Liqaye Posted March 13, 2011 Waa Sidee Xaaladda Waxbarasho ee Dugsiga Sare Mudug Posted by galmudug on Mar 13th, 2011 // 1 Comment View :819 Dugsiga Sare ee Mudug oo la Aas aasay 12/2/2007 ayaa ahaa Dugsigii sare ee ugu horeeyey Deeganada Galmudug Isagoo Kaalinta Koowaad u galay Qiimaynta Waxbarsahada Dugsiyada Galmudug ooay samayso Sanadwalba Wasaaradda Waxbarsahada Galmudug Mar ay booqdeen Dugsiga Mudug ( M.S.S ) Wariyaal Kasocda Galmudug News Agency Waxaan kula kulanay Maamulaha Dugsigaasi Drs Faadumo Xasan Aadam Waxayna inooga warantay Xaalada Waxbarsho ee Dugsiga Maamulaha Dugsiga ayaa Sheegtay in Ardayda Dugsiga Ka qalin jibisay ay Gaarayaan Dufcadii 3-aad mudo 4 sano gudahood ah Waxayna Tilmaamtay in ay haatan dhigtaan 300 Arday oo isagu jira Fasalada kala gadisan ee Dugsiga Sare Maamulaha Dugsiga sare ee Mudug Drs Faadumo ayaa Sidoo kale inoo sheegay in 3 dufcadood ee dhamaysatay dugsiga ay haatan waxbarasho Jaamacadeeday ka kala dhigtaan Wadanka Sudan,Iyo Jaamacada Dalka Sida kuwa Muqdisho,Kuwa Somaliland, Puntland iyo kuwa galmudug sida Gaalkacyo university (G.U) , iyagoo kabarta Jaamacadaha Dalka Sudan Kuliyado cilmiya sida 1.Engineeriya ,Beeraha ,Caafimaadka iyo Xanaanada xoolaha. Drs Faadumo Ayaa Intaasi kudartay In Ardayda Dhamaysay Dugsiga ay Awal Dibada Deeqo Waxbarasho ugu dirijireen Balse Haatan Gudaha Looga Hirgaliyey Jaamacad Tayo Sare leh islamarkaasina ay kahakiyeen Dibadii ay udirijireen Sikastaba ha haatee Dugsiga Sare ee Mudug ayaa ah mid soosaara Sanad walba Arday Farabadan Waxayna Maamulaha Dugsiga ay inoo sheegtay in Wasaaradda Waxbarshada ay sanadkaan u aqoonsatay Dugsigii ugu waxbarshada Fiicnaa Quote Share this post Link to post Share on other sites