Xaaji Xunjuf Posted March 17, 2011 Dhahar(Puntlandi.com);- Maleeshiyaad hubaysan ayaa rasaas ku furay gaariga wasiirka xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire oo ku safrayay deegaano kamida Gobolka Sanaag. Inkastoo wasiirka uusan wehlin hadana waxaa saarnaa ilaaladiisa iyo qaarkamida shaqaalaha wasaarada manajirin cid wax ku noqotay rasaastaasi. Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa baxsaday waxaana baacsaday oo qaarkood gacanta ku soo dhigay ciidamo uu watay wasiir ku xigeenka amniga Puntland oo ka agdhawaa halka uu weerarka ka dhacay. Lama shaacin ilaa iyo hada cida sida rasmigaa uga danbaysay weerarkaasi iyo waxa uu salka ku hayo hayeeshee waxaa gacanta lagu hayaa qaybkamida maleeshiyaadkii rasaasta furay. Quote Share this post Link to post Share on other sites