Somalina Posted March 17, 2011 Khamiis, 17 Maarso, 2011 (HOL) – Jaamacadda Muqdisho ayaa ku guuleysatay inay kasoo samata-bixiso qaar ka mid ah macallimiin ay waxbarasho sare ugu dirtay dalka Liibiya, kuwaasoo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho. Macallimiintan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay maamulka Jaamacadda Muqdisho oo ay ka mid yihiin: guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Dr. Cali Xasan Maxamed, Diiwaan-hayaha jaamacadda Dr. Maxamed Xuseen Ciise iyo madaxa imtixaanaadka jaamacadda Dr. Maxamed Xasan Nuur. "Waxaan aad ugu faraxsannahay inay maanta nabad kusoo laabteen macallimiintii ay jaamacadda Muqdisho horay ugu dirtay dalka Liibiya si ay u dhameystirtaan waxbarashada sare," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Muqdisho. "Ahmiyadda ay jaamacadda Muqdisho siisay macallinka ayaa ah mid aad noo farxad gelinaysa, iyadoo aan loo kala harin," ayuu hadalkiisa daba-dhigay Dr. Cali Xasan, isagoo uga mahadceliyay guddoomiyaha iyo maamulka qaybta ay ka qaateen samatabixinta macallimiinta. Macallimiintan kasoo laabtay dalka Liibiya ayaa waxaa u socday takhasusyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Master Degree iyo PhD, waxaana loo diyaarinayay inay kaalin mug leh ka qaataan baahida macallinnimo ee jaamacadda Muqdisho. "Waxaan aad ugu faraxsannahay inay jaamacadda Muqdisho naga soo samata-bixiso dalka Liibiya iyadoo noosoo dirtay waxyaabihii noo fududeynayay inaan uga soo baxno halkaas," ayuu yiri Liibaan Maaxi Macallin oo ka mid ahaa macallimiinta dib ugu soo laabtay Muqdisho. Sidoo kale, waxaa xaflad loo sameeyay soo dhaweynta macallimiintan ka hadlay Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyoow) oo ka mid ah mas'uuliyiinta jaamacadda Muqdisho, isagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay si nabad ah dib ugu soo laabtaan macallimiintan waxbarashada u aaday Liibiya. "Tani khibrad ayay idiin noqonaysaa, waayo waxaad horay u soo aragteen dagaallo iyo rabshado maadaama aad ku noolaydeen dalkiina oo ay dagaallo ka jireen muddo dheer," ayuu yiri Dr. Baadiyoow oo la hadlay macallimiintii soo laabtay, isagoo kula dardaarmay inay halkoodii kasii wadaan waxbarashadii ay awalba u hayeen dadka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, maamulka, macallimiinta, ardayda iyo saxiibbada Jaamacadda Muqdisho waxay u mahadcelinayaan bulshada Liibiya garab istaagga bulshada Soomaaliyeed oo ay kala dhexeyso: Walaalnimo, Carabnimo, Islaamnimo iyo Afrikaannimo, waxayna u rajeynayaan inuu Alle ka samatabixiyo dhibaatada ka jirta waddankooda. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 28, 2011 Good news, thanks for the update sis. Also keep up the good work in SOL. I am a huge fan of Somalina of Sol. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted April 28, 2011 looool@GD... Thank you for your support. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 28, 2011 ^^^Anytime.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Valenteenah. Posted April 28, 2011 Glad they returned safely. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted May 28, 2011 Ardayda Jaamacadda Muqdisho oo maanta u fariistay imtixaankii Finalka ee Semestarka labaad ee 2010/2011 Sabti, May 28, 2011 (HOL) – Jaamacadda Muqdisho ayaa waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28/05/2011 u fariisteen imtixaankii finalka simisterka labaad ee sanad wax-barashadeedka 2010/2011. Imtixaankan ayaa ka dhacaya dhammaan xaruumaha jaamacadda ee ay ku kala leedahay magaalada Muqdisho iyo degmada Boosaaso, waxaa imtixaanka maanta u fariistay kumaanka ardayda ah ee wax-ka-barata kulliyadaha iyo qaybaha kala geddisan ee jaamacadda. Madaxa qaybta imtixaanaadka jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xasan Nuur ayaa ugu hambalyeeyay ardayda jaamacadda Muqdisho munaasabadan dhamaadka sanad jaamacadeedka 2010/2011, wuxuuna ku amaanay ardayda dadaalka ballaaran ee ay muujiyeen wuxuuna u rajeeyay guul iyo horumar. Jaamacadda Muqdisho waa jaamacad leh aqoonsi caalami ah xiriirna la leh jaamacaddaha ka jira Qaaradda Afrika, xubina ka ah ururada jaamacadeed ee caalamka ka jira. Imtixaankan ayaa ku bilowday jawi wanaagsan, iyadoo maamulka iyo macallimiinta jaamacadda Muqdisho ay Alle ka baryeen inuu sida wanaagsan ee uu ku billowday uu ugu dhammaado. -------- Good luck with your exams brothers and sisters! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted July 10, 2011 Jaamacadda Muqdisho oo qaadanaysa arday cusub 2011/2012 Axad, July 10, 2011 (HOL) – Jaamacadda Muqdisho oo looga bartay waxbarasho tayeysan, kuna qaabeysan halbeegga casriga ah ee tacliinta sare, lehna aqoonsi caalami ah, kana mid noqotay 40-ka Jaamacadood ee ugu horaysa Afrika, oo ay ka qalin jabisay dufcadii 11-aad sanadka 2010/2011, iyada oo qaar ka mid ahi ay ka diyaariyeen darajada Master-ka iyo PhD-da Jaamacado caalami ah iyo waliba barnaamijka jaamacadda ee wabarashada sare (post graduate programme) oo ay la waddo jaamacado caalami ah sida Jaamaacadda Malaysiya, Asian International University iyo Jaamacadda UmmudurmaanAl Islaamiyah ee dalka suudaan . Hadaba, Jaamacadda Muqdisho waxa ay ku wargalinaysaa dhammaan ardayda soo dhameysatay waxbarashada dugsiga sare in Jaamcaddu qaadaneyso arday cusub Sanad waxbarashadeedka 2011/2012. Jaamacaddu waxay kuu haysaa 7- kuliyadood oo kala ah: 1. Faculty of Sharia & Law, oo ka kooban: a) Sharia & Law. 2. Faculty of Education, oo ka kooban: a) Social Sciences. b) Arabic Language. c) Islamic Studies d) Math & Physics. e) Biology & Chemistry. 3. Faculty of Arts & Humanities, oo ka kooban: a) History & Civilization. b) English Language & Literature. c) Arabic language & literature. d) Geography. 4. Faculty of Economics & Management Sciences, oo ka kooban: a) Economics. b) Business Administration. c) Accounting. d) Public Administration. e) Finance & Banking. 5. Faculty of Computer Science & Information Technology, oo ka kooban: a) Computer Science. b) Information Technology. 6. Faculty of Health Sciences, oo ka kooban: a) General Nursing. b) Medical Laboratory sciences. 7. Faculty of Political Science & Information, oo ka kooban: a) Political Science. b)Journalism & Information. FG: sanadkaan waxaa ku cusub jaamacadda laba qaybood oo muhim ah baahi bandanna ay u qabto bulshada soomaaliyeed, waxayna kala yihiin: a) Medical Laboratory Sciences oo lagu heli karo fursado badan sida ka shaqaynta shaybaarada isbitaalada, goobaha caafimaadka, maamulidda goobaha caafimaadka, suuq gaynta dawada ay soo saaraan shirkadaha waaweyn, hormarinta qalabka wax lagu baaro, samaynta cilmi baaris dhanka caafimaadka ah iyo kuwo kale oo badan. b) Finance & Banking oo isna ah mid ka mid ah takhasusaadka ay dadkeennu ugu baahida badan yihiin. Diinwaangalintu waxay ka bilaabanaysaa Xarunta dhexe ee Jaamacadda ee Km5 Maalinta talaadada ah 12/07/2011, waxayna ku egtahay 15/08/2011. Maalmaha shaqada waa Sabti ilaa Khamiis. Saacadaha shaqaduna waa 8:00 subaxnimo ilaa 3:00 galabnimo. Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan kala xiriir: Tel: 002521-858479/ 002525-932454/ 002521-223433, Fax: 002521-216820 E-mail: moguniver@globalsom.com www.mogadishuuniversity.com MAHADSANIDIIN Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted July 10, 2011 Nice dalkiina ayaa la idinka baahan yahay ! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Boondheere Posted July 10, 2011 welcome back home:cool::cool::cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites