Sign in to follow this  
Liqaye

Dowladda Qadar oo sheegtay inay is garab taagayso Dawladda Soomaaliya

Recommended Posts

Liqaye   

Xukuumadda dalka Qadar ayaa *****lka ka qaaday inay taageersantahay dowladda Soomaaliya,ee uu hoganka u haayo Madaxweeyne sheikh shariif sheikh axmed iyadoo dhinaca kala sheegtay inay la dhacsantahay qaabka ay ugu hortageen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaliya Kooxdda Al Shabaab.

 

Nasri C/casiis (Al-Nasri) oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Qadar ayaa waxa uu sheegay in dowladda Qadar ay aad uga xuntahay dhibaatooyinka mudada 20-ka sano ka jirta dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay in taageero aad u balaaran ay siiso Soomaaliya.

 

Mas’uulkaani oo u waramayay Wakaaladda wararka ee dalka Qadar oo lagu magacaabo QANA ayaa waxaa uu sheegay in dowladdiisu ay aad ula dhacsantahay hanaanka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ay kula dagaalamaan Xarakada Mujaahidinita Al Shabaab.

 

Mr. Nasri C/casiis (Al-Nasri) ayaa waxaa uu carabka ku dhiftay in dowladda KMG Soomaaliya ay wax badanb qabatay tan iyo markii la doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana uu sheegay in dowladda ay wali u harsantahay waqti ay wax kaga qaban karto xaaladaha faraha kasii baxaya ee Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in dowladda Qadar ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato wax waliba oo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.

 

Dowladda Qadar ayaa waxa ay ka mid tahay dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya, waxana qaar ka mid ah wadamada Carabta ay horey ugu dhawaajiyeen in xiligaan loo baahanyahay in hal meel loogu soo jeesto dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this