Sign in to follow this  
Muhammad

Is Xisaabi Inta Aan lagu Xisaabin

Recommended Posts

Muhammad   

IS XISAABI INTA AAN LAGU XISAABIN

 

Shanta Salaadood si fiican ma u tukataa?

Ma soontaa bisha barakaysanee ramadaan?

Ma la baxdaa sadaqo, sekadase ma bixisaa?

Ma xajiday haddaad xoolo leedahay?

Farriinta Alle ma akhrisatay - Al Quraan?

Mase fahamtay faham saxiixa?

Ma raacday rasuulkeenii calayhi salaam?

Bidcada ma iska ilaalisaa maalin kasta?

Alle xagiisa dadka ma ugu yeertaa?

Ma ku dadaashaa saburtaana kheyrka?

Ma ka saburtaa carartaana sharka?

Ma fartaa dadka samaynta waxyaabaha san?

Ma ka reebtaa dadka falalka foosha xun?

Ma badisaa xasuusta maalinta aakhiro?

Ma u diyaar garoowday la kulanka Alle?

Ma damcaysaa janatu Alfirdawsa al'aclaa?

Ma ka baqaysaa gelista naarta jaxiima?

Ma ku dadaashaa digriga iyo xuska Alle?

Ma ku salidaa nebiga calayhi salaam?

Quudkaaga xaaraanta maka ilaalisaa?

Hugaagu dhar islaam ma yahay?

Deriskaaga xuquuqdooda ma ilaalisaa?

Masaakiinta ma siisaa, quudisaana cunto?

Ma ka fekertaa nolosha ehel & ubadba?

Ma ka mid tahay xisbiga Alle?

Ma iska ilaalisaa xisbiga shaydaanka?

Ma ka war haysaa Muslimiinta xaalkooda?

Ma u ducaysaa walaalahaaga kaa maqan?

Ma ku bixisaa dhaqaalahaaga dacwada?

Ma ka toobad keentaa dunuubtaada?

Ma ka ilaalisaa carrabkaaga hilibka dadka?

Shaqadaada ama kasabkaagu xalaal mayahay?

Aduunyadaada ma u qaadatay aakhiradaada?

Caafimaadkaagana ma u qaadatay jiradaada?

 

Qore: Miskiin, Alle u baahan

Qofkii akhriya siina fidiya waxaan ugu ducayn Janada Alle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaal Conquest

 

Jazaakallahu/ Jazaakellahu Khairan

 

Rasuulka Allah SAWS wuxuu yidhi

 

" Qofka caqliga badan waa qofka is eedeeya oona u shaqeysta geerida waxa ka dambeeya, qofka caajiska ahna waa ka naftiisa ay raacdo hawadeeda dabadeedna Allah ka fisha waxaan suurogal aheyn

 

 

Sharkadaha maanta wexey dajistaan Plan ay ku socdaan, Plankaas waxaa ugu horreya iney sameystaan Dan ( Goal) ay rabaan iney gaadhaan, taasoo ah mid la xisaabin karo sida iney dantooda tahay iney snadkaan iibiyiyaan shan kun oo geel ah, dabadeed, wexey sharkadda sameysataa tab ( strategy) ay ku gaadho dantooda taasoo ah mataal ahaan iney furtaan xerooyin ay geela ku soo aruuriyaan oy ku dhaqaaleyaan, shaqaale geel jir ah, gawaadhi lagu qaado, iwm.

 

Marka ay tabtooda ( strategY) ay habeeyaan wexey sameystaan howl fulin ( action plan) kaasoo tabtii si falanqeynaya, mataal ahaan iney qoraan Senior Geel Jire ( expert) mushaarkiisa yahay labo halaad sanadkii iyo (all he can drink) oo caano geel ah.

 

Dabadeed sharkadda wexy xisaabta meesha wax u marayaan bil walba si ay u qiyaasto hadba inta uga dhiman iney gaadhaan dantooda( Goals) ay dajisteen

 

Marka sidaas oo kale NOMADS ka Somaliaonline wexey u baahan yahiin iney ogadaan in Golkooda uu yahay Jannada, sidii lagu gaadhi lahaana waa camal saalix ah, kaasoo u baahan sidaad qortan in la xisaabaiyo meesha wax la marinayo si haddii la gaabiyey , tallabada la dadajiyo, gaar ahaan annogoo soo food saarnay bisha Ramadaan ee barakeysan oo camal fiican la kasban karo.

 

Intaas waa dareenkeyga maanta

 

Walaalkiin

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

Asalaamu Alaykum!

 

IS XISAABI INTA AAN LAGU XISAABIN!

 

I'll add this to the Afsomali Week!

 

Ka Faa'iidaysta!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this