Saalax Posted March 18, 2011 Xaaji Xunjuf;703213 wrote: Thursday, March 17 2011 DHAHAR---- Masuuliyiin Soomaaliland ah oo maanta qeybiyey raashin ay ugu deeqdey Laanqeyrta-Cas . Print E-mail 12 comments Dhahar (SPR): Maamulka Soomaaliland xarunta dowlada hoose ay ku leeyihiin degmada Dhahar ayaa waxaa maanta lagu qeybiyey raashin badan oo ay uga yimaaday xarunta Laanqeyrta Cas “imaratka” oo xafiiskoodu yahay magaalada Hargeysa ee maamulka Soomaaliland. Raashinkan ayaa waxaa lagu qaadayay baabuur waaweyn iyadoo loo qeybiyey magaalooyin iyo tuulooyin badaan. Raashinkan ayaa waxaa qeybinayay Taliyaha Saldhiga Sedexaad ee Somaliland Col. Muuse Jaamac Dalaf iyo duqa magaalada Dhahar Cali Kilwe. Raashin qeybinta ayaa waxaa loo sameeyey magaalooyin ka kooban 16 oo ay kamidyihiin Dhahar, Xingalool, Buraan, Baraakta Qol, Balibusle, Booda, Ceelaayo, Carmo, Af-urur, Ceel-Daahir, Shaxda, iyo kuwa kale. Col. Muuse Jaamac ayaa sheegey in raashinkan loogu deeqey maamulka Soomaaliland oo ay ugu deeqday Laanqeyrta Cas, waxaana loo qeybiyey deegaanada Somaliland oo dhan. Col. Muuse Jaamac xusey in ay uga mahad celinayaan maamulka Somaliland iyo Laanqeyrta Cas oo suura galisey. Sidoo kale waxaa goobtaasi ka Hadley Cali Kilwe oo sheegey sidoo kale in ay waqti lagu jiro ay dadku abaaro saameeyeen ay isla markaana uga mahadcelinayaan. Cali Kilwe ayaa sheegey in deegaankan uu yahay mid aad u balaadhan dadkuna ay aad ugu badanyihiin, isla markaana ay ka codsanayaan maamulka Somaliland in ay kasoo badiyaan, waxna ka qabtaan abaaraha dalka saameeyey. Excellent. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 18, 2011 Good news .............. Quote Share this post Link to post Share on other sites