Jacaylbaro Posted March 13, 2011 Muqdisho: (Sh. M. Network) Khilaafkaan soo kala dhexgalay ciidamada Al Shabaab iyo kuwii hore ee ka tirsanaa Xisbul Islaam ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku hayo dagaalada ka dhacaya Magaalada Muqdisho kadib markii ciidamadii Xisbul Islaam aysan ka qeyb galin dagaaladii ka dhacay Mqudisho. Kulamo ay yeesheen saraakiil ka tirsan Al Shabaab iyo saraakiishii ugu cad cadeyd ururkii bur buray ee Xisbul Islaam oo ay ka mid ahaayeen Sheekh mutaar Roobow, C/qaadir Kumandoos iyo Xasan Mahdi oo maalmahaan ka dhacayay Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in looga hadlayay sidii lagu xalin lahaa arinkaasi. Ciidamadii ku biiray Shabaab ee Xisbul Islaam ayaa la sheegay in ay sabab uga dhigeen in aysan ka qeyb galin dagaalada Muqdisho in gaadiidkii Dagaalka iyo hub gacmoodkoodii horay looga qaaday dib loogu soo celiyo, in loo sameeyo talis ciidan oo ay u madax banaanyihiin balse hoostaga Al Shabaab iyo in loo sameeyo goobo cayiman oo ay dagaalka ka qaadaan. Sheekh Muqtaar Roobow iyo saraakiishii kale ee Xisbul Islaam ayaa la sheegay in ay isla ogolaadeen in la xaliyo khilaafkaasi, waxaana la sheegay in la isla ogolaaday in isgoyska Faloransa ilaa Tarabuunka ay difaacdaan ragii ka tirsanaa Xisbul Islaam ee ku biiray Shabaab islamarkaana ay ka weerar tagaan. Sidoo kale waxaa ay isku raaceen in Xadan Daahir Aweys uu hogaamiyo duulaan lagu qaado gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanada ay Maamulaan Ahlu Sunna inkastoo la sheegay in Xasan Daahir uu arinkaasi ka fiirsanayo. Warar lagu kalsoonyahay oo ay Shabelle heshay ayaa waxaa ay sheegayaan in muqtaar Roobow uu soo jeediyay in tanaasulkii horay ay u muujiyeen ururkii Xisbul Islaam haatana ay muujiyaan islamarkaana ay khilaafka joojiyaan. Waxaa la sheegay in uu haatan jiro is faham hoose inkastoo la sheegayo in wali ay dhimanyihiin kulamo ay ku balansanyihiin saraakiisha sar sare ee Shabaab iyo kuwii ururkii Xisbul Islaam. Quote Share this post Link to post Share on other sites