Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland defence Minister addresses parliament+PICS

Recommended Posts

Wasiirka Gaashaan Dhiga Oo Maanta horyimid Golaha Wakiilada iyo Nuxurka Warbinta Wax qabadka mudadii uu joogay Ee Wasaaradiisa

 

Hargeysa (HWN) Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta suaalo weydiiyay Wasiirka Gaashaan dhiga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami.

 

Fadhigan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ayaa waxa uu wasiirku ka siiyay mudanayaasha warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo dhamaanteedba ku taxaluuqday Nabadgalyada dalka iyo duruufaha ay qabaan ciidamadu.

Wasiirka ayaa sheegay in ay diyaar tahay daroojiyinkii ciidamada qaranku, balse shaqaaqooyinkii ka soo cusboonaaday deegaanada barigu ay dabar ku noqotay qaybintoodu.

 

Ugu horeyna waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan Mudanayaasha golaha wakiiladda ee sharafta leh, shirguddoonka iyo waliba shirguddoonka, marka aan ka waramo qaab dhismeedka ciidamada iyo garsoorka oo wada socda, waxa uu u kala baxaa agaasinka guud, Taliska Guud iyo garsoorka ciidamada qaranka oo wada socda.

 

Intaa marka aan sidaas u sheego, waxa aan ku xigsiinayaa waajibaadka wasaaradda gaashaan dhiga ee hawleed oo ay u xil saaran tahay, way kala duwan yihiiin, laakiin waxa aynu inagu qaadanay dawladaha aynu sida gaar ah isugu dhawnahay, marka aynu soo qaadano qodobada aasaasiga ah ee wasaaradda gaashaandhiga ee laga rabo taliska guud waa in ay ka hortagaan wixii dibada kaga yimaado, ka hortaga b budhcad badeeda, dejinta siyaasada difaaca dalka, kormeerida iyo qiimaynta, jihaynta naafada qaranka.

 

Wasiirka Gaashaandhigu waxa uu xusay in marar badan la isku dayay in dib loo jiheeyo ciidamada naafada Marar badan ayaa la isku dayay in la jiheeyo Naafada Ciidamada, qaranka laakiin may hirgelin, waxa kale oo jira iyaduna qodob muhiim ah oo ah in xukuumada laga gacan siiyo sugida amniga gudaha iyo wax ka qabashada aafooyinka dabiiciga ah ilaahay (S.W) inaguma keenaan

 

Wasiirka gaashaan dhigu waxa uu xusay in ay u yeedheen ku dhawaad 15 xubnood oo ka mid ah ciidamada Milatariga ee hadda hawlgab ah kuwaas oo ay kala hadleen sidii dib u habayn wanaagsan iyo isku xidhka wasaaradda Gaashaan dhiga iyo Taliska Milatariga la isugu xidhi lahaa waxaanu yidhi

 

Wasaaradda gaashaaniga waxa soo marayay wasiiro badan, laakiin mudadii aan joogay anigu waxa aan isku dayay in dadka inta gaadhay Jananada ama Mijirnimo ee hawlgabka ah wax mushaharna aan ka qaadan ciidamada, dadkaas oo gaadhaya ilaa 15 qof ayaanu uruurinay, aniga oo aan lahayn intaas ayay ku dhan yihiin, laakiin waa inta suurtogal noqotay, waxaanan ugu yeedhnay in ay gacan naga siiyaan habka wada shaqaynta, Wasaaradda iyo gaashaan-dhiga, xidhiidhka iyo wada shaqayntuna ay u noqon lahaayeen kuwo dabiici ah, taas oo lagaga hor tagayo in aanay cidina awood gaar ah bursanin, walibana ay dib ugu noqdaan shuruucdii jiri jirtay ee milatariga oo iyada lafteeda, wakhtiga cusub iyo waayaha hadda lagu jiro la waafajiyo

 

Mar uu ka hadlayay darajooyinkii ciidamada waxa uu yidhi Darajooyinkii oo raagay in dib boodhka looga tumo, wixii hore loo hayayna waxa ay u baahnaayeen in shuruucda la waafajiyo, oo loo sameeyo sidii hadii laga qaadi karo iyo hadii la siinayoba, waayo haddii aanu sharciguba jirin oo la iskaga tolo dee wax shaqaynaya maaha, waxa kale oo iyaduna jirtay tirokoob qaran oo lagu sameeyo ciidamada qaranka meel kasta oo ay joogaan, waxaana intaas oo dhan noo qabtay nimankan aan idiin sheegayo, waxaanan runtii qirayaa in ay mudadaas wax wanaagsan qabteen iyaga oo ku shaqaynayay Miiska Saraakiisha, waxaanay ka samayeen buugaas oo dhamaanba shuruucda laga rabo darajooyinka ku soo daabacay ayuu yidhi.

 

Wasiirka ayaa bixinta Darajooyinka ciidamada qaranka dabar uga dhigay in horta la helo tiro sugan oo sax ah oo ay ciidamada qaranku yihiin Bixinta darajooyinka waxa ka horeysa horta in la helo tiro sugan oo sax ah oo ay yihiin ciidamada qaranku, waxaana taas samayn doono nimankaas aan sheegayo iyo NDC-da, kuwaas oo u kala bixi doonaa jiidaha galbeedka iyo bariga, waxaana la doonayaa in sawir laga qaado mid kasta, isla markaana haddii uu magac awoowgood uu isku mid noqdo lagu kala saaro ka hooyada, isku daygan oo 2005-tii la sameeyay oo lagu guul daraystay, laakiin taayadan waxa hor istaagtay arrimihii nabadgalyada, waayo askariga amaanka sugaya ee ay xaalad cusubi la soo deristay lama barbar wadi karo diiwaangelin

 

Ugu Danbayntiina waxa uu mahadnaq gaar ah u soo jeediyay ciidamada Qaranka ee ku sugan Gobolka Sool, kuwaas oo uu xusay in laga qaaday galbeedka isla markaana ay si adkaysi leh ugu dhabar adaygeen duruufaha ay ka midka yihiiin qabawga iyo haraadka ee ka jira deegaankaas.

 

Intaas ka dib ayaa waxa ay mudanayaashii fadhigaasi ka soo xaadiray ay Wasiirka gaashaan dhiga waydiiyeen suaalo u badnaa lexejeclo ay ka qabaan dalka iyaga oo dardaaran buuxa u soo jeedinayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo Ka Hadlay Darajada Ciidamada Qaran Sheegayna in Colaadda Ka Aloosan Barigu Ay Caqabad Ku Tahay.

 

Hargeysa (Ramaas) Mar.13., 2011 – Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mudane Axmed X. Cali Cadami oo maanta hor yimi golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka waramay xaalada ciidanka qaranka iyo halka ay marayso balanqaadkii loo sameeyay ciidamada in darajo loo samayn doono.

 

Waxa uu wasiirku sheegay in ay wasaaradiisu dadaal ugu jirto sidii ay u meel marin lahayd balan qaadkii samaynta darajada ciidamada, isla markaana ka hor intaan darajada la samayn ay bilaabi doonaan tirakoon ciidanka qaranka ah, iyagoo la tashi la samayn doona dad khubaro ku ah arimaha Milatariga, Iyo dhamaan dhinacyada ay khusayso.

 

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in colaada ka taagan gobolada barigu ay carqalad ku noqotay bilaabida tirakoobka ciidanka maadaamoo ciidanka intiisa badan ay ku suganyihiin jiidaha bariga dalka.

 

Gabo-gabadii waxa uu wasiirku sheegay inay wasaaradiisu dadaal ugu jirto ka midho dhalinta go’aanka ah in ciidamada loo sameeyo darajo. Warka oo faahfaahsan kala socda goor dhow shabakada Ramaasnews.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Gaashaan-dhiga Oo Faah Faahin ka Bixiyay Waxqabadkooda

March 13th, 2011

 

Hargaysa (Somaliland.Org) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cabdillaahi Cadami ayaa hortagay golaha wakiillada, waxaanu mudanayaasha golahaasi uga xog-waramay qaab dhismeedka iyo waajibaadka qaran ee ay u xil saaran tahay wasaaraddiisu.

 

Fadhigii golaha wakiillada ee maanta oo uu guddoominayay godoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu wasiirku ugu horayn xildhibaanada faahfaahin ka siiyay qaab dhismeedka iyo waaxyaha ay ka kooban tahay wasaaradda gaashaandhigu waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Markaan ka waramo qaab dhismeedka wasaaradda gaashaandhiga, wuxuu ka kooban yahay oo u kala baxaa Agaasinka guud, Taliska guud ee ciidanka qaranka iyo garsoorka ciidamada qaranka oo wada socda, haddii ay Boolis tahay, haday Ciidamada Asluubta tahay iyo hadday ciidanka qaranka tahay, xagaa garsoorka way ka midaysan yihiin. Hoos marka loo daadago garsoorka waxaa hoos yimaada maxkamadaha iyo xeer ilaalinta. Agaasinka guudna waxaa hoos yimaada afar waaxood oo kala ah; Agaasinka guud ee waaxda maamulka, agaasinka guud ee naafada iyo agoomaha, agaasinka guud ee xidhiidhka dibada iyo arrimaha ciidanka iyo waaxda Qorshaynta. Intaasina agaasinka guud ayay hoos timaadaa.”

 

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed Cali Camidi waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay waajibaadka hawleed ee ay wasaaradda gaashaandhigu u xil saaran tahay , isaga oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “Waajibaadka hawleed ee ay wasaaradda gaashaandhigu u xilsaaran tahay, markaan ka hadlo. Caalamku way kala duwan yihiin, dabadeedna hadba cidda aad isku tamarta tihiin ayaa lagu daydaa, markaa inagu waxaynu qaadanay dawladaha aynu siyaabo badan isugu eegnahay ama aynu awooda iskaga mid nahay. Marka aan soo qaado qodobada asaasiga ah, waajibka wasaaradda gaashaandhiga iyo taliska guudba laga rabaa waxa weeye waajibaadka laf-dhabarta ah ee wasaaradda gaashaandhiga. Waa ka difaacidda Jamhuuriyadda Somaliland weerarada kaga yimaada dibada, ka hortaga budhcad badeedda iyo ilaalinta khayraadka badda, sugitaanka haysashada hubka ee lagaga hortagi karo khataraha dibada iyo gudaha kaga iman kara qaranka, dejinta iyo xidhiidhinta difaaca qaranka, xidhiidhinta iyo taabo gelinta barnaamijka difaaca qaranka, kormeeridda iyo qiimaynta hawlaha difaaca qaranka, hubinta helitaanka shaqaalaha ku haboon gudashada hawlaha difaaca qaranka, horumarinta kor u qaadida tayada shaqaalaha gaashaandhiga, jihaynta naafada gaashaandhiga, qodobka ugu dambeeyaana ee tobnaadna wuxuu noqonayaa ka gacan siinta xukuumadda sugida nabadgelyada gudaha iyo wax ka qabashada aafooyinka dabiiciga ah.”

 

Axmed Xaaji Cali Cadami waxa kale oo uu intaa ku daray “Wasaaradda gaashaandhiga masuuliyiin badan ayaa soo maray, intii aan anigu joogay hadda waxaanu isku daynay bilawgii in aanu dad masuuliyiin ah oo gaadhay Janannimo ama Kornaylnimo ilaa iyo Mijir oo ciidanka ka hawl gabay, oo wadanka jooga, wax mushahar ahna aan ka qaadan ciidanka, dadkaas ayaanu ururinay ilaa 15 qof, malihi intaas ayay ku dhanyihin, laakiin intii wakhtigaa suuro gashay in la helaa ilaa 15 qof ayay noqdeen, qolyahaas markii aanu u yeedhnay waxaanu ugu yeedhnay in ay gacan naga siiyaan dhowr qodob oo kala ah:-

 

1.In ay gacan naga siiyaan habka wada shaqaynta wasaaradda gaashaandhiga iyo ciidanka, sidii xidhiidhkooda iyo wada shaqayntu u noqon lahaa mid dabiiciya, oo aanay cidna bursanin awood gaara in la sameeyo, in ay dib ugu noqdaan shuruucdii jiri jirtay ee milatariga oo iyada lafteeda wakhtiga cusub iyo waayaha jira in la waafajiyo.

2.Darajooyinkii ciidanka oo raagay in dib boodhka looga tumo wixii hore loo hahay, iyaga laftoodu waxay u baahnaayeen in shuruuuc la waafajiyo oo qofku sida uu ku heli karo darajada iyo sida looga qaadi karo, intaba haddii aan sharcigii jirin oo la iskaga tolo, dee wax shaqaynaya maaha. Waxa kale oo iyana ku jirtay tirakoob sugan oo ciidanka qaranka lagu sameeyo meel kasta oo ay joogaan. Intaas ayaa ugu muhiimsanaa, si fiican ayayna nimankaasi u halw galeen, laba bilood oo dhowdhow ayayna shaqaynayeen.”

Dhinaca kale, waxa Wasiirka halkaasi lagu weydiiyay su’aalo la xidhiidha shaqadiisa oo uu halkaasi kaga jawaabay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this