Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland parliamentary delegation house of elders and house of representatives visits Botswana

Recommended Posts

Wafti Ka Socda Labada Gole Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Barito U Socdaali Doona Dalka Botswana

Hargeysa, March 18, 2011 (Haatuf)-Wafti ka socda golayaasha Baarlamaanka Guurida iyo Wakiilada Somaliland oo uu hogaaminayo gudoomiyeku xigeenka labad ee golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali ayaa barito socdaal aqoon korodhsiya ugu kicitimi doona dalka Botswana oo ka mid ah dalalka koonfurta Africa, kuwaas oo muddo tababar dalkaa ku qaadan doona daraasado la xidhiidha habka uu u shaqeeyo baarlaamka dalkaasi Bstswana.

Waftigan oo ka kooban toban xubnood, oo sideed ka mid ahi ay golaha Guurtida ka mid yihiin laba xubnood oo kalena ay ka mid yihiin golaha wakiilada, ayaa waxa wargeyska Haatuf u xaqiijiyey socdaalkaasi gudoomiyaha guddiga joogtada Guurtida Muxumed Aw Axmed X Aadan, oo sheegay in barito ay u kicitimi doonaan dalka Botswana, ay halkaana ku qaadan doonaan daraasado ku saabsan habka uu u shaqeeyo Baarlamaanka dalkaasi.

Xubnaha golaha guurtida waxa ka mid ah Guddoomiyaha Guddida Joogtada Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan, Xildhibaan Cumar Nuur Walaaye, C/raxmaan Qawdhan, Aadan Shire Faarax (Sanweyne), Daahir Cali Jaamac, Xoghayaha Guud C/laahi Ibraahim Habane (C/laahi Dheere).

Share this post

Link to post
Share on other sites

Wefti Ka Socda Baarlamaanka Somaliland Oo Kulamo La Yeeshay Dhigooda Dalka Botuswana Iyo Nuxurka Wada Hadalka Dhexmay

Hargeysa(HWN):-Wefti ka kooban 12-xubnood oo ka socda Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay dhigooda dalka Botuswana qaarada Africa.kadib markii ay Shalay halkaasi gaadheen.

Weftigan oo ka kooban 8-Mudane ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland labada xoghaye ee labada aqal (Guurtida iyo Wakiillada), laba xubnood oo kale, ayaa waxa hogaaminaya guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali, waxaanay xuseen in si diiran loogu soo dhaweeyey dalkaasi ay tageen.

Waxa na soo dhaweeyey Guddoomiye kuxigeenka aqalka Wakiillada dalka Botuswana oo si fiican noo qaabilay,waanan ku faraxsanay sida diiran ee dalkaasi la noogu soo dhaweeyey, waxaanu saaka la kulanay Afhayeenka baarlamaanka, waxa uu noo sameeyey qado-sharaf, kadibna kulan ayaanu la yeelanay,kaas oo uu noogu waramay taariikhda dalka Botuswana, iyo sida ay dawlad ahaan u shaqeeyaan,waxaanu na gudoonsiiyey hadyado aanu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo] u keeni doonoayuu yidhi Cabdilaahi Ibraahim Habane.

Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) oo ku sugan dalkaasi Botuswana o khadka telefoonka caawa kula soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ayaa sheegay inay u jeedada safarkoodu tahay sidii ay aqoon isku waydaarsan lahaayeen Barlamaanada dalalka Botuswana iyo Somaliland, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi U jeedada Safarkayagu waxa weeyaan sidii aanu Africa u bari lahayn dhaqanka iyo Dawladnimadu sida ay u wada shaqeeyaan, iyagana inanu ka faaiideysano sida ay baarlamaanada u shaqeeyaan oo aan aqoon ka soo korodhsano, iyo weliba sida la isku waafajiyo dhaqanka iyo dimuqraadiyada.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo kamid ah Weftigaasi ayaa waxa uu sheegay inuu Weftigooda hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, isla markaana Weftigoodu ka kooban yahay 12-qof oo 8-Ka Mid Ah ay yihiin Mudanaayasha Golaha Guurtida, laba xubnoodna Waa labada Xoghaye ee labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada iyo laba xubnood oo kale.

Waxa uu safarkayagu qaadan doona muddo todoba Cisho ah,waxaanan rajeynayna inaanu la kulano sadexda Gole ee dalkaasi Botuswana ka kooban yihiin, isla markaana waxaanu rajeynayna inaanu ila kulano Ilaa madaxweynaha dalkaasi Botuswanaayuu yidhi Cabdiqaadir Maxamed Xasan [indho-indho]

Weftigan oo noqonaya Weftigii ugu horeeyey ee noociisa ah oo safar shaqo ku tagay dalkaasi Bostuswana oo ku yaala qaarad ahaan Koonfur Africa

Share this post

Link to post
Share on other sites

Wefti Ka Socda Baarlamaanka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Botswana

March 22nd, 2011

Botswana (Somaliland.Org)- Wefti uu ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada) oo uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, oo Socdaal ku maraya dalka Botswana ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Xeer beegtida ee Baarlamaanka dalkaasi NLTO oo la yidhaahdo Ya Dikgosi.

Weftigan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Botswana waxay ka wada hadleen sidii ay labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Bostwana ay iskaashi iyo wada shaqayn u yeelan lahaayeen iskuna dhaafsan lahaayeen wixii macluumaad ah ee la xidhiidha shaqada Goleyaasha Baarlamaanka. Waxaanay labada dhinac isku afgarteen inay sii xoojiyaan xidhiidkooda.

Waxa kale oo weftigani la kulmi doonaan mudada ay socdaalka ku joogaan dalkaasi sadexda Guddi hoosaad ee baarlamaanka Bostwana.

Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladdu waxa kale oo ay kulmeen xisbiyada siyaasada ee dalka Botswana oo ay uga warameen Marxaladihii ay Somaliland soo martay, Nabadeyntii, dhismihii Ha’yada dawliga ah iyo afartii doorasho ee ka dhacay dalka.

Weftigaasi waxa uu ka kooban yahay toban xubnood oo ka kala socday Goleyaasha Baaralmaanka ee Wakiilada iyo Guurtida.waxaanay dalkaasi joogi doonaan illaa 26-ka Bishan March.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Wafti Ka Socda Golayaasha Baarlamaanka Somaliland Oo Dalka Botswana Kula Kulmay Shir-gudoonka Baarlamaanka Iyo Xisbiyada Dalkaas.

Gabarone (Ramaas) Mar.22, 2011 - Wafti ka kooban toban xubnood ka tirsan labada gole ee guurtida iyo wakiilada Somaliland oo uu hogaaminayo guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Md Baashe Maxamed Cade, ayaa maanta Magaalada Gabarone ee xarunta dalka Botswana kula kulmay guddoomiyaha baarlamaanka iyo axsaabta siyaasada ee dalkaas.

Waxa ay labada dhinac ka wada hadleen sidii loo abuuri lahaa xidhiidh iskaashi oo dhexmara labada baarlamaan, isla markaana loo suuragalin lahaa in ciqaadkaasi uu noqdo mid meel mar ah oo dhabaha u xaadhi kara xidhiidh wanaagsan oo ay yeeshaan labada wadan.

Waxa kale oo waftigu Magaalada Gabarone ay kula kulmeen gole xeer-beegtida ee wadaankaas oo la yidhaahdo NTLO Yadigoti oo ah gole dhaqan oo jaangooya arrimaha dhaqanka iyo diinta ee dalkaas.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee wafti ka socda Jamhuuriyada Somaliland uu ku tago dalka Botswana oo ku yaala dhanka Koonfureed ee Qaarada Afrika.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Wefti Ka Socda Baarlamaanka Somaliland Oo Kulamo La Yeeshay Dhigooda Dalka Botuswana Iyo Nuxurka Wada Hadalka Dhexmay

Hargeysa(HWN):-Wefti ka kooban 12-xubnood oo ka socda Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay dhigooda dalka Botuswana qaarada Africa.kadib markii ay Shalay halkaasi gaadheen.

Hargeysa(HWN):-Wefti ka kooban 12-xubnood oo ka socda Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay dhigooda dalka Botuswana qaarada Africa.kadib markii ay Shalay halkaasi gaadheen.

Weftigan oo ka kooban 8-Mudane ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland labada xoghaye ee labada aqal (Guurtida iyo Wakiillada), laba xubnood oo kale, ayaa waxa hogaaminaya guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali, waxaanay xuseen in si diiran loogu soo dhaweeyey dalkaasi ay tageen.

Waxa na soo dhaweeyey Guddoomiye kuxigeenka aqalka Wakiillada dalka Botuswana oo si fiican noo qaabilay,waanan ku faraxsanay sida diiran ee dalkaasi la noogu soo dhaweeyey, waxaanu saaka la kulanay Afhayeenka baarlamaanka, waxa uu noo sameeyey qado-sharaf, kadibna kulan ayaanu la yeelanay,kaas oo uu noogu waramay taariikhda dalka Botuswana, iyo sida ay dawlad ahaan u shaqeeyaan,waxaanu na gudoonsiiyey hadyado aanu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo] u keeni doonoayuu yidhi Cabdilaahi Ibraahim Habane.

Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) oo ku sugan dalkaasi Botuswana o khadka telefoonka caawa kula soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ayaa sheegay inay u jeedada safarkoodu tahay sidii ay aqoon isku waydaarsan lahaayeen Barlamaanada dalalka Botuswana iyo Somaliland, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi U jeedada Safarkayagu waxa weeyaan sidii aanu Africa u bari lahayn dhaqanka iyo Dawladnimadu sida ay u wada shaqeeyaan, iyagana inanu ka faaiideysano sida ay baarlamaanada u shaqeeyaan oo aan aqoon ka soo korodhsano, iyo weliba sida la isku waafajiyo dhaqanka iyo dimuqraadiyada.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo kamid ah Weftigaasi ayaa waxa uu sheegay inuu Weftigooda hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, isla markaana Weftigoodu ka kooban yahay 12-qof oo 8-Ka Mid Ah ay yihiin Mudanaayasha Golaha Guurtida, laba xubnoodna Waa labada Xoghaye ee labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada iyo laba xubnood oo kale.

Waxa uu safarkayagu qaadan doona muddo todoba Cisho ah,waxaanan rajeynayna inaanu la kulano sadexda Gole ee dalkaasi Botuswana ka kooban yihiin, isla markaana waxaanu rajeynayna inaanu ila kulano Ilaa madaxweynaha dalkaasi Botuswanaayuu yidhi Cabdiqaadir Maxamed Xasan [indho-indho]

Weftigan oo noqonaya Weftigii ugu horeeyey ee noociisa ah oo safar shaqo ku tagay dalkaasi Bostuswana oo ku yaala qaarad ahaan Koonfur Africa

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this