Sign in to follow this  
Liqaye

Saraaakiisha Ahlu suna waljameeca oo beeniyey in ciidamada Al-Shabaab ay xalay galeen gudaha B xaawo

Recommended Posts

Liqaye   

Saraaakiil ka tirsan Culimaa’udiinka Ahlu suna Waljameeca ee gobolka Gedo ayaa beeniyey in ciidamada Xarakada Mujahidiinta Al-shabaab ay xalay gudaha u galeen muddo koobana la wareegeen gudaha degmadaasi ka dib dagaal labada dhinac ku dhexmaray degmadaasi kaasoo ka dambeeyey markii ciidamada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen.

 

Shiikh C/rashiid Shiikh Cabdi Macalin oo ka mid ah saraakiisha Ahlu suna waljameeca ee degmada B/xaawo ayaa sheegay ineysan jirin ciidamo Al-Shabaab ka tirsan oo xalay gudaha u soo galay degmada Beled Xaawo ayna wararkaasi yihiin kuwa lala yaabo oo ay ka dambeeyaan wax uu ugu yeeray kooxaha khawaarijta ah.

 

ney soo galaan iskaba daaye uma soo dhowaan karaan xitaa kooxahan khawaarijta ah degmada Beled xaawo, xalayna meel B/xaawo ka baxsan intey yimaadeen iyagoo cabsanaya ayey xabado yar yar ka soo tuur tureen markii ay ciidamada dowlada iyo kuwa ahlu una ku baxeena waaba carareen” ayuu yiri Shiikh C/rashiid Shiikh Cabdi Macalin oo ka mid ah saraakiisha Ahlu suna waljameeca ee degmada B/xaawo.

 

Afhayeenka dhinaca ciidamada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab ayaa saaka sheegtay in ciidamadooda ay weerar ku qaadeen xalay, gudahana u galeen degmada Beled-xaawo ayna la dagaalamaeen ciidamo uu sheegay iney ku sugnaayeen gudaha degmada oo isugu jiray Soomaali, Itoobiyaan iyo Kenyan, isagoo xusay in meelaha ay weerareen ay ka mid ahaayeen saldhiga Booliska degmada iyo fariisimo kale oo uu sheegay iney joogeen ciidamada ka soo horjeeday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this