Xaaji Xunjuf Posted March 20, 2011 Ciidamada Ethiopia oo ka Baxay Degmooyinka Beledxaawo iyo Luuq ee Gobolka Gedo. Wararka laga helaayo degmooyinka Beledxaawo iyo Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaaya in Ciidamo Ethiopian ah oo halkaasi ku sugnaa ay isaga baxeen. Wararka ayaa intaasi ku daraaya in Ciidamada Ethiopia ee degmooyinkaasi ku sugnaa ay u baxeen dhinaca degmada Doolow ee xigta dhanka Ethiopia, iyada oo aan war laga hayn sababaha ay uga baxeen degmooyinka ay baneeyeen. Ciidamadan Ethiopian-ka ah ayaa fariisimadii ay ku lahaayeen degmooyinka ay faarujiyeen waxay ku wareejiyeen Ciidamada Dawladda KMG ah iyo kuwa Ahlu Sunna ee ay dagaalka wada galeen. Qaar kamid ah masuuliyiinta Ciidamada Dawladda KMG ah ee gobolka kusugan uuna kamid yahay Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale, ayaa Ciidamada Ethiopian-ka ah sii raacay dhanka xadka sida ay wararku tibaaxeen. Dadka ku dhaqan degmooyinka Beledxaawo iyo Luuq ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Ciidamada Ethiopia ay deegaanadaasi faarujiyeen shalay galab ilaa saaka. Lama oga sababta ay Ciidamada Ethiopia uga baxeen qaybo kamid ah gobolka Gedo oo todobaadadii lasoo dhaafay ay dagaallo ka jireen. Masuuliyiinta Dawladda KMG ah ayaa horay u beenin jiray in Ciidamo Ethiopian ah ay kusugan yihiin gobolka Gedo, hase yeeshee arrintan ayaa maanta banaanka usoo baxday. Sikastaba ha ahaatee ka bixitaan Ciidamada Ethiopia ee degmooyinka gobolka Gedo ayaa kusoo beegantahy xilli maanta uu dagaal ka qarxay degmada Dhooblay ee dhacda gobolka Jubadda hoose oo deris la ah Gedo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 20, 2011 Qaar kamid ah masuuliyiinta Ciidamada Dawladda KMG ah ee gobolka kusugan uuna kamid yahay Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale, ayaa Ciidamada Ethiopian-ka ah sii raacay dhanka xadka sida ay wararku tibaaxeen. Xabashi jeceyl miyaa mise waa naf jacayl?. Quote Share this post Link to post Share on other sites