Sign in to follow this  
General Duke

Badhan: Minister Ilka-Jiir touring Sanaag weak secessionist can do NOTHING...

Recommended Posts

Badhan, Mar 10 - Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir iyo wafid u hogaminayo ayaa booqanaya magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. Wafdiga ayaa intii ay halkaa ku sugnaayeen waxa ay la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo ay ugu horeeyaan hoggaanka dhaqanka sida Isimmada iyo cuqaasha degaanka.

 

Wafdigan oo ay ka mid yihiin wasiiru-dawlaha madaxtooyada Puntland Cali Saalax Xadari iyo wasiir ku-xigeenka maaliyadda Maxamed Cabdullahi Bootaan ayay booqashadoodu salka ku haysaa sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen dhismaha golaha degaanka ee degmada Badhan iyo guud ahaan u kuur-galidda xaaladaha guud ee ka jira gobolka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudane Ilka-jiir iyo wafdigiisa ayaa meelaha ay booqan doonaan waxaa ka mida magaalooyinka Hadaaftimo, Xingalool iyo goobo kale oo badan. Wafdigan ayaa si gaar ah ugu kuur-galaya saamaynta abaaraha ka taagan gobolka iyo waliba xaaladaha kale ee dadka ku leh saamaynta ugu badan.

 

Magaalad Badhan ayaa waxa xilligan ku sugan walina ku soo qulqulaya shacab kakala yimid magaalooyinka kale ee Puntland sida Boosaaso iyo qaar katirsan qurbaawiyiinta degaanka. Sidoo kale waxa Badhan xilligan ku sugan mas'uuliyiin horay xilal sarsare uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaas oo uu kamid yahay wasiirkii hore ee difaaca dawladda Federaalka mudane Cabdiaxman Maxamed Cali 'Bood' iyo wasiirkii duulista hawada federaalka Cabdiraxman Jaamac Cabdalla oo ah xildhiban ka tirsan barlamaanka federaalka.

 

Wararka ka imaanaya Badhan ayaa sheegaya in uu muuqdo dhaqdhaqaaq tira badan oo saameeyay dhinacyada ganacsiga, horumarka iyo siyaasadda intaba.

 

Dhinaca kalena, odayaal-dhaqameedka magaalada Hadaaftimo ayaa ka warbixiyay xaaladda abaareed ee ka taagan degaanka. Ugaas Cabdulqaadir Cali Shire ayaa Radio Daljir u sheegay in saamaynta abaaruhu ay aad u sareeyaan, waxana uu tilmaamay in ay jiraan dad ay xoolihii dhaafeen oo haatan ku soo gurmaya magaalooyinka, gaar ahaan Hadaaftimo. Magaalada Hadaaftimo ayaa waxa ku yaal baraagaha ugu badan ee Bariga Sanaag.

 

Odayaasha dhaqanka degaanka oo maanta (Khamiis) shir ku yeeshay magaalada Hadaaftimo ayaa dawladda Puntland iyo hay'adaha gargaarka caalamiga ah ugu baaqay in ay si dagdag ah ula soo gaaraan dadka gargaarka loo baahan yahay.

 

 

Cabdirisaaq Shacbaan iyo Muuse Cabdi Yusuf

Daljir, Badhan iyo Hadaaftimo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gobolka Sanaag Oo Ay Ka Socdaan Dhaq Dhaqaaqyo Ballaadhan Oo Ku Saabsan Dhaqaajinta Howlaha Maamul Ee Gobolka.

 

DOWLADDA PUNTLAND EE SOMAALIYA PUNTLAND STATE OF SOMAALIYA XAFIISKA WASIIRKA Wasaaradda Arrimaha Gudaha, D/hoose & Horumarinta Reer Miyiga.

 

 

 

Ministry of Internal affairs, Local Government & pastoral Development

 

 

 

Warsaxaafad:

 

 

 

Wefdiga ka socda Dowladda Puntland ee ku sugan Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag uuna hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, D/hoose & Horumarinta Reer Miyiga Puntland Gen: Cabdilahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayna ka midyihiin Wasiiru dowlaha Amniga Puntland Mr. Cali Saalax Xamari, Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Maxamed Cabdulaahi Bootaan, Wasiir Ku xigeenka Dekedaha & Gaadiidka Bada Abshir Siciid Saalax & Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen: Siciid Maxamed Salaad (Gorayacawl) waxay maanta kormeero ku soo fidiyeen dhamaan Hay’addaha Dowlada ee heer Gobol & heer Degmo sida:

 

 

 

1. Taliska Ciidanka Daraawiishta Qaybta Sanaag.

 

 

 

2. Taliska Ciidanka Booliska Qaybta Gobolka Sanaag.

 

 

 

3. Taliska Ciidanka Asluubta Gobolka Sanaag.

 

 

 

4. Xabsiga dhexe ee Degmada Badhan .

 

 

 

5. Ceelka Degmada Badhan & .

 

 

 

6. Xarunta Maamulka Gobolka.

 

 

 

Waxay kula kulmeen dhamaan xafiisyada & goobaha ay soo kormeereen Masuuliyiinta Dowlada ee Xafiisyadaas waxayna warbixino ka dhegeysteen Taliyayaasha Daraawiishta, Booliska & Asluubta ee Gobolka kuwaas oo uga warbixiyey xaalada Guud & hawlahooda shaqo ee ay u hayaan Bulshada .

 

 

 

Ugu danbayntii waxay kulan kula yeesheen dhamaan Shaqaalaha Dowlada ee heer Gobol Xafiiska Maamulka Gobolka shirkaas oo ay goob joog ka ahaayeen Xildhibaan: Axmed Cali Xaashi & Xildhibaan: Cimaan Dalmar (Batrool) ayna ka soo qayb galeen Gudoomiyaha Gobolka Maxamed Siciid Nuur (Dabayl) & Isuduwayaasha Wasaaaraddaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Caafimaadka, Warfaafinta, Maaliyadda, Hawlaha Guud & Garsoorayaasha Maxkamadaha Derejada koowaad ee Degmada & Maxkamada racfaanka.

 

 

 

Waxay wefdigu kaga dhegysteen Masuuliyiinta Gobolka warbixino khuseeya hawlaha Gobolka & waxqabadka laamaha maamulka waxaana kulankaas laysku dhaafsaday xogo dhowr ah, gebagebadii shirkaasna waxaa hadalo kooban u soo jeediyey Shaqaalaha Gobolka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Waxay horay wefdigu ula soo kulmeen Ururada Haweenka Degmada maalinimadii Jimcaha taariikhduna ahayd 4th March, waxay kale oo meel fagaare ah kula hadleen qaybaha Bulshada sida: Isimada, Nabadoonada, Aqoonyahanad, Culumaa’udiinka, Ganacsatada, Dhalinyarada & qaar ka tirsan qurbajoogta Gobolka maalinimadii sabtida ee bishu ahayd 5th March.

 

 

 

Dhamaan Kulamadan & wadatashiyadani waxay qayb ka yihiin socdaalka wefdiga oo ujeedadiisu tahay sidii loogu kuur geli lahaa dhamaan xaaladaha Guud ee Gobolka.

 

 

 

Mahadsanidiin.

 

 

 

Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha

 

 

 

Dowlada Puntland ee Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefti ka tirsan Golaha Xukuumada Dowlada Puntland oo ku Sugan Gobolada

 

Wefti isugu Jira Wasiiro iyo Wasiiro ku-Xigeen oo ka soda Golaha

Xukuumada Puntland ayaa waxay Gadheen Gobolada Sanaag iyo

Hayland,Hobolka Hayland Ee Xarunta Degmada Dhahar waxaa gaadhey

Wasiirka Wasaarada Xanaanada xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire

,Wasiir ku-Xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha isboortiga iyo dhalinyarada

Siciid Daahir Qodax,Wasiir ku-Xigeenka 2aad Ee Amaanka Puntland

Co-C/Jamaal Cismaan.

 

Magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaagna waxaa gaadhey Wasiirka

Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Horumarinta Gobolada ee Puntland General

Cabdilaahi Axmed Jaamac ilkajiir,Wasiiru Dowladah Madaxtooyada

C/risaaq Salaad Xamari,Wasiir ku-Xigeenka Maaliyada Maxamed

Botaan,Wasiir ku-Xigeenka dekedaha Abshir Cisiin iyo Xubno kale.

 

Weftigan ayaa markii ay tageen Goboladaasi waxaa ka damayey Wefti kale

oo ah Ganacsato iyo aqoonyahano ka soo Jeeda Gobolada Sanaag iyo

Hayland oo iyana Kulamo kula qaatay Golaha xukuumada ee Degaanadaasi

Badhan iyo Dhahar Gaadhey,Waxaana Wasiiradan ka Mid Xukuumada Puntland

lugu sababay Socdaalkooda Dhowr arrimood oo ay ugu Mihiimsantahay

Magcaabitaanka Golayaasha shacabka iyo Tayada Goboladaasi ee dhanka

siyaasada iyo Ciidanka Puntland ee ku sugan Xuduudaha Gobolada Sanaag

Iyo Hayland ee Dowlada Puntland.

Wasiiradan ayaa sidoo kale la darsanaya Xaalada Amaan ee

Goboladaasi,Abaaraha iyo Dhibaatoyinka ay shacabku ka canayaan ee ku

aadan dhanka waxqabadka Dowlada,Iyadoona Goboladaasi ay beryihii u

damayey ka soo baxayeen dhaliilo dhinaca Maamulka ay dadka rayadka ah

ee reer Puntland ka tabanayaan kuwaasi oo ah Sare u qaadista dhanka

arrimaha Bulshada ,Lakiin waxaa ka jira Goboladaasi Amni Wanaagsan

inkastoo doorka Maamulka ay haatan laga dareemayo isbedelkii Dowlada

Madaama ay Wasiiradani waxbadan qiimaynayaan.

 

Ganacsatada kala duwan ee Magaalada Badhan ayaa kulamo gaar ah la

qaadanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland General ilkajiir xili

Wasaarada arrimaha gudaha ay bilowday dedaalada Dhanka Hay,addaha

Samafalka ee Gobolada Puntland ,Waxaana kulamadani ay yihiin kuwo

Ganacsatada iyo Dowladu ay uga xajoonayaan sidii ay uga wada shaqayn

lahayeen Humarka Goboladaasi oo maalmahan Fooda Nugu soo Hayo laga

dhisayo Maamuladii Degaanada.

 

Maxamed Axmed Ciise

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;702604 wrote:
^^^I ask you to stop him touring Sanaag, ya secessionists..

Tell him to come to Erigavo. :) why is he scared? He was BORN in the city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this