Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland information minister receives a delegation from turkey

Recommended Posts

Wasiirka Warfaafinta Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Dalka Turkiga Iyo Nuxurka Waxyaabihii ay Ka Wada Hadleen

 

Hargeysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socday dalka Turkiga, kuwaasoo booqasho ay ugu kuur-galayaan Xaaladaha Horumarineed ee Somaliland ku yimid dalka.

 

Hargeysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socday dalka Turkiga, kuwaasoo booqasho ay ugu kuur-galayaan Xaaladaha Horumarineed ee Somaliland ku yimid dalka.

 

Waftigan oo ahaa dhawr Xubnood oo sida ay sheegeen u socday inay Maal-gashi ku sameeyaan Somaliland, isla markaana waxa ay booqan doonaan dhawr goobood, Waxaanay balan qaadeen inay la shaqayn doonaan Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, kuwaasoo booqasho ku tagay qaybaha kala duwan ee Idaacada Radio Hargaysa oo ay sheegeen inay waxyaabo badan oo xagga qalabka ah ka caawin doonaan.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo Waftigan xafiiskiisa ku qaabilay ayaa uga waramay Xaalada guud ee dalka, waxaanu shaaca ka qaaday in Somaliland ay tahay dal yar oo wax badan qabsaday, isla markaana ay si Dimuquraadiya uga Hirgashaday dhawrki Doorasho ee u dambeeyey.

 

Wasiirka Warfaafintu waxa uu Waftiga uga xog-waramay Caqabadaha Idaacada Radio Hargaysa, taasoo uu sheegay inay u baahan tahay Qalab lagu caawiyo, isla markaana waxa uu Waftiga u soo bandhigay meelaha u baahan in wax laga qabto.

 

 

ugu dambayntii Waftiga ka socday dalkaas Turkiga ayaa waxay Wasiirka u balan-qaadeen inay arrimahaa wax kala qaban doonaan sida ugu dhakhsaha badan, isla markaana ay mar kale dalka dib ugu soo laaban doonaan iyagoo wax ka qaban doona Idaacada Radio Hargaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Good news..... Turkye is a friend of the Somali people

 

They can help us by destroying Al-Shaytan....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this