Xaaji Xunjuf Posted March 13, 2011 Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Kulan Kula Yeeshay Wafti Ka Socday Dalka Norwey Xafiiska Wasiirka Wasaarada Beeraha Hargaysa (HWN)-Wafti ka socday dalka Norwey ayaa maanta shir dhinacyo badan taabanaya la yeeshay xubno ka tirsan xukuumada Somaliland. Hargaysa (HWN)-Wafti ka socday dalka Norwey ayaa maanta shir dhinacyo badan taabanaya la yeeshay xubno ka tirsan xukuumada Somaliland.shirkan oo ka dhacay Hoolka Shirarka Wasaaradda Beeraha ee Magaaladda Hargeysa,ayaa lagaga wada hadlay sidii mashaariicda beeraha,khayraadka bada iyo wax soo saarka dalka wax looga qaban lahaa iyad oo laysla kaashanayo. Munaasibada shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay,Wasiirka Xanaadda Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir,Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geejire),iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha Md Faarax Maxamuud Cilmi (Geedoolle),Agaasimayaasha Guud ee Tacliinta sare iyo beeraha, Sidoo kale waxtida balaadhan ee ka socday dalka Norwey aay waxa ka socdeen:Merit Hern AES,NPA-Norway iyo Mostafa pourbayat oo ka socday ururka kultur og kompetanse oo ka sheeqeeya horumarinta beeraha iyo wax soo saarka. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda oo Warbixin ka siiyey war fidiyeenada Dalka kadib kulankii ay wada qaateen waftida, waxyaabaha ay kawada hadleen waftigan iyo nuxurka ka soo baxay ayaa hadalkiisa wuxuu ahaa sidatan:- Kooxdani waa kooxdii marka horeba wasiirka Dalka Norway ku baraarujisay in ay Somaliland wax u qabtaan waxaanay ka socdaan urur la yidhaahdo NPA oo ka soo jeeda Gobal ka mid ah Goboladda Norway oo ah ka ugu wayn dhinaca Waxsoosaarka beeraha oo layidhaahdo (Hed Mark) waxaanay halkan maanta wadaan in ay kormeer ku sameeyaan wixii ay inala qaban lahaayeen kagu horeyna waxaa uu yahay mid ay iminka in doora ka shaqaynayeen mudo gaadhaysa lixsanadood oo hada soo dhamaaday Maaligelintiisiina loo diyaariyey oo ah College Beeraha ah oo laga Hirgelinayo degaanka Cadadlay Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo intaas ku daray inay waftidani wax kala qaban doonaan dhanka wasaaradiisa isaga oo ku sababeeyey inay Norwey tahay dal ku horeeye xaga ka faa,iidaysiga kheyraadka bada. Isaga oo arintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi Xaga wasaaradayda waxaa kale oo ay inaga caawin doonaan Wasaaraddaha Khayraadka Bada oo ay ka rabaan in ay wax ka caawiyaan wayo Dalka Norway waa Dalka Aduunka ugu horeeya dhinaca kaluumaysiga oo khibrad dheeraad ah ayaa ay u leeyahiin waxsoosaarka badda,iyaga oo dhiiri gelinaya Shaqaalaysiinta dhalinyaradda, Dumarka, ee dhinaca Xeebaha,waxaa kale oo shirkan ku cadeeyeen in ay Norway diyaar utahay in ay wax la qabato Somaliland. Intaasi kadib wasiirka wasaarada beeraha Md Faarax Maxamuud Cilmi (Geedoole) ayaa isna dhankiisa war baahinta u sheegay inay tahay wax lagu farxo waftidani oo ka socota dalka Norwey, wasiirku waxa uu sheegay inay wada shaqayn buuxda wada yeelan doonaan dalka norwey laga bilaabo maanta. Quote Share this post Link to post Share on other sites