Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopian troops leave beledxaawo luuq gedo

Recommended Posts

Ciidamada Ethiopia oo ka Baxay Degmooyinka Beledxaawo iyo Luuq ee Gobolka Gedo.

 

 

Wararka laga helaayo degmooyinka Beledxaawo iyo Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaaya in Ciidamo Ethiopian ah oo halkaasi ku sugnaa ay isaga baxeen.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraaya in Ciidamada Ethiopia ee degmooyinkaasi ku sugnaa ay u baxeen dhinaca degmada Doolow ee xigta dhanka Ethiopia, iyada oo aan war laga hayn sababaha ay uga baxeen degmooyinka ay baneeyeen.

 

Ciidamadan Ethiopian-ka ah ayaa fariisimadii ay ku lahaayeen degmooyinka ay faarujiyeen waxay ku wareejiyeen Ciidamada Dawladda KMG ah iyo kuwa Ahlu Sunna ee ay dagaalka wada galeen.

 

Qaar kamid ah masuuliyiinta Ciidamada Dawladda KMG ah ee gobolka kusugan uuna kamid yahay Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale, ayaa Ciidamada Ethiopian-ka ah sii raacay dhanka xadka sida ay wararku tibaaxeen.

 

Dadka ku dhaqan degmooyinka Beledxaawo iyo Luuq ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Ciidamada Ethiopia ay deegaanadaasi faarujiyeen shalay galab ilaa saaka.

 

Lama oga sababta ay Ciidamada Ethiopia uga baxeen qaybo kamid ah gobolka Gedo oo todobaadadii lasoo dhaafay ay dagaallo ka jireen.

 

Masuuliyiinta Dawladda KMG ah ayaa horay u beenin jiray in Ciidamo Ethiopian ah ay kusugan yihiin gobolka Gedo, hase yeeshee arrintan ayaa maanta banaanka usoo baxday.

 

Sikastaba ha ahaatee ka bixitaan Ciidamada Ethiopia ee degmooyinka gobolka Gedo ayaa kusoo beegantahy xilli maanta uu dagaal ka qarxay degmada Dhooblay ee dhacda gobolka Jubadda hoose oo deris la ah Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Qaar kamid ah masuuliyiinta Ciidamada Dawladda KMG ah ee gobolka kusugan uuna kamid yahay Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale, ayaa Ciidamada Ethiopian-ka ah sii raacay dhanka xadka sida ay wararku tibaaxeen.

Xabashi jeceyl miyaa mise waa naf jacayl?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this