Som@li Posted March 20, 2011 Bosaso: Soomaali ka soo Qaxday Yemen Qaxootigan Soomaalida ee ka soo laabtay Yemen waxay horey dalkaasi ku galeen tahriib, iyagoo ka qaxaya colaadda Soomaaliya. Faadumo Yasin | Bossaso Sabti, 19 March 2011 Ku dhowaad 200 oo qaxooti Soomaali ah oo ka soo laabtay dalka Yemen ayaa dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dadkan qaxootiga ayaa ka soo degay dekedda magaalada Boosaaso, waxaanay u badan yihiin haween, caruur iyo dhalinyaro, kuwasoo horey tahriib ugu tegay dalka Yemen. Qaar ka mid ah qaxootigaasi dib ugu soo laabtay Boosaaso waxay VOA u sheegeen inay kasoo qaxeen rabshadaha ka jira dalka Yemen. Agaasimaha Guud ee xarunta gargaarka dadka socotada ee magaalada Boosaaso Maxamuud Jaamac Muuse, wuxuu sheegay in tan iyo intii ay rabshadaha ka bilowdeen dalka Yemen ay magaalada Boosaaso soo gaarayeen dad ka soo qaxayay rabshadaha dalka Yemen. http://www.voanews.com/somali/news/Bosaso-Soomaali-ka-soo-Qaxday-Yemen-118292929.html Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted March 20, 2011 That is good news Maasha Allah...ilaahay ha u sakhiro Insha Allah. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted March 20, 2011 Indeed, Habayd waxaad kuleedahay Dhulkaaga hooyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Valenteenah. Posted March 20, 2011 Allah ha nabadgeliyo inta Yemena ku hadhay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ismahaan Posted March 20, 2011 soomaali dhan dalkooda ha u soo laabtaan oo isagaa lama huraankii ahe ha hagaagsadaan intaay nin dal uu leeyahay oo hagaagsadey ku sii yaacayaan. Waa bilaahi taawfiiq. Quote Share this post Link to post Share on other sites