Ismahaan Posted March 19, 2011 Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa nooca ramuudka laga hago dadkii gaystayna aysan wali gacanta kusoo dhigin. “Qaraxu waxaa uu ahaa Nooca ramuudka laga hago anaga wax khasaaro ah nagama so gaarin “ ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan. Dhinaca kale Xeer Ilaaliyaha ayaa waxaa uu sheegay in dhawaanahan uu ku sugnaa magaaalada gaalkacyo ayna ka wadeen howlo shaqo “magaalada Waan joognay Howlo shaqo ayaan ka wadnay oo ay kamid tahay Xaaladaha Xabsiyada Gobolka Mudug iyo arimaha Garsoorka”. Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa intaas raaciyay in Howlahii shaqo ee gobolka ay u yimaadeen aysan waxba u dhimayn qaraxa lala eegtay”Qaraxan waxaa dhigay Kooxihii Fidna wadayaasha ahaa shaqadayadii waxba u dhimi mayso waan wadanaynaa inta howlahayagu noo dhamaanayaan”Ayuu yiri ugu danbayn Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland oo Warbaahinta Gaalkacyo kula hadlay kadib markii maanta la qarxiyey. Source: allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted March 19, 2011 Shaqada iska wado dheh,,,, naftu waa amaano'e... Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 19, 2011 Waa rageedi xeer ilaaliyaha Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted March 19, 2011 Aduunka dhan baa khatar noqday ,,,... meel ami ah ayaa iska yar.. Ob, how is the election in Moqadisho going? Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 19, 2011 Bashiirow ma kasaayi barlamaanka isku dheganaa la yiri Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted March 19, 2011 Howsha aad ka waddo Gaalkacyo ha socoto Mr. Xeer Ilaaliye. Maalintii waqtigaagu galay ayaad dhimanaysaaye, ha u bixin falalka daciifka ah ee argagixisadu carruurta iyo haweenka ku maaweeliso. Quote Share this post Link to post Share on other sites