Somalina Posted March 14, 2011 Isniin, March 14, 2011(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta booqasho ku tegay Dugsiga Tababarka Booliska oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidmada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya, Saldhigga Ciidamada Amisom iyo Xarunta Isbitaalka Martiini oo haatan deegaan u ah Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana qeyb ka mid ah Isbitaalka adeeg caafimaad lagu siiyo dad bukaano ah. Madaxweynaha oo la hadlay naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Isbitaalka Martini ku jira ayaa wuxuu kula dardaarmay in ay sii wadaan halgankood, isla markaana ay maskaxdooda ku kaalmeeyaan dalkooda. Kaddib madaxweyanha wuxuu warbixin ka dhegeystay Agaasimaha Isbitaalka Drs. Caasha Cumar Axmed. Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqday Saldhiga Ciidamada AMISOM halkaasna waxaa u salaan kaga qaatay Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Dalka Soomaaliya. Malik Abdalla, Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha mabdalla@presidency.gov.so Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abokor Omar Posted March 14, 2011 Progress, but one step forward and two steps backwards is not healthy.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 14, 2011 Xamar still looking bash bash. Quote Share this post Link to post Share on other sites