Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Sheekh Xasan Daahir “Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, saraakiil wanaagsan baan ku weyne

Recommended Posts

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kamid ah saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab ayaa wuxuu ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho iyo khasaaraha kasoo gaaray.

 

Sheekh Xasan Daahir ayaa wuxuu sheegay in dagaaladii cuslaa ee ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladda Muqdisho uu khasaaro kasoo gaaray dhinaca Xarakada Al Shabaab, isla-markaana wuxuu sheegay in dagaaladaasi ay ahaayeen kuwo gaadmo ah.

 

Sheekha ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay Jidka Warshadaha ee magaaladda Muqdisho ay ahaayeen dagaalo culus oo gaadmo leh, isagoo qeexay in dagaaladaasi looga dillay dhawr saraakiil oo qaali ka ahayd dhinaca Xarakada Al Shabaab.

 

“Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, saraakiil wanaagsan baan ku weynay, gaar ahaan saraakiisha waxay nooga dhimatay dagaaladii cuslaa ee ka dhacay Wasaaradii hore ee Gaanshaandhiga” ayuu yiri Sheekh Aweys.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay marba haddii ay dagaalo dhacaan in la-filanaayo dhimasho iyo dhaawac intaba, balse wuxuu sheegay in ciidamadda iyo saraakiisha Xarakada Al Shabaab ay ku dhimanayaan Wado Xaq ah, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

 

Sheekh Xasan Daahir ayaa wuxuu booriyay ciidamadda Xarakada Al Shabaab, isagoo ugu baaqay inay sii wadaan dagaalada culus oo ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.

 

Waa markii ugu horeysay oo ay Xarakada Al Shabaab qirato in saraakiil wanaagsan ay uga dhinteen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Jidka Warshadaha ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this