Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Saaxil Mineral Water company opened in saaxil by the Mayor of berbera PICS

Recommended Posts

Warshada Casriya Oo Biyaha Safeysa Ayaa Maanta Laga Furay Tuulada Bixin Duule Oo Ka tirsan Gobolka Saaxil.

 

Berbera(Ramaas) Mar.14, 2011 - Warshada biyaha safeysa ee casriga ah ayaa kutaala bogcada tuulada Bixin Duule ee katirsan Gobolka saaxil warshadaan ayaa biyaha ay soo saarto magacooda layidhaa ZamZam ama Saaxil Mineral Water.

 

Haddaba furitaankii ama xadhig kajarkii warshadan Digitalka ah amaba casriga ee biyaha safeysa ayaa waxa ka soo qeyb galay Madaxda Gobolka saaxil ee kala duwan iyo ganacsato aad u danaynayay biyaha ay warshadani soo saarto oo aad tayadoodu usareyso, waxaanay bogcadani bixin duule ee warshadan laga hirgaliyay ay caan kutahay biyaha nadiifta ah iyo dabiiciya oo marka horeba aad looo isticmaali jiray.

 

 

Waxa biyaha goobtaa loo yaqaanaa (Steal Water) hadiyo jeerna waxa loo isticmaali jiray kalya xanuunka iyo beytariyada baabuurta oo sidooda loogu shubo, waana meel ilaahay ku manaystay biyaha nadiifta ah ee dabiiciga ah gu iyo jiilaalna waa durdur oo ma gudhaan. Biyaha durdurkani waxa ay ka soo baxaan buur hoosteed waxaana buurta ay biyuhu ka soo baxaan lagu magacaabaa(Isha bixin), waxaana goobtan warshada biyaha safeysa laga sameeyay wakhtiyadii hore daganaan jiray oo udoortay goobta ay biyaha ay cabayaan in ay ka qaataan saraakiishii katalin jiray wadanka Somaliland wakhtiyadii Turkiga iyo Ingiriiska ee dhulkan soomaaliland ukala danbeeyay.

 

 

Waxa furitaankii warshadan biyaha ee Zamzam maanta ugu horeyn ka hadlay mid kamida ganacsatada wax ku leh warshadan oo lagu magacaabo Sidiiq Axmed Galiixo waxaanu aad ugu dheeraaday qiimaha ay leedahay goobtani iyo biyaha bixin duule oo uu ka sheekeeyay qiimahooda iyo waliba sababaha ay udoorteen maxmiyadihii turkiga iyo Ingiriisku goobtan ee ay uga dhigteen goobta biyaha ay cabayaan looga soo qaado Gobolkasta, ha joogaane waxaana hadaladii Sidiiq Axmed Galiixo kamid ahaa "Waxan aad ugu faraxsanay manta in aanu nasiib uhelay in halkan bixin laga furo warshada biyaha soo saarta sababtoo ah waxan anigu aqoon buuxda uleeyay goobtan bixin duula iyo waliba qiimaha biyaha(Isha bixin)ee buurtaa hoosteeda sida dabiiciga ah uga soo baxa waana biyo ilaahay barakeeyay oo aan dawo mooyee dhibaato kale laheyn waxaanan idiin sheegayaa waxa halkan biyaheeda ku xisaabtami jiray oo aan biyo kale cabi jirin Turkigii dalkan wakhtiyadii hore ka talin jiray iyo waliba ingiriiskii oo isna sidaa si le’eg halkan biyaha ka qaadan jiray iyaga oo uga iman jiray Gobolada dalkeena oo dhan markaa hadii aan warshada iyo ganacsatada ku shuraakada ah amaba saamiyada ku leh wax idiinka sheego waxa kamida shirkada ganacsiga ee Soomar iyo shirkada Alaabo Haye oo saamiga ugu badan leh, waxaanay xafiisyo warshadan uga furan yihiin Gobolada dalka oo dhan waxaana ku bahoobay ganacsato caana oo aad uga dhex muuqda suuqa ganacsiga ee Somaliland, waxaananu rajaynaynaa in ay biyahani dalka debediisana gaadhaan mustaqbalka dhaw hadii ilaahay yidhaa.

 

 

Waxa isna goobtaa ka hadlay Gudoomiyaha ganacsatada yaman wax ka soo iibsata Sayid Maxamed, waxaanu sheegay in ay wakhtiyada qaar yaman ka soo rari jireen biyo ku dhaw (30.000)oo cartoon imikana aanay halka kartoon kala iman yaman, taas oo uu sheegay in ay tahay wax ilaahay loogu mahadnaqo mar hadii laga maarmay biyihii debeda inooga iman jiray oo aynu inagu dalkeena gudihiisa warshado ka sameynay tan iyo qaar hore u jirayba.

 

Intaaa kadib waxa isna hadal kooban madashaa ka akhriyay Maareeyaha Warshada biyaha ee Zamzam Maxamed xassan Tukaale, waxaana hadaladiisii kamid ahaa "Marka hore waxan umahad celinayaa madaxda Gobolka, ta degmada, ganacsatada iyo dhamaan marti sharafta faraha badan ee xaflada furitaanka warshada ZamZam Mineral Water nagala soo qeyb gashay, intaa kadib waxan jecelahay in aan maanta halkan ka sheego qiimaha biyahan iyo waxa aan idhahayga ku arkay inkasta oo aan halkan joogay intii warshadan dhismaheedu socday biyahan bixin waa biyo meel laga helaa ay yartahay dalkeena oo dhan waana biyo dabiiciya oo ilaahay barakeeyay, sida uu sidiiq sheegayna waa biyo ay maxmiyadihii Turkiga iyo ingiriiskuba ay aad udanayn jireen wakhtiyadii ay dalka joogeen ee kala dandanbeeyay. Dhinaca warshada iyo ganacsatada isugu tagatay hadaan ka hadlo waa dadkii caanka ku ahaa ganacsiga oo waxa kamida Ibraahin Alaabo aad wada garanaysaan isaga iyo shirkadiisii ganacsigaba waxa iyana kujira oo aan ka maqnayn Soomar Tradiing Company.

 

 

 

Duqa Degmada berbera Cabdalla Maxamed Carab(Cabdala Sandheere), oo xadhiga ka jaray waxa hadaladiisii kamid ahaa "Waxa sharaf weyn noo ah inaanu ka soo qeyb galo furitaanka warshadan biyaha safaysa ee ZamZam ama Saaxil Mineral Water maamul ahaana waanu soo dhaweynaynaa waxaanan odhan karaa waa loo baahnaa biyo laga soo saaro amaba warshada biyood oo laga sameeyo goobtan biyaha macaan qaniga ku ah ee bixin duule, laakiinse waxan dadka dagan goobtan iyo goobaha kale ee Gobolkaba ka codsanayaa in ay soo dhaweeyaan dadka maalgashadayaasha ah ee warshadaha iyo wax soo saarkaba inoo sameynaya. Waxa kale oo aan aad usoo dhaweynayaa dhaliyarada ama ganacsatada warshadan furtay ee uu ugu horeeyo Ibraahin Xaji Alaabo iyo cidkasta oo gacan ka geysatay furitaanka warshadan qiimaha badan leh, waxaanan ganacsatada warshadan maanta inoo furtay ka codsanayaa in ay warshadaha aanay in taa ku koobin amaba aanay warshadaha ay sameynayaan aanay ku koobin oo qudha warshadaha biyaha ee ay keenan warshado kale oo wax soosaar, kuwaas oo aynu isku filaansho ku gaadhi karno, waana waxyaabaha horumarka lagu gaadho.

Waxa isna halkaa maanta hadlo duco iyo dhiiri galaina halkaa ka jeediyay Xaaji Shide Xaji Diiriye oo aad ugu dheeraaday qiimaha ganacsiga iyo waxsoosaarka waxa isna halkaa ka hadalay Isuduwaha Wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha Baashe Axmed Jibriil oo isna sheegay in ay warshadan gacmo furan ku soo dhaweynayaan wax alaale iyo wixii wasaarada haan kaga xidhmana ay la garab taagan yihiin.

 

Warshada%20Zamzam.jpg

 

Warshada%20Zamzam.jpg

 

Warshada%20Zamzam.jpg

 

Warshada%20Zamzam.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warshad Cusub oo Biyaha soo Saarta oo laga Furay Bixin Duule oo ka Tirsan Gobolka Saaxil.

 

waxaananurajaynaynaa in ay biyahani dalka debediisana gaadhaan mustaqbalka dhaw hadii ilaahay yidhaa.waxa isna goobtaa Daawo Sawiradda

 

Warshada Casriya oo biyaha safeysa ayaa manta wax soosaarkeedii u horeeyay ooda laga qaaday xadhigana laga jaray

Warshada biyaha safeysa ee casriga ah ayaa kutaala bogcada tuulada Bixin Duule ee katirsan Gobolka saaxil warshadaan ayaa biyaha ay soo saarto magacooda layidhaa ZamZam ama Saaxil Mineral Water

Haddaba furitaankii ama xadhig kajarkii warshadan Digitalka ah amaba casriga ee biyaha safeysa ayaa waxa ka soo qeyb galay Madaxda Gobolka saaxil ee kala duwan iyo ganacsato aad u danaynayay biyaha ay warshadani soo saarto oo aad tayadoodu usareyso waxaanay bogcadani bixin duula ee warshadan laga hirgaliyay ay caan kutahay biyaha nadiifta ah iyo dabiiciya oo marka horeba aad looo isticmaali jiray waxaana biyaha goobtaa loo yaqaanaa (Steal Water)hadiyo jeerna waxa loo isticmaali jiray kalya xanuunka iyo beytariyada baabuurta oo sidooda loogu shubo waana meel ilaahay ku manaystay biyaha nadiifta ah ee dabiiciga ah gu iyo jiilaalna waa durdur oo ma gudhaan waxaanay biyahani ka soo baxaan buur hoosteed waxaana buurta ay biyuhu ka soo baxaan lagu magacaabaa(Isha bixin)waxaana goobtan warshada biyaha safeysa laga sameeyay wakhtiyadii hore daganaan jiray oo udoortay goobta ay biyaha ay cabayaan in ay ka qaataan saraakiishii katalin jiray wadanka soomaaliland wakhtiyadii Turkiga iyo Ingiriiska ee dhulkan soomaaliland ukala danbeeyay.

Waxaana furitaankii warshadan biyaha ee Zam Zam manta ugu horeyn ka hadlay mid kamida ganacsatada wax ku leh warshadan oo lagu magacaabo Sidiiq Axmed Galiixo waxaanu aad ugu dheeraaday qiimaha ay leedahay goobtani iyo biyaha bixin duule oo uu ka sheekeeyay qiimahooda iyo waliba sababaha ay udoorteen maxmiyadihii turkiga iyo Ingiriisku goobtan ee ay uga dhigteen goobta biyaha ay cabayaan looga soo qaado Gobpolkasta ha joogaane waxaana hadaladii Sidiiq AxmedGaliixo kamid ahaa"waxan aad ugu faraxsanay manta in aanu nasiib uhelay in halkan bixin laga furo warshada biyaha soo saarta sababtoo ah waxan anigu aqoon buuxda uleeyay goobtan bixin duula iyo waliba qiimaha biyaha(Isha bixin)ee buurtaa hoosteeda sida dabiiciga ah uga soo baxa waana biyo ilaahay barakeeyay oo aan dawo mooyee dhibaato kale laheyn waxaanan idiin sheegayaa waxa halkan biyaheeda ku xisaabtami jiray oo aan biyo kale cabi jirin Turkigii dalkan wakhtiyadii hore ka talin jiray iyo waliba ingiriiskii oo isna sidaa si leeg halkan biyaha ka qaadan jiray iyaga oo uga iman jiray Gobolada dalkeena oo dhan markaa hadii aan warshada iyo ganacsatada ku shuraakada ah amaba saamiyada ku leh wax idiinka sheego waxa kamida shirkada ganacsiga ee Soomar iyo shirkada Alaabo Haye oo saamiga ugu badan leh waxaanay xafiisyo warshadan uga furan yihiin Gobolada dalka oo dhan waxaana ku bahoobay ganacsato caana oo aad uga dhex muuqda suuqa ganacsiga ee soomaaliland waxaananurajaynaynaa in ay biyahani dalka debediisana gaadhaan mustaqbalka dhaw hadii ilaahay yidhaa.waxa isna goobtaa ka hadlay Gudoomiyaha ganacsatada yaman wax ka soo iibsata Sayid Maxamed waxaanu sheegay in ay wakhtiyada qaar yaman ka soo rari jireen biyo ku dhaw (30.000)oo cartoon imikana aanay halka kartoon kala iman yaman taas oo uu sheegay in ay tahay wax ilaahay loogu mahad naqo mar hadii laga maarmay biyihii debeda inooga iman jiray oo aynu inagu dalkeena gudihiisa warshado ka sameynay tan iyo qaar hore u jirayba.intaaa kadib waxa isna hadal kooban madashaa ka akhriyay Maareeyaha Warshada biyaha ee ZamZam Maxamed xassan Tukaale waxaana hadaladiisii kamid ahaa"marka hore waxan umahad celinayaa madaxda Gobolka. Degmada. Ganacsatada iyo dhamaan marti sharafta faraha badan ee xaflada furitaanka warshada ZamZam Mineral Water nagala soo qeyb gashay ntaa kadib waxan jecelahay in aan manta halkan ka sheego qiimaha biyahan iyo waxa aan idhahayga ku arkay inkastoo aan halkan joogay intii warshadan dhismaheedu socday biyahan bixin waa biyo meel laga helaa ay yartahay dalkeena oo dhan waana biyo dabiiciya oo ilaahay barakeeyay sida uu sidiiq sheegayna waa biyo ay maxmiyadihii Turkiga iyo ingiriiskuba ay aad udanayn jireen wakhtiyadii ay dalka joogeen ee kala dandanbeeyay dhinaca warshada iyo ganacsatada isugu tagatay hadaan ka hadlo waa dadkii caanka ku ahaa ganacsiga oo waxa kamida Ibraahin Alaabo aad wada garanaysaan isaga iyo shirkadiisii ganacsigaba waxa iyana kujira oo aan ka maqnayn Soomar Tradiing Company.waxa isna halkaa ka hadlay oo xadhigana ka jaray Duqa Degmada berbera Cabdalla MaxamedCarab(Cabdala Sandheere)waxaana hadaladiisii kamid ahaa"waxa sharaf weyn noo ah inaanu ka soo qeyb galo furitaanka warshadan biyaha safaysa ee ZamZam ama Saaxil Mineral Water maamul ahaana waanu soo dhaweynaynaa waxaanan odhan karaa waa loo baahnaa biyo laga soo saaro amaba warshada biyood oo laga sameeyo goobtan biyaha macaan qaniga ku ah ee bixin duule laakiinse waxan dadka dagan goobtan iyo goobaha kale ee Gobolkaba ka codsanayaa in ay soo dhaweeyaan dadka maalgashadayaasha ah ee warshadaha iyo wax soo saarkaba inoo sameynaya waxa kale oo aan aad usoo dhaweynayaa dhaliyarada ama ganacsatada warshadan furtay ee uu ugu horeeyo Ibraahin Xaji Alaabo iyo cidkasta oo gacan ka geysatay furitaanka warshadan qiimaha badan leh waxaanan ganacsatada warshadan manta inoo furtay ka codsanayaa in ay warshadaha aanay in taa ku koobin amaba aanay warshadaha ay sameynayaan aanay ku koobin oo qudha warshadaha biyaha ee ay keenan warshado kale oo wax soosaar kuwaas oo aynu isku filaansho ku gaadhi karno waana waxyaabaha horumarka lagu gaadho.

Waxa isna halkaa maanta hadlo duco iyo dhiiri galaina halkaa ka jeediyay Xaaji Shide Xaji Diiriye oo aad ugu dheeraaday qiimaha ganacsiga iyo waxsoosaarka waxa isna halkaa ka hadalay Isuduwaha Wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha Baashe Axmed Jibriil oo isna sheegay in ay warshadan gacmo furan ku soo dhaweynayaan wax alaale iyo wixii wasaarada haan kaga xidhmana ay la garab taagan yihiin.

 

Maxamed C/laahi Faarax

Gabiley News Reporter

Berbera/somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this