Maaddeey Posted March 14, 2011 Laascaanood oo caawa lagu dilay Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee maamulka la baxay Somaliland. . Monday, 14 March 2011 21:14 Maamulka Memo Hits: 24 . . Waxaa caawa fiidkii lagu dilay magaalada Laascaanood Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool ay u soo magacaabeen maamulka la baxay Somaliland Axmed Saleebaan ******oow, waxaana goobtii dulku uu ka dhacay ka baxsaday kooxdii dilka gaysatay. Dilka Gudoomiyahan ayaa ku soo aadaya maalmo yar ka dib dil loo gaystay taliyihii Sirdoonka isla gobolka Sool ee Maamulka la baxay Somaliland. Magaalada Laascaanood ayaa ah Gobol ay gacan hayntiisa isku haystaan labada maamul ee la kala baxay Puntland iyo Somaliland oo labaduba ah Dabaqoodhiyo u shaqeeya Qawmiyadda Tigreega ah ee xoogga ku haysta Ethiopia. Shacabka ku nool Magaalada Laascaanood ayaa dhib kala kulma maamuladan jawaasiista ah waxaana ay rajaynayaan in mar uun ay gobolka soo gaaraan Mujaahidiinta Al Shabaab si ay uga kala cayriyaan qawlasatada isku haysata dhicidda shacabkeena ku nool magaalada Laascaanood. Laascaanood ayaa lagu xasuustaa xiligii ay Maxaakimta Islaamigu ka hana qaadeen Koonfurta Soomaaliya in ay noqotay Magaalada kaliya ee ka durugsan Koonfurta Soomaaliya ee ku dhawaaqday Maxakamad Islaami ah oo shacabka u horseeda ku dhaqanka Shareecadda Islaamka. Quote Share this post Link to post Share on other sites