Liqaye Posted March 14, 2011 Xukuumadda dalka Qadar ayaa *****lka ka qaaday inay taageersantahay dowladda Soomaaliya,ee uu hoganka u haayo Madaxweeyne sheikh shariif sheikh axmed iyadoo dhinaca kala sheegtay inay la dhacsantahay qaabka ay ugu hortageen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaliya Kooxdda Al Shabaab. Nasri C/casiis (Al-Nasri) oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Qadar ayaa waxa uu sheegay in dowladda Qadar ay aad uga xuntahay dhibaatooyinka mudada 20-ka sano ka jirta dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay in taageero aad u balaaran ay siiso Soomaaliya. Mas’uulkaani oo u waramayay Wakaaladda wararka ee dalka Qadar oo lagu magacaabo QANA ayaa waxaa uu sheegay in dowladdiisu ay aad ula dhacsantahay hanaanka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ay kula dagaalamaan Xarakada Mujaahidinita Al Shabaab. Mr. Nasri C/casiis (Al-Nasri) ayaa waxaa uu carabka ku dhiftay in dowladda KMG Soomaaliya ay wax badanb qabatay tan iyo markii la doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana uu sheegay in dowladda ay wali u harsantahay waqti ay wax kaga qaban karto xaaladaha faraha kasii baxaya ee Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in dowladda Qadar ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato wax waliba oo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya. Dowladda Qadar ayaa waxa ay ka mid tahay dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya, waxana qaar ka mid ah wadamada Carabta ay horey ugu dhawaajiyeen in xiligaan loo baahanyahay in hal meel loogu soo jeesto dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088 Quote Share this post Link to post Share on other sites