Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President Axmed Siilaanyo meets with the governors of the country + PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo Oo maanta markii ugu horeysay kulan balaadhan Xafiiskiisa kula yeeshay Badhasaabada Gobolada dalka

 

 

Hargeysa (HWN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta markii ugu horeysay kulan balaadhan xafiiska kula yeeshay Badhasaabada Gobolada dalka.

 

Hargeysa (HWN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta markii ugu horeysay kulan balaadhan xafiiska kula yeeshay Badhasaabada Gobolada dalka.

 

Kulankan oo ahaa kii uu noociisu ugu horeeyay ayaa waxa uu madaxweynuhu kaga dhagaystay warbixino la xidhiidha halka ay wax u marayaan, baahiyaha ka taagan goboladooda iyo waxa ay xukuumadda ka rabaan.

 

Waxa kale oo ay badhasaabadu ka warameen xaalada nabadgalayo ee ay ku sugan yihiiin goboladoodu iyaga oo balan qaaday in ay ku dedaali doonaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen waxyaabaha yaryar ee soo noqnoqda.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka ee shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.

 

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan Madaxweynaha JSL Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yaeeshay Gudoomiyey-yaasha Gobollada Dalka waxaanu ka Dhegaystay Warbiximo iyo Xog-waran la Xidhiidha Xaalada Guud ee Gobollada Dalka.

 

Ugu horayna waxa ay Badhasaabadu ka warameen Saamaynta ay Abaaruhu ku yeesheen Nolosha Dadka iyo Xoolaha iyo Dedaalka ay Xukuumada iyo Shacabiguba ka gaysteen Samata bixinta Culayska ay Biyo laaantu ku hayso Dadka iyo Xoolahaba.

 

Waxa kale oo ay ka warameen Dhinaca Nabad-gelyada oo ay sheegeen in ay xaalada nabad-gelyada Dalku inta badan ay wanaagsantahay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markaa ka dib Badhasaabada uga waramay Siyaasada iyo Qorshaha Xukuumada ee ku aadan horu-marka, Kor u qaadidda Dhaqaalaha iyo Adkaynta Nabad gelyada.

 

Madaxweynuhu waxa uu Gudoomiye-yaasha kula dardaarmay in ay dadka ku dhaqaan Cadaalad una soo jeedaan Nabad-gelyada iyo Midnimada Shacbiga Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu Gudoomiye-yaasha u sheegay in ay had iyo jeer ku dadaalaan in aaanay Xafiisyadoodu noqonin kuwo laga Cawdo Balse ay noqdaan kuwo la mahadiyo.

 

Kulankan waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey , Madaxweyne Ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Mudane. Xirsi Cali Xaaji Xasan

 

Si kastaba ha ahaatee kulankan uu saaka madaxweynuhu ku qaabilay Badhasaabada Gobolada dalka, ayaa waxa ka horeeyay mid ay shalay 11 wasiir oo xukuumadda ka tirsani hoolka shirarka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha kula yeesheen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Badhasaabada Gobolada

March 16th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Badhasaabada gobolada dalka.

 

Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu ka soo saaray kulankaasi, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

 

“Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Gudoomiyey-yaasha Gobollada Dalka waxaanu ka Dhegaystay Warbiximo iyo Xog-waran la Xidhiidha Xaalada Guud ee Gobollada Dalka.

 

Sidaana waxa lagu sheegay Warfaaxafeed ka soo baxay Xarunta Qasriga Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyada Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

 

Warsaxaafadeedkaas oo dhamatys Tirana waxa uu u dhignaa sidan :-

 

Madaxweynaha JSL Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yaeeshay Gudoomiyey-yaasha Gobollada Dalka waxaanu ka Dhegaystay Warbiximo iyo Xog-waran la Xidhiidha Xaalada Guud ee Gobollada Dalka.

 

Ugu horayna waxa ay Badhasaabadu ka warameen Saamaynta ay Abaaruhu ku yeesheen Nolosha Dadka iyo Xoolaha iyo Dedaalka ay Xukuumada iyo Shacabiguba ka gaysteen Samata bixinta Culayska ay Biyo la’aantu ku hayso Dadka iyo Xoolahaba.

 

Waxa kale oo ay ka warameen Dhinaca Nabad-gelyada oo ay sheegeen in ay xaalada nabad-gelyada Dalku inta badan ay wanaagsantahay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markaa ka dib Badhasaabada uga waramay Siyaasada iyo Qorshaha Xukuumada ee ku aadan horu-marka, Kor u qaadidda Dhaqaalaha iyo Adkaynta Nabad gelyada.

 

Madaxweynuhu waxa uu Gudoomiye-yaasha kula dardaarmay in ay dadka ku dhaqaan Cadaalad una soo jeedaan Nabad-gelyada iyo Midnimada Shacbiga Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu Gudoomiye-yaasha u sheegay in ay had iyo jeer ku dadaalaan in aaanay Xafiisyadoodu noqonin kuwo laga Cawdo Balse ay noqdaan kuwo la mahadiyo.

 

Kulankan waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey , Madaxweyne Ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Mudane. Xirsi Cali Xaaji Xasan.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this