? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted March 20, 2011 Would you wanna send your 14 or 15 to war? Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 20, 2011 ^It depends on the circumstances. I was just pointing out that 14's and 15's are not necessarily "Ciyaal". Hadduu wiilku ku qaangaadho 13 waa nin thus he can fight. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted March 20, 2011 ^In the context of Somalia, would you send your 14 or 15 to the frontlines? Have you seen malnourished Somali kid holding a gun? Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 20, 2011 ^LOL. In that context, I would do what Dahir Aweys does best, send my 14 year old to school in a very peaceful country. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted March 20, 2011 ^So then, let's agree kids in Somalia shouldn't sent to the frontlines. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cawaale Posted March 20, 2011 Maaddeey;703613 wrote: Sh. Xasan Dahir markuu hadalkan sheegayey wuxuu uga dan lahaa inuu ku boorriyo dadka waaweyn, micnaha: 'ka kaca meesha ciyaal yar yar baa difaacyada ku jiree!!' ciyaalna waxay noqon karaan 14 jir, 15, jir, ilaa 20 waa iska ciyaal!. Nimanyahow dad lama beero ...mana baxo sidii geedo ma ogtihiin barbaarteena beec iyo xaraash ma aha Nimanyahow bulshada eega qubuurahana soo booqda(not soo faaga) inta wiil lixaad beelay bukaansocodka tira buuxda Xukun baadi lagu raadsho dhib looga bixi maayo Fatma Dahir Ilaahow dheg wax maqasha, qalbi ku adeeca iyo adin kuu dhaqaaqa. Ilaahow Aamin. Quote Share this post Link to post Share on other sites