Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabaab takes over dhooblay

Recommended Posts

Shabaab oo si buuxda ula wareegay degmada Dhoobley

 

 

Dhoobley: (Sh. M. Network) Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa la sheegay inay u hareen gacan ku haynta degmada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose kadib markii dagaal saacado uu halkaasi ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda Federalka iyo Shabaab.

 

 

 

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose, Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degmadaasi kadib markii dagaal xoogan oo qasaaro gaystay uu ku dhexmaray ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab.

 

 

 

Inta la’ogyahay dagaalka ayaa waxaa ku geeriyootay 10-qof oo u badan dhinacyadii dagaalamayay halka 5-qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo haleeshay madaafiicda iyo rasaastii ay is weedaarsanayeen dhinacyadaasi.

 

 

 

Ilo wareedyo ku sugan degmada Dhoobley ee gobolka Jubadaha hoose ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in degmadasi ay gacanta ku hayaan Xarakada Shabaab, iygoo sidoo kale tilmaamay in iminka xaaladda degmadasi ay tahay mid degan.

 

 

 

Degmada Dhoobley ayaa mudo kooban waxaa gacanta ku hayay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamada Shabaab hase ahaatee Xarakada Al Shabaab ayaa dagaal rogaal celis ah oo ay qaadeen waxaa u suura gashay inay gacanta ku dhigaan degmada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose.

 

 

 

Qoysas halkaasi daganaa ayaa la xaqiijiyay inay ka barakaceen kadib markii ay u dulqaadan waayeen rasaasta iyo dhawaqa madaafiicda ay isku adeegsanayaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.

 

 

 

Majiro waxa war ah oo kasoo baxay Ciidamada dowladda KMG oo ku aadan dagaaladasi hase haatee degmada Dhoobley ee gobolka Jubadaha hoose ayaa waxaa ay noqotay mid marba marka kale gacanta u gasha dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

This report lacks logic, if as we know al-shabaab was in control of dhoobley from the start how can it be taken "over" by them again?

Truth is they are being pushed out as we post :D to the tune of new kids on the block " step by step oo baby"!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Liqaye;703590 wrote:
This report lacks logic, if as we know al-shabaab was in control of dhoobley from the start how can it be taken "over" by them again?

Truth is they are being pushed out as we post
:D
to the tune of new kids on the block " step by step oo baby"!!

:D :D very true! The poster is just terrible SOL shabaab spokesperson posting some news that doesn't make sense.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Degmada Dhoobley ayaa mudo kooban waxaa gacanta ku hayay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamada Shabaab hase ahaatee Xarakada Al Shabaab ayaa dagaal rogaal celis ah oo ay qaadeen waxaa u suura gashay inay gacanta ku dhigaan degmada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Liqaye;703590 wrote:
This report lacks logic, if as we know al-shabaab was in control of dhoobley from the start how can it be taken "over" by them again?

Truth is they are being pushed out as we post
:D
to the tune of new kids on the block " step by step oo baby"!!

Haha :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Liqaye;703596 wrote:
Lool haha brother xaaji this support of yours is really taking you into uncharted waters .....

Dude i am just posting the news sidad rabtiid u qaado warkaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Ciidamada Dowladda oo dib loogu soo celiyay xuduuda Kenya iyo Xaalada Dhoobley oo degan

 

Kadib dagaal muddo afar saacadood xiriir socotay iyo duqeymo xalay saqdii dhexe ilaa waabarigii saaka soo socotay ayaa Ciidamada Dowladda KMG oo ah kuwii lagu soo tababaray gudaha dalka Kenya ayaa waxaa car cartoodii maanta ay ku banjartay afaafka hore ee Dhoobley, kadib kolkii dib looga soo saaray weerarka dhinaca dhulka ahaa.

 

Sida ay sheegayaan wararka lagu kalsoonaan karo Xarakada Alshabaab ayaa si buuxda gacanta ugu haya degmada Dhoobley oo dagaal rogaal celis ah oo 9-kii subaxnimo ay si buuxda gacanta ugu wada dhigeen.

 

Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in dib loogu soo celiyay dhinaca xuduuda Kenya, iyo deegaanada waqooyi bari oo markii hore ay ka duulaan-qaadeen, iyadoo madaafiicda BM-ka ay ka ridayeen xalay saqdii dhexe halka lagu magacaabo Xaar Xaarka ee xuduuda Kenya iyo Soomaaliya kala barta.

 

Afhayeen u hadlay Xarakada Alshabaab ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda KMG ay u carareen dhanka xuduud beenaadka, isla markaana ay degmada si buuxda ay gacanta ugu wada hayaan sida uu yiri.

 

Dagaalka saaka waxaa qeyb ka ahaa oo kaliya Ciidamada Dowladda oo lagu soo tababaray gudaha Kenya, iyadoo dagaalka aanay marna gelin Ciidamada uu wato Axmed Madoobe oo la sheegay in deegaanka Diif ay baaqi ku ahaayeen.

 

Warar qaar ayaa sheegaya inuu muuqdo kala aragti duwanaan u dhaxeysa labada dhinac waa Dowladda KMG iyo Kooxda Raaskambooni oo qoloba ay xusul duub ugu jirto in duulaanka ay ku keli noqoto, si magaalada ama deegaanada la qabto ay ka arrimiyaan.

 

Degmada Dhoobley waxay muhiim u tahay gacan ku heynteeda isku xirka deegaano badan oo Jubada Hoose ka mid ah, gaar ahaan Afmadow oo ah magaalada labaad ee ugu weyn iyo Magaalada kheyraadka leh ee Kismaayo oo ah halka dhinacyada u wada hanqal-taagayaan gacan ku heynteeda.

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Ciidamada Dowladda oo la wareegay Degmada Dhoobleey

 

Ciidamada dowladda ayaa saakay la wareegay gacan ku heynta dagmada Dhoobleey ee gobalka Jubbada Hoose kaddib dagaallo culus oo saakay ka dhacay dagmada Dhoobleey.

 

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa la xaqiijiyay in saakay ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose kaddib dagaal culus oo degmadaasi ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyaadka Khaweerijta Shabaab.

 

Maleeshiyaadka ayaa degmadaasi uga baxay dhanka bari iyadoo ciidamada Dowladdu ay ku sii raad joogaan firxadkooda, waxaana halkaasi saaka laga maqlayay rasaas goos goos ah sida Radio Muqdisho ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanku.

 

Qasaare xooggan ayaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ka soo gaaray dagaalkaasi, waxaana la filayaa in dhawaan Saraakiisha ciidamada Dowladdu soo bandhigaan Khasaaraha ay u geeysteen Khawaarijta Shabaab.

 

Ciidamada Dowlada ayaa in muddo ah diyaar garoow ugu jiray sidii ay ula wareegi lahaayeen deegaannada ay gacanta ku hayaan Maleeshiyaadka Khawaarijta Shabaab, iyagoo hore ula wareegay deegaanno badan oo ka mid ah Gobolka Gedo

Share this post


Link to post
Share on other sites
caydarus   

The Zack;703593 wrote:
:D
:D very true! The poster is just terrible SOL shabaab spokesperson posting some news that doesn't make sense.

:confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this